Araweelo News Network
geelalabadakurisleh

Cilmi-badhayaal Jarmal ah ayaa daraasad ay sameeyeen ku sheegay in xayawaankii u horreeyey ee bina’aadamka qaadsiiyey hargabka uu ahaa geela.
Khubaradu waxa ay ku doodeen in sida cudur-dhaliyaha MERS (Middle East Respiratory Syndrome) oo dhuumaha neef mareenka asiiba ee geela laga qaado uu la mid yahay hargabka oo waqtiyo hore geelu bina’aadamka qaadsiiyey.
Dhakhaatiirti waxay ka digeen in xayawaanka geelu dunida ku fidinayo cudur-dhaliyahan MERS.
Cilmi-baadhayaal ka socda Jaamacadda University Hopsital Bonn ee dalka Jarmalka, ayaa baadhitaan ku hayey asal ahaan halka uu ka yimi cudur-dhaliyaha geela laga qaado ee MERS.
“Baadhitaankayagii MERS waxa aannu ku samaynay 1,000 neef oo geel ah, waanuna yaabnay in aannu ka helnay maadooyin cajiib ah ee HCOV-229E oo uu ka samaysan yahay cudur-dhaliyaha hargabka bina’aadamka ku dhaca,” ayuu yidhi Prof. Christian Drosten oo daraasddan hoggaamnayey.
Saynisyahannadan waxa ay soo qaadeen fayraska ay ka heleen geela ee hargabka keena, waxaanay ogaadeen in xataa bina’aadamku ka qaadi karo geela hargabka, kadibna waxa ay ku daabaceen maxsuulkii u soo baxay jariidad la yidhaa National Academy of Science.
Sidoo kale, baadhitaannada dheeraadka ah ee ay sameeyeen waxay ku ogaadeen in fiid-meerta iyo dadkuba qadaan hargab isku mida oo leh astaamaha cudur-dhaliyaha ay geela ka heeleen.
Waxa kaloo ay heleen in hab-dhiska difaaca bina’aadamku uu awood u leeyahay inuu iska celiyo cudur-dhaliyaha geelu qaadsiiyo dadka, balse aannu jirin daawo hargabku leeyahay.
“Cudur-dhaliyaha MERS waa mid cajiib ah, aad u yar, gobollada uu ka dillaacayna xadidan yihiin, tusaale ahaan cusbitaallo badan buu ku dhaca. Nasiib wanaag, fayraskan si fiican uguma dhaco bina’aadamka wali, awoodna uma laha inuu dunida oo dhan ku fido,” ayuu yidhi Prof. Drosten.