Araweelo News Network


Wiil da’diisu yartay oo la yidhaah Mr. Ebbah Wyse, isla markaana jiray 14 sanno oo qudha, ayaa loo aqoonsaday inuu ka mid yahay dadka dhinaca xisaabta ugu aqoonta badan qaaradda Afrika.
Inankan yar oo u dhashay dalka Nayjeerya ee galbeedka qaaradda Afrika, waqtigana ku jira dugsiga sare, waxa uu dhawaan ku guulaystay billad dahab ah oo la yidhaa Mathematics Olympiad oo lagu bixiyo dalka Koonfur Afrika, lana siiyo dadka xisaabta ugu fiican Afrika. Sidoo kale, wiil kale oo ay isku dugsi yihiin, laguna magacaabo Chidera Anakua oo 14 jir ah waxa uu ku guulaystay billadda Bronze Medal oo xisaabta lagu bixiyo.
Tartankan sannadle ah ee xisaabta waxa soo qaban qaabiya Ururka Xisaabta Koonfur Afrika (South Africa Mathematics Foundation), waxana la bilaabay sannadkii 2004-kii, iyadoo ururkan loogu talogalay in ay aqoonta xisaabta kor u qaadaan, taasoo fursad siisa dadka waxbarashada hoose ku jira si ay kor u qaadaan awoodooda aqooneed ee xisaabta.
Madaxa Istaraatijiyadda Dugsiga Greensprings oo ay dhigtaan labadan arday Mr. Uche Ogbu, ayaa sheegay in natijada ka soo baxday Tartanka Horyaalka Xisaabta Koonfur Afrika ay muujisay in dugsigoodu soo saaray da’yar la maskax ah saynisyahannadii waaweynaa ee Albert Einsteins iyo Isaac Newtons.
“Aad baannu ugu han weynahay in lagu dhawaaqo in ay dunida iyo horyaalka xisaabta Afrikaba noqdaan. Dugsiga Greensprings waxa uu caado u leeyahay inuu soo saaro arday maskax ahaan aad u sarreeya sannado badan; ardaydayaduna waxa ay mar labaad kor u qadeen sharafta Nayjeeriya,” ayuu yidhi Uche Ogbu.