amiir dalal
Riyad(ANN)Amiir   Al-waleed  Bin Dalal Al Sacud oo ah ninka ugu taajirsan dalka Sucuudiga, isla markaana ka mid ah shaqsiyadka ugu lacagta baddan aduunka oo iska leh shirkado waaweyn oo dunida laga yaqaan, kuwaas oo ay ka mid yihiin  KHC (Kingdom Holding Company)  ee uu Guddoomiyaha ka yahay,  ayaa mag dhan 5 milyan oo riyaalka Sacuudiga ah ka bixiyey nin loo haystay fal dil ah oo uu sameeyey sannadkii 2012.
Ninka dambiilaha ah oo la yidhaah Maxamed Al Qili, ayaa sannadkii 2012 lagu helay inuu qof si badheedh ah u dilay, kadib markii horraantii 2012 ay nin gacanta isula tageen uu ku geeriyooday, sidaasna maxkamaddu ku xukuntay in la dilo, balse qoyska ninkii geeriyooday ogolaadeen in haddii uu 23 milyan oo Riyaal mag ahaan u bixiyo ay cafinayaan.
Maxkamadda ayaa u qabatay inuu lacagta ku bixiyo ugu dambayn 4 May 2015 ka, isagoo xabsiga ku jiray muddo saddex sanno ah, halka qoyskiisuna awoodeen in ay soo ururiyaan 18 milyan oo Riyaalka Sucuudiga ah.
Amiir Al-Waleed ayaa bogga uu Twitter ku leeyahay ku sheegay in aanu faragelin ku samaynayn sharciga, balse uu ka bixinayo magta loo haysto ninkan qayb ka mid ah, waxaanay qoyska ninka dilka ku xukunaa u mahadnaqeen amiirka wiilkooda badbaadiyey, kaasoo xukunka dilka ah lagu fulin lahaa haddii aannu ka bixin lahayn lacagta magta ah, inkastoo wax walba u dhaceen qadar Ilaahay.
Qoyska ninka laga dilay, ayaa dalbaday in marka la sii daayo Al-Qili aanu soo gelin magaalada Riyadh, haddii kale ay dhibaato abuurayso, lana kala badbaadiyo labada qoys.

Araweelo News Network
Somaliland Office
Email info@araweelonews.com
Jaamac132@gmail.com
Twitter: Arraale M Jama @Araweelonews