King Osman Aw Mohamoud
Hargeysa(ANN)Boqor Cismaan Aw Maxamuud (Buur-madaw) oo ka mid ah Madaxdhaqameedka Somaliland kuwa ugu caansan, ayaa ka hadlay Xaaladda siyaasadeed ee waqtigan Somaliland, Loolanka kulmiye iyo khilaafka golaha wakiillada Somaliland ee lasoo afjaray iyo arrimo kale oo xaasaasi ah.

Boqor Buurmadaw, waxa kale oo uu ka hadlay dhawaaqyada dhacdooyinka dalka ee Madaxdhaqameedka, wuxuuna arrimahaa kaga hadlay waraysi uu khadka Isgaadhsiinta ee Telefoonka ku siiyay Wargeyska Saxansaxo oo si madaxbanaan uga soo baxa Magaalada Hargeysa.

Waraysigaa oo lagu daabacay cadadkii soo baxay 22 Nov 2014, wuxuu Boqor Cismaan Aw Maxamuud (Buur-madaw) oo arrimahaa ka hadlaya yidhi, “Xaaladda dalku way wanaagsan tahay oo nabad gelyo weeyaan, laakiin carab iyo labadiisa daan ayaa is qoonsada oo kollay meesha ay rag iyo siyaasadi joogto wuu imanayaa dood iyo hadalba, markaa waxaan qabaa inaynu mel fiican marayno oo ay Somaliland dhinaca caalamka wax badani uga kordheen, waxa weeyaan hadda waataas ay Itoobiya maalgashanayso dekedii berbera oo ay mashaariic samaynayso, isla markaana caalamka lagaga hadlayo gacansigeenii oo meel wanaagsan uu marayo, aniga wanaag badan ayaa ii muuqda, laakiin dadka aan Somaliland haqankeeda aad u aqooni marka ay maqlaan buuq buuqeeda waxaad moodaa inay aragtiyo kale ka muuqdaan”

Boqor Buur-madaw oo la waydiiyey waxa uu ka filayo inay soo saaraan golaha guurtidu, waxa uu ku jawaabay “Anigu waxaan rajaynayaa inay Golaha guurtid wax wanaagsan ka soo saaraan khilaafka Golaha wakiillada oo wax ay dhinac waliba ku qancaan ay ka soo baxdo ayaan rajaynayaa, go’aanka ay soo saaraanna inay cid waliba ku qanacdo ayaan aaminsanahay”
Boqor Cismaan Aw Maxamuud (Buur-madaw) oo ka jawaabayey suaal ku saabsan hadallada Madaxdhaqameedka waxa uu yidhi “Horta Sandaladaha qaar waa kuwo soo jireen ah, laakiin hadda darbi jiifkii ayaa cumaadaddii qaatay oo madaxdhaqameed sheegtay, dhaqankana waxa la doonayaa inay dadka isku soo jiidaan oo ay wanaagga ka shaqeeyaan, laakiin hadda cid waliba cumaadaddii way qaadatay hadda Somaliland wuu ku badan yahay Derbijiif cumaadado qaaday oo waxa uu doono ku hadlaya, waxa looga baahan yahay madaxdhaqameedka inay ugu dambeeyaan dadka oo ay marjicii noqdaan, laakiin waan arkayey hadallo laga yaqyaqsoodo oo rag ku hadlayeen, waxaan odhan lahaa ninka hadlaya iyo cumaamaddiisu ha isku ekaato”

Boqor Buur-madaw oo ka hadlayey Loolanka Kulmiye waxa uu yidhi “Waxaan u arkaa inuu Xisbiga Kulmiye uu Guddoomiye sharci ah leeyahay, Madaxweynihiina aanay weli muddadii ka dhamaan, laakiin raggan kale ee murashixiinta la sheegayo waxaan u arkaa inay tahay wax lala yaabo inay tahay, Xisbiga Guddoomiyihii ayaa joogaa oo inuu ka arrimiyo ay tahay, Arrinta kale Madaxweynihii ayaa u jooga Xisbiga oo murashixiinta kale ee la sheegayo maba garanayo, waxaaba la leeyahay wasiiradiisii ayaa sharaxan, weligayna ma arag Madaxweyne isagii taagan ay wasiiradiisii murashixiin yihiin, dhaqanka siyaasaddana way ku guracan tahay, waxaanan odhan lahaa guddoomiye ayaa jooga meeshii oo guddoomiyuhuna murashax ma aha oo madaxweynihii uu dhisayey ayaa taagan, Marka uu Madaxweynuhu ka daalana guddoomiyuhu xaq ayuu u leeyahay inuu is sharoxo, Somaliland Dimuqraadiyad curyaan ah ayaa ka jira, xisbi walbana waxa soo magacaabi jiray ama isagu is sharixi jiray sidii uu ahaa dhaqanka somaliland guddoomiyaha oo isaga ayaa awoodda leh cidda uu soo sharaxayo iyo haddii uu isagu isa soo sharaxayaba, Laakiin nimankan kale waa wasiirro waa inay wasiiradooda ku eekaadaan, madaxweynohoodii ayaa jooga oo weliba murashax ah, Marka uu Madaxweyne Siillaanyo dhamaystana Guddoomiyaha Xisbiga Kulmiye ayaa iska leh ayaan u malaynayaa”

Boqorka oo ka jawaabayay su’aal ku saabsan khilaaka Golaha wakiillada waxa uu yidhi “Golaha Baarlamaanka waxaan u arkaa gole sharciyad aan ku fadhiyin oo sharciyaddiisii dhamaatay oo kordhsi ku fadhiya, waxaan qabaa inay xasarad la’aan ku fadhiyaan golaha inta gole kale laga soo dooranayo, inay iska daayaan buuqa iyo rabshadaha ay dalka ka kicinayaan ayaa qabaa, hadda inay bilaa xasaanad yihiin ayaa qabaa oo wakhtigoodii dhamaaday, waa intii uu sharcigu u banneeyey ee doorashada ahayd way dhamaysteen, Guddooiye Cirrana waxaan qabaa inaanay fiicnayn inuu Kursi kursi kale uga gudbo oo inuu xisbigiisa dhisto oo uu buuqan iyo baarlamaanka iskaga dhex boxo ayaa u fiicanayd, waxaanan kula talin lahaa inaanay manta qiimo lahayn c/raxmaan ridistiisu oo aanay sharaf u keenayn Somaliland buuqiisa waana ayaan darro inaynu muqdisho u eekaanno”ayuu yidhi Boqor Cismaan Aw Maxamuud oo ka mid aha Madaxdhaqameedka ugu caansan Somaliland oo geyiga Soomaalida aad looga yaqaan.

Araweelo News Network
Somaliland Office
ifo@araweelonews.com
jaamac132@gmail.com