New York(ANN)Muqaalka wejigaagu waa mid saameeya amma fikir ay ka qataan dadka kale, kuwaasoo ka go’aan gaadha marka ay ku arkeen shakhsiyadaadu sida ay tahay sida lagu ogaaday cilmi-baadhis cusub oo ay soo saareen khubaro ka u dhashay dalka Ingiriiska, kana tirsan Jaamacadda New York.
Daraasad tan ka horraysay ayaa laf ahaanteeda lagu tilmaamay in dadka wejiyadoodu sida V amma saddex geeska u samaysan yihiin, afkana u weyn ay yihiin qaar la aamini karo oo daacad ah, halka cilmi-baadhistan cusub ay sheegtay in baadhayaashu iyo dadkuba dambiilayaasha ka qiimeeyaan wjiga.
Macluumaad laga helay daraasad laga qaaday 609 qof oo internetka laga warraystay oo dhammaantood khibard shaqo leh, ayaa laga codssaday in ay u codeeyaan qofka shaqaalah aah ee la dhimaayo amma gunnadiisa laga dhimayo, waxaana la soo hordhigay sawirro Madax shirkadeed, iyagoo ku go’aan qaatay muqaalka qofka oo dadka qaar u arkeen in wejigoodu daacad u eeg yahay, halka kuwo kalena ay u arkeen in ay yihiin qaar khiyaamoolayaal ah.
“Qiimaynta afka laga sameeyey iyo maskaxdaba waxay caddayn u noqotay in bina’aadamku ay ku qiimeeyaan hadba wejigoodu sida uu u kala eeg yahay, saddex daraasadood oo laga sameeyeyna waxay ay so bandhigeen in dadku marka ay qofka arkaan aragti ka qataan wejigiisa oo ay ku qiimeeyaan,” ayaa lagu yidhi cilmi-baadhista.
Khubaro cilmi-nafsiga ku takhasuska ku xeel dheer oo ka tirsan Jaamacadda New York, ayaa ogaaday in qayb maskaxda ka mid ah ay go’aamiso aaminaada qofka, ka hor xataa inta aanu qofku ogaan cida uu yahay shakhsiga uu la kulmaya, waxaanay sheegeen in maskaxda ay daqiiqado xoogga ah ay ku qaadato in ay go’aamiso cida uu qofku aaminaayo.
Cilmi-baadhistan oo habeenkii Salaasada lagu daabacay jariirada Neuroscience, waxa lagu soo bandhigay in maskaxdeenu qofka ay welwel ka muujiso aanay aaminin.
“Daarasadayadu waxay soo jeedisay in maskaxdu si deg deg ah uga jawaabto in ay aaminto qofka marka indhuhu arkaan muqaalka wejigiisa,” ayuu yidhi Jonathan Freeman oo ah khabiir ka tirsan Jaamacadda New York.
Araweelo News Network
Somaliland Office
E-mail Jaamac132@gmail.com
info@araweelonews.com