tartankaqunanka
Hargeysa(ANN)Madaxweynaha Qaranka Somaliland Mudane Axmed Maxamed Silaanyo waxa uu maanta Abaalmarino kala duwan gudoonsiiyey Ardaydii ku guulaysatay Tartanka Qur”aanka kariimka ah ee ka socday Masjidka Cali Mataan oo la soo gebegabeeyey.

????????????????????????????????????

Gaadhiga Abaalmarinta ah

Tartankan ayaa noqonaaya kii saddexaad ee uu madaxweynuhu si xidhiidha u gudoonsiiyo Ardayda ku guulaysatay kaalmaha hore Baabuur iyo hadyado kala duwan, waxaanu Galabta madaxweynuhu bixiyey gaadhigii saddexaad oo ah NOAH, iyadoo uu Madaxweyne labadii tartan ee kan ka horeeyeyna uu bixiyey gawaaadhi kuwaasoo kala ahaa NOAH iyo Markii Indhacade ah.

 

arday kamid ahkuwa la hudoonsiiyay abalmarinta
Madaxweynaha ayaa ku suntan tartankan quraanka kariimka ah madaama uu noqday mdaxweynihii u horeeyey Somaliland ee maalgeliya tartan quraan ah.

Ardayda ku guulaysatay tartankan oo ka kooban afar ruux waxa u kala guulaysteen sidan:-

4. Cabdiwahaab Ismaaciil Maxamed (Hargeysa) $700, Kitaab quraana iyo hadyado kala duwan oo ka kooban todobad shay.

3. Cali Aadan Cismaan (Berbera) $1,000, Mobile qaaliya iyo hadyado kala duwan oo ka kooban todobad shay.

2. Ismaaciil Cumar Madar (Hargeysa) $1,300, Kitaab, Laptop qaaliya iyo hadyado kala duwan oo ka kooban todobad shay.

1. Maxamed Axmed Xasan (Hargeysa) Gaadhi, $200 iyo hadyado kala duwan oo ka kooban todobad shay.
Ugu horayn waxa halkaasi ka hadlay Culimo awdiinkii soo qaban qaabiyey tartankan oo ay kow ka tahay wasaaradda Diinta iyo Awqaafta Somaliland, ka dibna waxa halkaasi loogu sameeyey Ardayda iyo Culimadii Afur iyo Casho sharaf uu madaxweynuhu ku maamuusay.

Wasiir Madaxtooyada JSL Xirsi Cali Xaaji Xasan oo isna Halkaasi ka hadlay ayaa bogaadiyey Tartan islamarkaana u hanbalyeey Aradaya kalmaha hore ka gashay, wuxuuna xusay inay muhiim tahay in kor loo qaado qur,aanka kariimka ah iyadoo sharaf iyo maamuus u ah Diinteena islaamka, sidoo kalena wuxuu hanbalyo u diray Wasaarada Diinta iyo Awqafta Somaliand oo tartankan soo abaabushay.

Dhanka kale waxaa isna halkaasi ka hadlay mid kamida Culimada Masaarida oo ka socday Jaamacada Al-Azhar islmarkaana maal mihii u danbeeyey ku sugnaa Magaalada Hargeysa, waxaana ay sheegeen in Somaliand makaan nabada iyo horumarku ka tis qaaday sidoo kalena waxay soo dhaweeyeen Tartanka quraanka kariimka iyo kor u qaadida diinta islaamka, Waxaana ay Madaxweynaha iyo Xukuumada ku amaaneen Amniga iyo Nabad gelyada ka jirta Dalka Somaliland.

Ugu Danbayntiina waxaa Madashaa soo gunaanaday Madaxweynaha JSL Axmed Maxamed Maxamed Maxamuud Siilaanyo una hanbalyeey Ardayda ku guulaysatay Tartankaasi qur,aanka kariimka ah sidoo kalena ku amaanay Wasaarada Diinta iyo Awqaafta iyo Culimadii soo qaban qaabisay.

Somaliland Office
Email info@araweelonews.com
Jaamac132@gmail.com
Twitter: Arraale M Jama @Araweelonews