Araweelo News Network

basaaskiimasarQormadan oo uu degelka Aljazeera ku qoray Mr. Ali Younis, isla markaana Jamhuuriya Afsoomaali ugu beddelay, waxa si faahfaahsan loogu sharraxay nin basaas ahaa oo u dhashay dalka Masar, kaasoo badbaadiyey dawladda Israa’iil waqti ay ku dhawayd inay burburto amma la baabiiyo gebi ahaanba.

Muddo hadda laga joogo 43 sanno, kuna beegan sannadkii 1973-kii, markii uu dhammaaday dagaalkii dalalka Masar iyo Suuriya la galeed Israa’iil, ayaa qoraa Yuhuudi ah waxa uu bannaanka u soo saaray dhacdo xiiso badan oo muujinaysa kiisas ka dhex dhacay taariikhda sirdoonka waqtiyadii ay socdeen dagaallada iyo khilafaadka Carabta iyo Israa’iil (Arab –Israeli Conflict) oo ilaa hadda wali laga doodo, hadal haynteeduna aanay dhammaan.

Qoraaga oo magaciisu yahay Uri-Bar Joseph ayaa buug uu soo saaray, waxa uu si xikmad iyo farshaxannimo leh ugaga sheekeeyey dhacdo uu sameeyey basaas caan ka ahaa sirdoonka Israa’iil iyo Masar oo labadoodaba u shaqayn jiray, gaar ahaan intii lagu guda jiray dagaalkii la odhan jiray Yom Kippur, kaasoo saamayn ku lahaa awoodda iyo go’aan-qaadashada Masar ka hor iyo kadib markii dagaalku uu ka dhigay nin dhigay taariikh jiil ka jiil laga sheekeeyo, kaasoo faa’iido u noqday Israa’iil in ay noqoto qaran ilaa hadda dhidibada ku taagan.
Basaaska Asraf Marwan waa ninka taariikhda ka dhigay dunida basaasnimo ee Bariga Dhexe, asal ahaanna waa Masri. Sannadkii 2007 ayuu ka soo dhacay guri dabaq ah ku yaal magaalada London ee caasimadda Ingiriiska oo uu qol ka deggenaa. Ilaa hadda sababta keentay dhimashadiisa iyo inuu dabaqaas ka dhaco waa la garan waayey, xalna waa loo waayey.
Haddii aan dib u milicsanno taariikhdii uu ka tegay ee dunida ka yaabisay waxay ahayd inuu ahaa sababta Israa’iil guusha u keentay dagaalkii 1973 xilli ay quus ku dhawayd oo Suuriya iyo Masar weerar laba-geesood ah ku soo qaadeen.
Buugga Bar-Joseph ka qoray dhacdada ninkan waxa uu ku xusay in Marwan ahaa geesi hay’adda mukhabaraadka Israa’iil ee Mosad ka tirsanaa oo guul soo hooyey. Waxa kaloo uu sheegay in dalka uu ka soo jeeday ee Masar aannu khiyaamoole ka ahayn siduu ku dooday, hadda waa nin siro aad u culus ka iibiyey cadaw waqti dagaal socday.
Marwan waxa magaciisa sirta ah (code name) ahaa Malag “Angel.” Waxa uu 24 saacadood ka hor intii aanay dagaalka soo qaadin ciidammadii Carabtu war digniin ah u diray hay’adda sirdoonka Israa’iil ee Mossad. Wuxuu ahaa nin macluumaad badan ka haya millateriga Masar iyo qorshayaasha dagaal iyo hoggaamiyayaasha ciidammada kala duwan, waana ta keentay in Israa’iil guul weyn ku taamto waqtigaas oo jebiso ciidankii Carabta…. La soco qaybta dambe…