Dahabshiil oo soo bandhigay1Hargeysa (ANN) Shirkadda Dahabshiil Group, ayaa soo bandhigtay guulaha uu gaadhay barmaamijka MicroDahab ee kobcinta ganacsiyada yaryar, kaas oo muddo sannad ah oo uu shaqaynayey horumar weyn ka sameeyey kor-u-kaca dhaqaalaha iyo shaqo-abuurka dalka Somaliland.

Xaflad ballaadhan oo sannad-guurada koowaad ee barmaamijka MicroDahab loogu sameeyey hudheelka Maansoor ee magaalada Hargeysa shalay, kaas oo tan iyo markii la bilaabay shaqadiisa sannadkii 2014-kii maalgalin ku sameeyey lacag ka badan hal milyan oo dollar oo ay ka faa’iidaysteen in ka badan saddex kun oo ganacsiyo yaryar oo dadka baahani leeyihiin ah, iyadoo madashaasi loogu xafladeeyeyna ay ka qaybgaleen Maareeyaha Guud ee shirkadaha Dahabshiil Md. Cabdirashiid Maxamed Siciid iyo madaxda qaybaha Dahabshiil Group, Wasiirka Shaqada iyo Arrimaha Bulshada Md. Cali Maxamuud Axmed (Sandulle), Guddoomiyaha Bangiga Dhexe Md. Cabdillaahi Xaji Jaamac, madax kale, ganacsatada ka faa’iidaystay maalgelinta mashruucan oo abaalmarinno la siiyey iyo marti sharaf kale.
Dahabshiil oo soo bandhighay2
Maareeyaha Guud ee Shirkadaha Dahabshiil Group Mr. Cabdirashiid Maxamed Siciid oo khudbad ka jeediyey furitaankii xafladdaas, ayaa faahfaahin ka bixiyey mashruuca MicroDahab oo uu sheegay inuu yahay mid ay ugu talogaleen in lagu taageero dadka danyarta ah ee ganacsiyada yaryar leh, isla markaana aan haysan cid caawimo siisa.
“Barmaamijkan waxa uu taageeraa baayac-mushtariga yaryar ee ay leeyihiin dadka baahan ee xooggooda maala oo laga yaabo inay u baahdaan dhawr kun oo doollar oo ay ku bilaabaan ama ku xoojiyaan ganacsiyadooda, tusaale ahaan, dadka beeralayda ee soo saara khudradda lagu isticmaalo magaalooyinka, dumarka ka ganacsada qurxinta cillaanka ama Xinnaha ay marsadaan haweenku, kuwa xoolaha iibiya, dawaarka dharka tola iyo ganacsiyada yaryar ee kale waxay ka mid yihiin kuwa ka faa’iidaystay barmaamijkan MicroDahab ee Dahabshiil sii maalgeliyo. Markaa ilaa saddex kun iyo shan boqol oo ganacsatadaa yaryar ah ayaa ka faa’iidaystay oo Dahabshiil amaahisay lacagta,” ayuu yidhi Mr. Cabdirashiid.
Waxa kaloo uu u ballanqaaday dhallinyarada iyo dadka kale ee danaynaya inay abuuraan ganacsiyo in Dahabshiil Group diyaar u yahay oo mar walba qaybta maalgelintu u furan tahay.
Sidoo kale, Mr. Fu’aad Axmed Nuux oo ah Maamulaha e-Dahab ee adeegga lacagaha lagu isticmaalo telefoonnada gacanta ama moobillada iyo Cabdiraxmaan Cismaan oo ka tirsan qaybta maalgelinta MicroDahab ee Dahabshiil oo iyaguna ka hadlay halkaasi, ayaa ka warramay barmaamijkan oo ujeeddada shirkaddu ku lahayd abuuristiisu ahayd in la yareeyo shaqo la’aanta iyo dhibaatooyinka ka dhasha ee dhallinyaradu la kulmaan, kobcinta dhaqaalaha guud, in bulshadu wax ka barato isticmaalka nidaamka baananka iyo dhiirigelinta hal-abuurka ganacsi, kuwaas oo muddo sannad ah oo uu shaqaynayey ay ka faa’iidaysteen ilaa saddex kun iyo shan boqol oo ganacsiyo yaryar oo qiyaastii ay ku tiirsan yihiin ilaa 15 kun oo qof. Waxa kaloo ay ka sheekeeyeen qaybaha kale ee shirkadaha Dahabshiil Group iyo adeegyada ay qabtaan, gaar ahaan qaybta lacagta lagu isticmaalo telefoonnada ee e-Dahab oo ay sheegeen inuu horumar weyn ku soo kordhiyey dalka.
Dahabshiiloo soo bandhigay3
Wasiirka Shaqada iyo Arrimaha Bulshada Md. Cali Maxamuud Axmed (Cali-Sandulle) iyo Guddoomiyaha Bangiga Dhexe ee Somaliland Md. Cabdillaahi Xaaji Jaamac Cali, ayaa soo dhaweeyey horumarka uu gaadhay mashruucan MicroDahab oo ay ku ammaaneen shirkadda Dahabshiil iyo madaxdeeda hal-abuur iyo lexejeclo waddaniyad ku dheehan tahay oo waxtarkiisu qiimo aad u weyn u leedahay dalka iyo dadkaba, waxaanay ugu baaqeen shacabka, gaar ahaan dhallinyarada inay ka faa’iidaystaan fursaddan qaaliga ah ee shirkadda Dahabshiil u diyaarisay, halka iyaguna ka ballanqaadeen in dawlad ahaan wixii dhankooda kaga soo beegma ay diyaar ula yihiin gacan-siinta iyo wax-la-qabashada mashruucan.
“Maalgelintan MicroDahab, runtii mashruuc ka qiimo badan oo la hirgelin lahaa sida uu dalkeennu yahay maanta markaan eego inuu jiro u malayn maayo, waayo waa mashruuc ganacsigii yaryaraa oo dhan taageeraya nooca uu doonaba ha noqdeen ee aan hore u haysan cid caawimo siisa, waa wax aad loogu bogaadiyo shirkadda Dahabshiil.” Sidaa waxa yidhi Guddoomiyaha Bangiga Dhexe Md. Cabdillaahi Jaamac.
Dhinaca kale, waxa xafladdaasi abaalmarinno lagu guddoonsiiyey ilaa tabaneeyo qof oo hormuud u noqday ganacsatada ka midho-dhaliyey maalgelinta Dahabshiil siisay, kuwaas oo sameeyey ganacsiyo ay ka mid yihiin; beero, alaabta hiddaha iyo dhaqanka, shaqo-abuurka dhallinyarada, tamarta la cusboonaysiiyo ee cadceedda (Solar Energy), waxbarashada iyo baayac-mushtariyo kale, iyadoo filimo muuqaallo laga sameeyey qaar ka mid ah ganacsiyadaasi lagu soo bandhigay xafladda.
“Aniga oo ka shaqaysta alaabta qalabka Hiddaha iyo Dhaqanka, ayaa Dahabshiil ii soo xoojiyey waxa uu ii maalgeliyey soddon qof oo dumar ii shaqeeya ah, waxa maalintii ii shaqeeya saddex rag ah oo sameeya Kambadhada lagu fadhiisto ee saanta xoolaha iyo Qoriga ah, kuwaas oo shantii maalmoodba sameeya boqol xabbo oo aannu iibino. Markaa ciddii doonaysa inay shaqaysato waa inay la xidhiidho Dahabshiil oo diyaar u ah.” Sidaa waxa tidhi marwo Suleekha Cabdillaahi Cali oo ka mid ahayd ganacsatada abaalmarinta la siiyey.
Waxa kaloo madasha ka hadlay Mr. Simon Karunditu oo ka socday shirkad ka shaqaysa taageerida ganacsiyada Afrika (Africa Enterprise Challenge Fund) oo ka mid ah hay’adaha wadashaqaynta ay leeyihiin shirkadda Dahabshiil Group, kaasoo ammaan u jeediyey shirkadda Dahabshiil.

Somaliland Office
Email info@araweelonews.com
Jaamac132@gmail.com
Twitter: Arraale M Jama @Araweelonews

WhatsApp + 252 63 442 5380
Send an SMS or MMS to + 252 63 442 5380