#Araweelo_News_Network.

 

Dubai (ANN)- Baadari (Xaakhaam) Yuhuudi ah oo  magaciisu yahay Zvi Kogan (Cogan) oo ay da’diisu ahayd 28 jir ayaa lagu dilay magalaada Al-cayn ee dalka isutagga imaaraatka carabta.

Baadariga la dilay ayaa haystay dhalashada dalka Maldovia, iyo jinsiyadda Israa’iil ayaa sidoo kale sheegtay  Axaddii in maydka Raabbi reer Moldova Israel ah oo lagu waayay Imaaraadka Carabta la helay ka dib markii lagu dilay waxa ay ku tilmaantay “dhacdo argagixiso oo naceyb ah”

Baadhitaan ay samaysay dowladda imaaraadka ayaa lagu sheegay inay dilka ka dambeeyaan saddex qof oo loo tuhmay, sida ay sheegtay Wasaaradda Arrimaha Gudaha ee Imaaraadka goor danbe  falkaa mas’uuliyiinta ay xidheen ayaa noqday saddex tuhmanayaal ah oo ku lug lahaa dilka Zvi Kogan.

Saddexda  nin oo ka soo jeeda dalka Uzbekestan ayaa  da’dooda yo magacyadooda lagu sheegay   sidan.

1.oloombi Tahoorfish , 28 jir.
2. maxmuud Cabdi raxiim joon 28 jir.
3. Caziiz beek kaalmofij 33 jir.

Dhinaca kale, safiirka dalka isutagga imaaraadka carabta ee dalka Maraykanka Yuusuf Al-cutauba ayaa cambaareeyey falkaasi isagoo ku sheegay inuu yahya fal argagixisnimo ah, iyo Nayamcab ka dhan dadka yahuudda, oo lagu sumcad dilayo dalkiisa, wuxuuna ballan qaaday inay soo qaban doonaan dalmbiilayaasha oo ay marin doonaan ciqaabta ay mudan yihiin.

Dawladda Israa’iil ayaa ka hadashay falka, iyadoo Ra’iisal  wassaaraha Israa’iil falkaa ku sheegay inuu yahay  fal argagixsnimo ah iyo Nacayb ka dhan ah dadka yuhuudda (Antisemitsism) wuxuuna dowladda imaaraadka ugu baaqay inay soo qab qabato dambiilayaasha.

Author: Dr. Ahmed Hassan Salah, Compiled and Edited by: Arraale M Jama.
Published by Araweelo News Network. Salah is a writer and diplomat who comments on politics and international relations and advocates for Somaliland’s identity. He has published articles and videos on the way Somaliland can legally get its identity, which have been published past on the Araweelo News Network.