alpha group1Mogadishu(ANN)Ciidamo katirsan Nabad Sugida Somalia oo kaashanaya kooxda wajiyada duuban ee lagu magcaabo Alpha Group, ayaa howlgal ay ka fuliyeen maanta Degmada Dharkeenley ee Gobolka Banaadir, waxay ku khaarajiyeen Wadaad Macalin Quraan ah oo wax ka dhigayay Dugsi Quraan ku yaal Xaafada Kaawo Godey ee deegaankaa.

Sheekh Xasan Sheekh Axmed, ayaa toogasho lagu dilay isagoo waqtigaa Kitaab u marinayay Ardayda wax ka barata Dugsiga sidaana waxa warbaahinta u xaqiijiyay Gudoomiyaha Degmada Dharkeenley Axmed Aadan Cumar, wuxuuna xaqiijiyay in toogashadu dhacday. Kadib markii sida uu sheegay Askari ka tirsan Ciidanka Dawladu weeraray dugsi Quraan uu wadaadka la dilay ka marinayay quraan.

Gudoomiyaha Degmada Dharkeenley Axmed Aadan, ayaa sidoo kale Warbaahinta u sheegay in ay ciidamadu xidheen Askarigii dilka geystay, isagoo xusay in ay wadaan badhitaano ay ku ogaanayaan sababta ka dambeysay dilka wadaadkaa.

Sidoo kale Goob jooge ku sugnaa xaafada oo warbaahinta la hadlay, ayaa sheegay in Ciidamo katirsan Nabad Sugida Somalia oo howlgal ka waday xaafado katirsan Degmada Dharkeenley ay soo galeen goobta Dugsi Quraanka oo xiligaa Wadaadku ka marinayay Kitaab, balse ay halkaa ka kaxaysteen Ciidanku kadibna xabad ku dhufteen.

Wararka qaar ayaa sheegaya in ay jiraan dad kale oo ciidamadu ka kaxaysteen halkaa, iyadoo ay Ardaydii Quraanka baranaysay ee Macalinkooda lagu hor dilay kala yaaceen.

Dhinaca kale Aabaha Dhalay Wadaadka la dilay oo lagu Magacaabo Sheekh Axmed, ayaa sheegay in Ciidamada Nabad Sugida si badheedh ah oo foolxumo ah ay u dileen Wiilkiisa , isla markaana aanay garanayn sababta loo dilay Wiilkiisa oo Kitaab u marinayay dhalinyaro diinta baranaysay.

Ciidamada Dowlada Soomaaliya oo inta baddan hawlgalo ka fuliya deegaamo ka tirsan Gobolka Banaadir, ayaa tacadiyo iyo dilal foolxun oo sidan oo kale ah u geysta dad shacab ah oo aan waxba galabsan, kuwaas oo inta baddan aan waxba laga qaban.

Araweelo News Network
Somaliland Office
ifo@araweelonews.com