Araweelo News Network

bajaajleSida la ogyahay qofna kaa horistaagi maayo inaad gaadho hadafka iyo riyooyinkaaga Ilaahay kuu qoray, haddii gaadhistoodu dhab kaa tahay, waanad heli kartaa dariiqa loo maro wax kasta oo hammigaagu yahay inaad samayso.
Nin magaciisu yahay Shrikant Pantawane oo ka soo jeeda degaanka Nagpur ee dalka Hindiya, waxa uu ahaa darawal ku shaqaysta gaadiidka yaryar ee bajaajta loo yaqaan amma mootooyinka yaryar, waana wiil uu dhalay askari dable ah, taasina waxay keentay inuu waqti hore bilaabo shaqo si uu uga qaybgalo quudinta iyo caawinta qoyskooda, balse mar walba waxa uu isku miisaami jiray shaqadiisa iyo waxbarashadiisa si aanay meesha taageerada uu siiyo qoyskiisa, una gaadho hamigiisa.
Dhibaato, caqabado iyo lacag la’aan kasta oo soo wajahda may niyad jabin, riyooyinkiisana kamay reebin, waxa uu muddo dheer ku shaqaysanayey bajaajtaas saddexda taayir leh oo uu qoyskooda ku quudinayey, waxbarashadiisana ka bixinayey.
Hadda wali wuxuu ku fadhiyaa gaadiid saddex taayir leh, balse maaha mootadii ee waa diyaarad, waxaannu gaadhay dhibaato kasta oo uu soo maro hadafkii uu yaraantiisa ku hamiyayey.
Ninkan dhallinyarada ah waxa uu shaqada ku helay si cajiib ah. Maalin uu hawl-maalmeedkiisa ku jiray, ayaa bajaajtiisa yar la saaray alaab si uu madaarka u geeyo alaab, kadib markii uu waajibkiisii gutay ayuu la sheekaystay mid ka mid ah ragga shaaha ku iibiya madaarka hortiisa. Waxa uu awal hore aaminsanaa in qofku aany duuliye noqon karin ilaa uu soo maro ciidammada cirka Hindiya, balse waxa loo xaqiijiyey inuu noqon karo haddii uu deeqo waxbarasho raadsado.
Kadib, waxa uu deeq waxbarasho ka codsaday xarunta la yidhaa DGCA oo duuliyayaasha tababarta, nasiib wanaag waxa uu si degdeg ah ugu guulaystay deeqdan, bilaabayna waxbarashadiisa, waxaannu ku biiray dugsiga duullimaadyada ee Madhya Pradesh, laakiin waxa caqabad ku noqday luqadda Ingiriisiga oo aanu aqoon, balse sidii hore oo kale wuu u dhabar adaygay caqabadaas soo wajahday, waannu ka gudbay isagoo taageero ka helay asxaabtiisa oo uu ka faa’iidaystay.
Waxa uu si fiican u bartay duulimaadkii, waxaannu darajo aad u wanaagsan kaga baxay imtixaannadii la qaadayey dugsigaas, kadib waxa uu helay ruqsadii duuliyayaasha diyaaradaha ganacsiga wada, inkastoo aannu markii hore duuliye noqon, haddana waxa uu Agaasime-ku-xigeen ka noqday shirkad ganacsi, isagoo mar uun rajaynayey inuu duuliye diyaaradeed noqdo.
Sida lagu daabacay wargeyska India Times oo Jamhuuriya soo xigtay, maalin maalmaha ka mid ah ayaa telefoon uga yimi shirkadda Indigo Airlines, taasoo ka dhigtay duuliyaha koowaad ee duuliyayaasha shirkaddu leedahay, sidaasna waxa uu ku helay rajaddii uu darawalnimada bajaajta uga soo bilaabay.