Araweelo News Network

moibrahimCilmi-baadhis dhawaan la soo bandhigay oo tobankii sanno ee u dambeeyey la waday, ayaa lagu iftiimiyey inay sii xumaanayso kala dambaynta dhinaca sharciga ee Qaaradda Afrika, isla markaana hoos u dhac ku yimmi nidaamka kala dambaynta habka dawliga ah.
Hay’ad la yidhaa Mo Ibrahim Foundation oo uu leeyahay bilyaneer shirkaddo isgaadhsiineed leh oo asal ahaan ka soo jeeda dalka Suudaan, isla markaana sita dhalasho Ingiriis ah oo magaciisu yahay Mo Ibraahim, ayaa baadhitaanno kala duwan oo ay ku samaysay 54 dal oo Afrika ah, waxa lagu ogaaday inuu ka jiro hoos u dhac dhinaca ku dhaqanka sharciga ah.
Ninka maalqabeenka ah ee aasaasay Hay’adda Mo Ibrahim Foundation oo ay ku jiraan Madaxweynayaal hore uga talin jiray dalalka Afrika, ayaa sameeyey daraasad ay doonayaan inay ku ogaadaan, kagana jawaabaan heerka kala dambaynta dhinaca sharciga ee ka jira wadammada Afrika.
Waxa ay kooxdan sheegeen in ay arkeen in horumar laga gaadhay dhinacyada ilaalinta xuquuqal-insaanka, fursadaha dhaqaale iyo horumarka dalalka Afrika, balse waxa ay walaac ka muujiyeen in hoos-u-dhac weyn ku yimmi dhinaca ammaanka iyo kala dambaynta sharciga.
Warbixinta lagu soo bandhigay daraasadan oo Jamhuuriya soo xigtay, waxa ay sheegtay in tobankii sanno ee u dambeeyey (2006 ilaa 2015) ay fiicnaatay hannaanka dawlad-wanaaga dalalka Ivory Coast, Togo, Zimbabwe, Liberia iyo Rwanda, kuwaasoo markii hore aad uga liitay dhinaca maamul-wanaaga, halka sidoo kale kala dambayn la’aantu ku habsatay dalalka Liibiya, Madagascar, Eretria, Central African Republic iyo Maali.
Cilmi-baadhistan waxa ay sheegtay in aan Qaarada Afrika kor u kac samaynayn dhinaca amniga, isla markaana aanay ahayn qaarad bilaa rajo ah, isla markaana aanay jirin dhinac kaliya oo laga eegi karo Afrika, sababtoo ah waxa jira dalal hab nololeedka dadkoodu wanaagsanadeen, halka kuwo kalena guul darraysteen.
Dalalka xaaladooda ammaan iyo kala dambayn faraha ka baxday waxa ka jira qulqulatooyin siyaasadeed, gaajo iyo xasuuqyo ba’an, sida Koonfurta Sudaan iyo Badhtamaha Afrika.
“Dhab ahaantii 70% dadka Qaaradda ku nool waxa ay ku nool yihiin dalal horumar samaynaya dhinaca dhaqaale iyo dawladnimaba, balse anniga ahaan waxaan doonayaa in horumar intaa ka badan aan arko,” ayey tidhi Valerie Amos oo ka tirsan Dugsiga Barashada Afrika (School of Oriental and African Studies) oo arrintan ka hadashay.
Ninka la yidhaah Mo Ibrahim oo ah bilyaneerka ka dambeeyey daraasadan ayaa sheegay in ubadka Afrika ay hadda aqoontoodu kor u kacday oo dhinaca internetka aad ugu xidhan yihiin, waqtigana la hayo bulsho adduunka u furan, taasina ay hormood u noqonayso tayo wanaag, fallanqayn iyo xog helid mustaqbalka sababta in dalalka qaaradda Afrika ay horumar gaadhaan.
Daraasadan waxay soo bandhigtay in Qaaradda Afrika ay ka jiraan maamul wanaag iyo maamul xumo labadaba, balse weli aan horumar laga gaadhin dhinaca ku dhaqanka sharciga iyo nidaamka kala dambaynta.