blocks

Qaybtan waxaynu kusoo qaadanaynaa nooca Afraad ee heshiisyada oo ah (Service Contract ), kaas oo dhexmara shirakad, ama shaqsiyaad iyo Xukuumadda, isla markaana mararka qaar loogu yeedho (Technical Service Agreement), heshiish addeeg iyo farsamo, wuxuuna inta badan noqdaa mid heshiis lagu yahay in shirkaddu dhinaca farsamada iyo addeega wax soo saarka shidaalka, ama khayraadka kale ee lagula heshiiyay ku koobnaato.
Hase yeeshee waxa khuburada dhinaca heshiisyadda khayraadka dabiiciga ahi ku tilmaamayaan nooca heshiiskaa inuu dhibaatooyinkiisa leeyahay, iyagoo ka digaya khiyaamooyin ka dhalan kara haddii aanay jirin khibrad uu dalkaasi u leeyahay dhinaca heshiisyada Caalamiga ah iyo soo saarista Kahayraadka dabiiciga ah.
Waxayna ku talinayaan in wadanka doonaya inuu lasoo baxo kahyraadkiisa si uu uga badbaado mushkilado iyo dhibaatooyin kaga yimaada shirkaddaha iyo dilaaliinta wareegaya dunida ee inta badan ka yimaada dalalka hore u maray inay sameeyaan marka hore dalalka kahyraadkoodu dihinyahay shuruuc adag oo lagu xadidiyo qaabka loo maamulayo khayraadka dalka iyo sidoo kale aqoonayahano iyo sharci yaqaano maamula hawlahaa heshiisyada caalamiga ah, kuwaas oo ka taxadiraya dhibaatooyin iyo mushkilado ka dhasha heshiisyada la doonayo in lagu soo saaro shidaalka iyo khayraadka dalkaa.
Hadaba xukuumadda Somaliland afarta nooc ee heshiisyadaa midkee ayay la gashay shirkaddaha ay dhowaan sheegatay inay soo saarayaan shidaalka, ma jiraa sharci iyo qaanuun cadaynaya ciida awooda u leh qaabka loo maamulayo khayraadka dalka. Sidoo kale heshiisyada lala galay ma yihiin kuwo la mariyay nidaamka sharciga iyo dastuurka dalka mise waa kuwo qol madaw lala galay oo ku kooban Wasiirka Macdanta oo keliya, maxay khasaare iyo faa’ido u keeni karaan dalka iyo dadka, ama deebacada iyo Bey’adda deegaanka ka bedeli karaan.
Qaab noocee ah ayay u bibaabmeen heshiisyadu shidaalka Somaliland, baaxadda dhulka loo qoondeeyay mid walba iyo qaabka loogu kala macaashay qandaraasyada la bixiyay, shirkaddaha la siiyay iyo inta jeer ee ay iibiyeen saamiyo iyo xaqiiqda dhabta ah ee qaabka guracan ee loo maamulayo khayraadka Dalka iyo saamiyada lagu kala leeyahay shirkadaha dilaaliinta ah ee la doonayo in lagu boobo khayraadka dalka, waxaynu ku axadhaynaa qaybaha danbe ee taxanahan.
La soco qaybo kale
By, Carraale M. Jama Freelance Journalist and Human rights Activist.
E-mail Jaamac132@gmail.com
info@araweelonews.com

www.araweelonews.com

www.araweelonews.net