Araweelo News Network

Bibihal Uzbek Iyo Wiilkeeda

Dalka Sweden, ayaa qorshaynaya Inay dalkooda ka masaafuriyaan Haweenay 106-sano jir ah oo loo maleynayo in ay tahay timi ugu da’a weynayd qaxootiga caalamka kadib marki la diday codsigeedii magangalyo.

 

Qoyska Bibihal Uzbeki ayaa sheegay in xaaladda caafimaad ee hooyadood ay aad u xumaatay tan iyo marki ay Waaxda Socdaalka Sweden diiday kiiskooda.

Wiil ay dhashay iyo wiilka ay ayeeyda u tahay ayaa dusha ku soo qaaday Bibihal Uzbeki laga soo bilaabo magaalada Kunduz ee waqooyibari dalka Afghantsan ilaa Iran iyo Turkey oo ay uga sii tallaabeen Yurub, sanadki 2015-ki.

 

Qosyka haweeneyda 106-jirka ah, ayaa sheegay in aanay hadda dib ugu laaba karin dalkeeda hooyo, sababa la xidhiidha, iyada oo aan hadli karin,  Sidoo kale aan socon karin, isla markaana waxba arki karin.

 

Waxay sheegeen in ay racfaan ka qaadan doonaan go,aanka waaxda socdaalka ee ka dhanka ah haweeneydaan iyo qoyskeedaba.

Hey’ada socdaalka Sweden, ayaa  sheegtay in da,da weyn ee haweenaydaa darteed aanay  dammaanad qaadi karin in  la siiyo magangalyo, waxayna artinteedu soo jiidatay warbaahinta iyo Ha’addaha xuquuqda Aaamaha iyo arrimaha qoxootiga.