Araweelo News Network
shaqolaaanta
Qaaradda Afrika waxa ka jirta shaqo la’aanta ugu badan adduunka. Laga soo bilaabo 2000, ayaa in ka badan 27 kun oo Afrikaan ah u dhinteen iyagoo isku deyaya inay sharci- darro ku galaan dalalka Yurub, kuwaasoo naftooda ku biimeeyey badweynta iyo saxaraha. Waxa loo aaneeyey in dadkaas badankoodu ay shaqo-raadis ahaayeen, kana baxsanayeen saboolnimada ba’a ee Afrika inta badan saamaysa.
Shaqo la’aanta dalka Afrika ka jirta ayaa ka sarraysa 25%, balse hadda waxa jira waqtiyadan dhaqaale koboc qaaradu ku tallaabsatay oo keenay in waddamo badan shaqo la’aanta ka jirta hoos u dhacday.
Cilmi-baadhisyo cusub ayaa muujiyey in tiro ka badan 70% bulshada Afrika ay hoos uga yar yihiin da’da 25 jirka, taasina keentay in xoogga shaqeeya tirade ka bato. Waxa kaloo sabab u ah degenaansho la’aanta siyaasadeed iyo sharci la’aanta in shaqo la’aantu badato, halka aragti fiican laga bixiyo korodhka hantida gaarka ah oo faa’iido badan dalalka qaar u keentay.
Fursadaha shaqo iyo ganacsi abuur ee Afrika ka jiraa waxa laga yaaba in ay kor u kacaan tobanka sanno ee soo socota, iyagoo da’ yar tiro badan fursado waqtigan helay sida daraasada la diyaariyey sheegayaan.
Haddaba, waxa Jamhuuriya idiin soo tebinaysa qormo ay soo turjuntay oo AfricanInsider lagu qoray oo muujisay dalalka qaaradda Afrika ugu shaqo la’aanta yar.
Benin
Waa dal ku yaal galbeedka Afrika, waxana ku dhaqan bulsho 10.6 milyan ah. Shaqo la’aanta dalkan waxa ay maraysay 2.4%, sannadkii 2013-kii, iyadoo bishii February 2016 uu dalku bilaabay inuu dhiso caasimaddii ugu horraysay ee dhinaca tignoolajiyadda (Benin Smart City), waxana mashruucan lagu abuurayaa 50,000 (Konton kun) oo shaqo oo da’yarta loogu talogalay si loo sii yareeyo heerka shaqo la’aanta.
Siishalis (Seychelles):
Waa jasiirad ka kooban 115 jasiirad la mood ah, taasoo dhacda Badweynta Hindiya. Siishalis waxa ku dhaqan dadweyne gaadhaya 90,000 (Sagaal boqol oo kun) oo qof. Shaqo la’aanta ka jirta waa 2.7%. sannadkii 2014-kii waxa uu dalkani soo saaray sharci cusub oo uu ku maamulayo, shaqana ugu abuurayo muwaaddiniintiisa.
Mashruuc-sharciyeedkan waxa loogu talagalay in dadka muwaadiniinta ah aanay shaqo waayin, dalkana ka haajirin. Bishii February ee 2016-kii, waxa jasiiraddan laga sameeyey qorshe 2016 ilaa 2020 ah oo loogu talaglaay in da’yarta shaqo abuur loogu sameeyo, dhaqaalaha dalkana lagu kobciyo. Waxa la sameeyey shaqo-abuur badan oo dhinaca dalxiiska, kalluumaysiga iyo waliba shaqooyinka qaran ah.
Ruwanda (Rwanda):
Ruwaanda waxa ay dhacda bariga Afrika. Bulshada ku dhaqan waa 11.34 milyan. Waxa ay ka mid tahay dalalka shaqo la’aanta ka jirta ugu yar tahay Afrika, sababtoo ah 3.4% bulshadeeda shaqo la’aan baa haysa. Ku dhawaad 60% dadka shaqeeya ee dalkan waxa uu qof kastaba haystaa in ka badan hal shaqo.
Shaqooyinka dalkan waxa hoggaanka u haya da’yarta, gaar ahaan dhinaca beeraha. Haweenka ayaa dhinaca shaqada kaga badan ragga, inta badana shaqooyinku waxa ay ku badan yihiin meelaha baadiyaha ah marka loo eego magaalooyinka.
Dawladda Ruwanda waxa ay inta badan diyaarisaa nidaam ay da’yarta beeraha kaga shaqaynayaan si ay wax u soo saaraan, gaar ahaan shaaha iyo kafeega. Siyaasadda shaqaalaysiinta Ruwanda waxa inta badan dawladdu bartilmaameed ka dhigata in 20,000 shaqo ay abuurto sannad kasta. Sidaa darteed, 70% dadka Ruwanda waxa ay ka shaqeeyaan beeraha… La soco…