blocks
Marka horeba ma jirto ilaa hada meel ay xukuumadda Madaxweyne Siilaanyo kusoo bandhigtay heshiisyada shidaalka, qaabka loo bixiyay iyo lacagta laga qaado shirkaddaha sidan oo kale ah marka qalinka lagu duugo heshiiska, taas oo aan ka muuqan miisaaniyada.

Sidoo kale lama ogga cidda iska leh shirkaddahaa iyo Hantida ay leeyihiin, mana jiraan ilaa waqtigan meel lagu soo bandhigay arrimahaa iyo kuwo kale oo mad-madaw baddan ku jiro, balse suxufiga taxanahan ka diyaariyay, ayaa baadhitaan uu ku sameeyay wax baddan ka oggaaday shirkaddaha shidaalka ee Xukuumadda Somaliland heshiishyada qarsoon la gashay , kuwaas oo xoggaha iyo macluumaadka laga soo ururiyay lagu soo gudbin doono qormooyinka danbe ee soo socda.

Marka ay aynu usoo noqono mawduuca aynu arrimahan kaga hadlayno, ama ku faaqidayno, waxa aan muran ku jirin in aanay Xukuumadda Madaxweyne Siilaanyo marnaba soo bandhigin oo aanay bedka soo dhigin macluumaad iyo xoggo daah-furaya oggolaanshaha shirkaddaha, ama ashqaasta la siiyay ee xukuumaddu heshiishyadda qarsoon la gashay, kuwaas oo aan la ogayn hantidooda, khibradooda iyo ilaa heerka la aamini karo, ama lagu kalsoonaan karo inay xukuumaddu u qaybiso khayraadka dalka, iyadoo xeerkii iftiimin lahaa waxyaabo badan oo su’aalo ka taagan yihiin, ama mad-madaw badani kaga jiro bulshada aan la diyaarin, iyadoo waajibka koowaad ahaa in ka hor inta aan wax heshiis ah lala gelin shirkaddaha iyo dilaaliinta shisheeye ee u Ordaya inay boobaan Khayraadka dalka la sameeyo xeerarka lagama maarmaanka u ah sida Patroliam Law oo la’aantii aan la geli Karin Heshiis.

Dhibaatada mustaqbal ee kusoo waajahan Somaliland iyo Khayraadkeed maaha mid ay dusha ku qaadanayaan Wasiirka Macdanta iyo Tamarta ee shandada ku sita Heshiisyadaa iyo Madaxweyne Siilaanyo oo keliya, balse waxa aan sinaba uga baxsan Karin Golaha Sharci-dejinta oo doorkii ay ku lahaayeen ka seexday, isla markaana noqday dilaaliin aan waxba u qaban bulshadii soo dooratay.

Sidaa awgeed golayaasha sharciga sida Baarlamaanka ayaan waxba kala socon heshiishyada baddan ee lala galay shirkaddaha ee ku saabsan Shidaalka iyo nooca ay yihiin, balse sida lagu sheegay qoraalo kooban oo lagu daabacay qaar ka mid ah shirkaddaha boggagooda dhinaca internetka oo ay soo saareen waxa lagu sheegay in nooca heshiishyada ay la galeen xukuumadda Somaliland yihiin nooca loo yaqaan Tanaasulka (concessions).

Heshiishka Nooca (Concession Agreement), kaas oo noqonaya heshiish tanaasul, isla markaana sida aynu hore usoo sheegnay laga mamnuucay dunida wixii ka danbeeyay 1960, iyadoo loo arkay inuu yahay mid aan u danaynayn nooca heshiiskaasi dalalka ay la galaan shirkaddaha shisheeye oo ah mid dantooda iyo maslaxadoodu ku jirto si ay uga faa’idaystaan khayraadka dalkaa, kaas oo 50 sanadood ama 60 sanadood aan waxba laga bedeli Karin, wuxuuna nooca heshiishkaasi ilaa maanta qabad ku noqday dalka Yaman oo khayraadka shidaalkooda Foostada saliida ee ceedhiin ku qiimaysantahay qiimihii xiligii heshiishka lala galay mudo ku siman 1955 iyo waqtigan oo lagu jiro 2013.
Qaabka ayu bibaabmeen heshiisyadu shidaalka Somaliland, baaxadda dhulka loo qoondeeyay shirkaddahaa mid walba iyo sida loogu kala macaashay qandaraasyada la bixiyay , shirkaddaha la siiyay iyo inta jeer ee ay iibiyeen saamiyo, dadk iska leh oo ay soo gelayaan masuuliyiin xukuumadda Madaxweyne Siilaanyo iyo shaqsiyaad Qoyskiisa ah, arrimahaa iyo kuwo kale waxaynu kusoo qaadanaynaa mawduucyada danbe ee baadhista iyo daba-galka arrimahaa.

Dhegta u taag, ama La soco qaybo kale
By, Carraale M. Jama Freelance Journalist and Human rights Activist.
E-mail Jaamac132@gmail.com
info@araweelonews.com
www.araweelonews.com

www.araweelonews.net