4Madaxweynaha Jamhuuriyada Somaliland Mudane Axmed Maxmed Maxamud Silanyo ayaa shalay Gelinkii Danbe Soo Gaadhay Magaalada Burco iyadoo uu Subaxnimadii kasoo kicitimay Caasimadda Dalka, Madaxweynaha oo Socdaalkiisu Daaranaa u kuurgelidda iyo kormeeridda Mashaariicda Waddooyinka ee wasaaradda Madaxtooyada iyo Wakaaladda Horumarinta Waddooyinku ay gacanta ku hayaan ayaa xadhiga ka soo jaray Qaybihii ugu danbeeyey ee Waddada isku xidha Berbera iyo Hargeysa oo la dhammaystiray sidoo kalena soo kormeeray Jidka u dhexeeya Burco ilaa Berbera oo dayactir iyo dib u casriyayn lagu samaynayey.
Madaxweynuhu intii uu kormeerkaasi ku jiray Waxa Tuloyinka iyo Degmooyinkaba ku soo Dhoweynayey Dadweyne Tiro badan oo caleemo qoyan, calanka qaranka iyo hadalo soo dhoweyn ah la hareera tubnaa jidadka magaalooyinka uu soo maray, waxan si ballaadhan madaxweynaha loogu soo dhoweynayey Marki hargeysa ka soo baxay illaa intii uu soo Gaadhayey Degmada Sheekh.
wefdigamadaxweynahaburco1
Degmadaasi Sheekh oo ay degmo ahaan ugu xigtay Degmada Qoyta oo ka tirsan Degmooyinka Gobolka Togdheer iyo degmada Burco madaxweynuhu lamuu kulmin soo dhoweyntii uu jiiddaaasi dheer subaxnimadii illa casarkii ku soo maray, waxana amakaag ku noqotay Madaxweynaha iyo weftigiisa abaabul la’aanta ka muuqatay Shacabka Gobolka Togdheer iyo sida aanay uga war qabin shacabka iyo madaxda gobolkaasi ba imaanshaha madaxweynaha, waxa ceeb iyo fadeexad waxaba isku fuuqsatay ahayd kadib markii muddo 10 Daqiiqo ah Madaxweynaha iyo weftigiisu ku hakadaan Siirooga weyn ee laga soo galo magaalada Burco Afaafka hore ee taliska qaybta booliska Togdheer, halkaas oo ay ku kala leexdaan waddoyin u kala baxa afarta jiho, iyadoo Baabuurti weftigu qaar u jeesteen dhinaca bari, qaar u jeesteen Galbeedka Halka Qaar kalena u jeesteen Koonfur , iyagoo kala garan waayey meel ay ku socdaan.

arrintaa ayaa sababtay in wasiirka madaxtooyada iyo saraakiisha ciidanka qaar ka mid ahi ay baabuurtaka soo degaan oo ay Madaxweynaha soo Waydiiyaan halka u jecelyahay in tago, iyadoo la isku khilaafay markii hore ha laga soo wareejiyo Biriijka deero oo magaalada ha la soo dhex mariyo, mayee Palaza ha la geeyo iyo mayee madaxtooyadu tegayaa, taasina waxay sii kicisay xiisaddii iyo abaabul la’aanti ay marka hore ba dareemeen madaxweynaha iyo weftigiisu waxana madaxweynaha oo cadho ka muuqaatay dhawaaq cadho leh wasiirkiisa madaxtooyada iyo saraakiishi gaadhigiisa ugu tagay ugu sheegay inuu doonayo in la geeyo madaxtooyada si uu ugu nasto.

3
Markaa kadib waxa baaburtii lagu amray inay xagga madaxtooyada u dhaqaaqaan, iyadoo uu wasiirka madaxtooyadu horgalay si loogu gelbiyo 10 Daqiiqo oo hakad iyo is maandhaaf ahaa kadib dhinaca aqalka madaxtooyada Burco.

Badhasaabka Togdheer, ayaa Noqday mid ay Bulshada Reer Togdheer si cad Madaxweynaha u tuseen inu noqday Badhasabkii ugu liitay ee Gobolka Soo mara, iyadoo marba marka ka danbaysa Gobolka Togdheer loo soo magacaabayo midba midku ka sii liito, waxana ayaan darrada maamul ee gobolkan haysata farriin ficil ah ugu sheegay Madaxweynaha Somaliland Shacabka Togdheer, iyadoo la filayo in Madaxweynuhu wixii uu gobolka Togdheer kala kulmay uu cashar iyo farriin shacab u qaadanayo, maadaama gobolkii loogu taageerada badnaa ee uu ka soo jeeday uu noqday Gobolki ugu soo dhoweynta liitay Goboladii iyo degmooyinkii uu so maray, waxa kaloo nasiib darro noqotay in madaxweynaha oo saaka ka guureeyey magaalada burco una kallahay Gobolka Sool iyo jiidda hore ee ciidanka qaranka una sii dhaafaya gobolka sanaag ay maamulka gobolku iyagoo jecel inay iska maydhaan wixii shalay ka qabsaday gobolka ay baabuur saareen mikirifoono, isla markaasna xaafadaha magaalada ku wareejiyeen iyagoo dadweynaha ka codsanaya inay ka qaybqaataan soo dhoweynta madaxweynaha, taasoo qof kasta oo baabuurkaasi sameecaddu saarantahay soo ag maraa ku qoslayey isagoo niyadda mid walba iska lahaa “Ma Madaxweynihii ayaa manta loo baryayaa shacabkiisii codka ugu badan ku taageeray” Dhacdadan oo ay is leeyihin maamulka Gobolku wax ku wanaajiya ayaa fadeexad kale iyo ceeb ku ah madaxweynaha qaranka Somaliland, iyadoo dadka qaar u turjuman karaan baryo madaxweynaha loo baryayo inay u soo baxaan, waxa dhacdadan laftigeeda la eegayaa tallaabada iyo go’aanka uu madaxweynuhu ka qaato iyo sida uu isaga laftiisu u arko in baabuur mikirifoono la saaro loogu baryo dadka inay isugu soo baxaan so dhoweyntiisa iyadoo weligeed hore uga dhicin Gobolka Togdheer.

Warbixin Wariye khadar C/risaaq Salebaan

Burco/Office