parsiwarbixinParis(ANN)Nin magaciisa ku sheegay Johan Dorre oo ka mid ahaa dad wax ka iibsanay dukaan weyn (Supermarket) muwaaddiniin u dhashay dalka Israa’iil leeyihiin oo ku yaal badhtahama magaalada Paris, ayaa wargeyska Daily Mail ee ka soo baxa Ingiriiska u sheegay in ilaa 30 qof oo Yuhuud uu ku jiro oo ku sugnaa dukaanka xiligga weerarku dhacay ay isku qufuleen qol tallaagad ah (Freezer room) oo ku yaal dukaanka ay joogeen, kadib markii nin hubaysan xoog ku galay, afduubna u qabsaday ilaa lix qof oo goobta joogay.
Mid ka mid ah 3-dii nin ee weerarka ku qaaday Faransiiska oo la yidhaah Johan Dorre, aadna u hubaysnaa, ayaa afduub ku qabsaday dukaan weyn oo ku yaal Paris, kaasoo ilaa lix qof haystay muddo dheer, balse, waxa markii dambto toogtay ciidammada Faransiiska, kadib markii uu khaarajiyey 4 qof oo dadkii uu haystay ahaa, iyadoo dad badan oo Yuhuud ahna cabsi darteed isku qufuleen qol tallaagad ah oo loogu tallogalay in allaabooyin kala duwan lagu gaydiyo.
“Waxa aannu xaqiiqsanay in naftayadu halis ku sugan tahay, annagoo ogaanay in qofka afduubka sameeyey aannu ka maagi doonin inuu dillo dadka Yuhuudda ah, iyadoo sababta qudha ee dukaanka loo bartilmaameedsaday ahayd in dad Yuhuud ah leeyihiin, kadibna waxa aannu isku qarinay qof tallaagad ah oo aad u qabaw si aannu naftadaya uga badbaadino ninka hubaysan.” Sidaa waxa yidhi Nin Yuhuudi ah oo markii afduubku dhammaaday u warramay saxaafadda.
Waxaannu tilmaamay in muddo 5 saacadood ah ku dhuumanayeen qolka tallaagada ah oo heerka qabawgiisu ka hooseeyey eber, balse ay dadka gaadhaya 30-ka qof hoosta iska wada galeen, jidhkoodana isku dhejiyeen si qofba qofka kale uga helo diirimaad ay kula taacaalaan goobta barafka ah ee ay naftooda ku aamineen, halkaasoo ay ka dareereen markii ciidammadu toogteen ninkii weerarka fuliyey oo afar qof oo kalena dilay, isla markaana haweenay boolis ah hore toogtay.
Nin 6 saacadood kabadh isku qariyey oo warbixinno muhiim ah bixiyey
Nin shaqaale ka ahaa shirkad dhinaca daabacaada ah oo ku taal magaalo u dhaw caasimadda Paris, ayaa muddo 6 saacadood ah ku dhuumanayey kabadh, kadib markii shirkadaas gudaha u galeen nimankii wallaalaha ahaa ee maalintii Arbacada weeraray wargeys xag-jir ah, kuna dileen 12 suxufi oo ay ku jireen 4 nin oo sawir-gacmeedyo ku aflagaadeeyey Nebbi Muxamed (SCW), iyadoo ninkaas shaqaalaha ee kabadhka isku qariyey uu warbixino muuhim ah siiyey ciidammada booliska iyo kammaandooska Faransiiska, isla markaana uu si joogto ah ciidanka ula socodsiiyey dhaqdhaqaaqyada labada nin ee dilka fuliyey, aadna u hubaysnaa.
Ninka shaqaalaha oo magaciisu yahay Lilian Lepere, waxa uu saxaafadda Faransiiska u sheegay inuu naftiisa kula cararay kabadh yaalay meel uu si fiican uga arkayey labada nin ee wallaalaha ahaa oo afduub u qabsaday maamulaha shirkadda daabacadda, taasinay ay u fuddudaysay inuu xidhiidh la sameeyo booliska, una gudbiyo farriimo uu telefoonkiisa gacanta ka dirayey oo muhiim u noqday in ciidanka kamaandooska Faransiisku si fiican u helaan xogta labada nin, kadibna ay rasaas ku dilleen, taasoo soo afjartay hawlgal socday 48 saacadood oo dawladda Faransiisku dagaal kula jirtay saddex nin oo weeraro kala duwan ka sameeyey gudaha magaalada Paris.
“Farriintii u horraysay waxa aan u diray aabahay oo aan u sheegay in rag hubaysan na qabsadeen, laakiin aan annigu meel ammaan ah ku dhuumanayo, waxaanan ku wargeliyey inuu booliska la xidhiidho, lana socodsiiyo xaalada oo dhan, balse markii dambe oo dhan annigaa booliska iyo ciidammadaba siiyey warbixino muhiim ah oo sababay in la dilo,” ayuu yidhi ninka cabsi darteed ugu dhuuntay kabadhku.
Bani’aadanimada ay muujiyeen raggii wallaalaha ahaa ee weerarka fuliyey

Labada nin ee wallaalaha ahaa oo magacyadoodu kala ahaayeen Said Kouachi iyo Cherif Kouachi, ayaa markii u horraysay ee weerarka ku qaadeen xarunta wargeyska ku yaal badhtahama Paris, waxay toogasho ku dilleen 12 suxuyihiin ah iyo sarkaal boolis ah, balse, waxa mucjiso noqotay sida ay u badbaadiyeen haweenay ka mid ah shaqaalaha wargeyskaas oo ay nafteeda badbaadiyeen, iyadoo gabadhaas suxufiyada ah oo la yidhaah
Sigolene Vinson, ay u sheegtay Radio France in labada nin horteeda ku khaarajiyeen dhammaanba asxaabteedii suxufiyiinta ahaa, balse ay iyada u muujiyeen bani’aadanimo.
“Mid ka mid ah raggii weerarka fuliyey, ayaa iyagu yidhi; ‘Kuma dillayno adiga oo waxaad tahay qof dumar ah, annaguna ma dilno dumarka, laakiin waa inaad diinta islaamka qaadato, xijaabna xidho, qur’aankana akhriso, iminkana orod iska bax.’ Ayey igu yidhaahdeen annigoo cabsi la gariiraya, sidaas ayaanay naftayda u badbaadiyeen,” ayey tidhi gabadha weriyaha ah ee ka badbaaday weerarkii lagu qaaday wargeyska xarruntiisu tahay magaalada Paris.
Dhinaca kale, labada nin ee wallaalaha ahaa, ayaa markii ay ka baxsadeen magaalada Paris, waxay afduub ahaan u kaxaysteen haweenay macallimad ah oo ay muddo yar kadib xoriyadeeda u celiyeen, kuwaasoo sacado kadib iyagoo lugaynaya galay meherad wax lagu daabaco oo ku taal magaalo u dhaw caasimadda Faransiiska ee Paris.
Waxyaabaha mucjisooyinka noqday ee tilmaanta u noqday heerka bani’aadanimadu ka gaadhay wallaalaha hubaysnaa, waxa ka mid ah in nin allaabooyinka iibiya oo macmiil u ahaa madbacada ay qabsadeen uu gudaha u soo galay isagoo aan wax war ah ka ahayn in meesha afduub loo haysto, balse, ay ragga weerarka u fuliyey u ogolaadeen inuu meesha isaga tago si aanay ciidammada Faransiisku waxyeelo u gaadhsiin naftiisa.
“Markii aan meherada galay, waxa iga soo hor baxay masuulkii madbacada lahaa oo rag hubaysan hareeraha ka socdaan, waan naxay, balse, waxay igu yidhaahdeen is-deji, kadibna inta aan sallaan gacan-qaad ah u sameeyey maamulihii iyo nin hubaysnaa, ayaan soo baxay, wax dhib ahna iimay gaysan,” ayuu yidhi ninka macmiilka ahaa ee la kulmay raggii fuliyey weerarkii giligilay Faransiiska, isagoo intaas raaciyey; “Nin kale oo xoog u hubaysan ayaa ii sheegay in aan meesha isaga tagay, waxaannu igu yidhi; ‘Orod meesha ka carar annagu ma dilno dadka rayidka ah ee aan waxba galabsane.”
Wada-xaajoodkii Boolisku isku dayeen iyo jawaabtii ay ka heleen wallaalaha hubaysnaa
Markii muddo dheer lagu hareeraysnaa goobta labada nin ee wallaalaha ahaa ku jireen, waxa boolisku la sameeyeen xidhiidh ay doonayeen inay kula xaajoodaan si ay si nabad ah isugu dhiibaan ciidammada ammaanka, naftoodana loo badbaadiyo, balse, labada nin ee wallaalaha ahaa ayaa booliska u sheegay in aanay marnaba is-dhiibi doonin, diyaarna u yihiin inay shahiidnimo ku dhintaan, kadibna waxa goobtii ay ku jireen weeraray ciidammada kamaandooska Faransiiska oo ay rasaas is-difaac ah kala hortageen, halkaasoo labadii nin lagu khaarajiyey, laguna soo gunnaanaday hawlgal 48 saac socday oo ay ka qaybgaleen ciidan tiradiisu ahayd ilaa 180 kun oo askari oo cirka iyo dhulkaba ka weeraray.

Maamulaha madbacada daabacaada ee ay ku dhuunteen raggii fuliyey weerarkii lagu khaarajiyey 12-ka suxufi iyo sarkaalka booliska ah, ayaa ka sheekeeyey waxyaabo uu kala kulmay labada nin, isagoo xusay inay ahaayeen rag qiimi weyn u haya bani’aadanimada, edeb iyo akhlaaq badana ka muuqatay muddadii ay la joogeen, kuwaasoo uu xusay inay ku wargeliyeen in aanay isaga iyo shaqaalihiisaba wax dhib ah u gaysan doonin.
“Markii labada nin soo galeen meheradayda, waxa aan dareemay cabsi iyo argagax weyn, noloshana waan ka quustay, maadaama ay aad u hubaysnaayeen, laakiin nasiib-wanaag, wax gardaro iyo daandaansi ah igulamay dhaqmin, waxay u muuqdeen inay si edeb miidhan u joogaan, waxayna markasta oo ay ila hadlayaan ku bilaabayeen mudane, taasina waxay tilmaan u tahay sida ay ii ixtiraameen. Labada nin mid ka mid ah ayaa dhaawac qabay oo dhiig ka socday, anniguna naxariis ayaan u muujiyey oo daawayn fudud ayaan u sameeyey, cabbitaan iyo bun ayaan siiyey, waxayna markastoo ay wejigayga ka dareemaan cabsi igu raaligelinayeen in aanan wax werwer ah dareemin,” ayuu yidhi ninka maamulaha ahaa oo waraysi siiyey wargeyska the Daily Mail ee ka soo baxa Ingiriiska.
Waxa kaloo uu tilmaamay in aannu ku faraxsanayn falka dilka ah ee labada nin kula kaceen suxufiyiinta iyo sarkaalka booliska ah, sidoo kalena aannu ku faraxsanayn in labadaas wallaaha ahaana la toogto, maadaama ay ahaayeen dad bani’aadanimo xooggan ka muuqatay, diyaarna aan u ahayn inay dad rayid ah dilaan, waxaannu yidhi; “Waxa aan dareemayaa woxogaa bani’aadanimo ah oo aan u hayo raggaas wallaaha ahaa, sababtoo ah anniga ayey bani’aadanimo ii muujiyeen oo ay naftayda badbaadiyeen, markastana si edeb leh oo akhlaaq ka muuqato ayey iila dhaqmayeen, waxa aan ahay aabo carruur dhalay, sidaas darteed, waan ka xumahay in labadaas nin oo ahaa dhallinyaro edeb iyo akhlaaq leh ay dhintaan.”
Araweelo News Network

Somaliland Office

info@araweelonews.com

jaamac132@gmail.com