muuqaalka kulanka1Hargeysa(ANM)Wasiiro ka tirsan Xukuumadda Madaxweyne Siilaanyo, ayaa kulan siyaasadeed lagaga hadlay dhawr arrimood ku qabtay Manta Huteelka Guuleed ee Magaalada Hargeysa, Wasiirada Arrimaha Dibada Maxamed Biixi Yoonis iyo Maaliyadda Cabdicasiis Maxamed Samale,ayaa kulankaa oo ay ka qaybgalen ganacsato, Odayaal iyo dad kale oo kasoo jeeda Deegaanka Woqooyiga iyo Galbeedka Magaalada Hargeysa, kusoo qaaday musharaxnimada Xisbiga Kulmiye ee doorashada Madaxweynaha, taas oo ay sheegeen in ay barbar taagan yihiin.

Hase yeeshee waxay kulankaa ku xuseen in marka ay dhamaato mudada Madaxweyne Siilaanyo ay yihiin labadooduba musharaxiin u taagan tartanka doorashada, wuxuuna Wasiir Samaale oo ka hadlaya arrintaa yidhi, “Waxa ugu muhiimsan ee aynu maanta halkan iskugu nimid waxa weeye inaynu gacmaha isqabsano,Dawladdeena Somaliland dhisano oo Madaxweynaheena barbar istaagno oo meel uga soo wada jeedsano Qadiyada Somaliland,ictiraaf-raadinteeda Horumarkeeda iyo himiladeeda”

Wasiir Cabdicasiis Samaale oo daba socda weedho uu Wasiirka Arrimaha Debeda Maxamed Biixi Yoonis ka sheegay Madasha oo uu ku xaqiijiyay inuun yahay Musharax Marka ay dhamaato mudada Madaxweyne Siilaanyo, wuuxu yidhi,“Sidaa Wallaalkay Maxamed Biixi Yoonis Idiin Sheegay waxaynu maanta iskugu nimid in haddii Warar been ahi Suuqa yaalaan Murashaxa Xisbiga Kulmiye ee talada dalka hayaa waa Mudane Axmed Maxamed Maxamuud Siilaanyo.isagaanu hore u soo dhisnay,isagaanu imikana dhisaynaa, isagaanu daba taagannahay,isagaanu barbar taaganahay, isagynu dhamaanteen hiil iyo hooba horena ugu soo huray imikana u barbar taagnaanaynaa.Waynu iskaashanaynaa,waynu isgarabsanaynaa, waynu guulaysanay, kuwa dambena Bi idmillaahi waynu ku guulaysanaynaa.”

“Sidaas uu Maxamed Biixi Yoonis Sheegay, horena waanu u caddaynay haddana waanu ku celinaynaa inaan Hunguri naga hayn Kursiga Madaxweynuhu ku fadhiyo inta uu ku fadhiyo, waxaanu se caddaynaynaa Isaga dabadii han baanu leenahay waanuna tartamaynaa,taas cidda diidan ama tartanka noocaas ah gali karayni saaxadda inay banayso weeye”.

Kulankaa oo dadkii la filayay aanay kasoo qaybgelin, isla markaana qaarkood ka baxeen markii ay ujeedadiisa iyo qorshaha labada wasiir ogaadeen,  ayaa kusoo beegmay, iyadoo maalmihii u danbeeyay uu Ganacsade Maxamed Aw Siciid kulamo la lahaa xubno isugu jira Odayaal Madaxdhaqameed, Ganacsato iyo waxgarad kale oo dhamaantood kasoo jeeda deegaanka Woqooyiga iyo Galbeedka Hargeysa, waxaana kulamada ujeedadoodu ahayd sidii Guddoomiyaha Xisbiga Kulmiye Muuse Biixi Cabdi uu ganacsade Maxamed Aw Siciid ugu gogol xaadhi lahaa mustaqbalkiisa siyaasadeed ee hoggaaminta dalka, isla markaana u noqon lahaa musharaxa rasmiga ah ee Madaxweyne Siilaanyo ka dib.

Hase yeeshee mudadii ay socdeen Kulamada Ganacsade Maxamed Aw Siciid oo doonayay ugu danbaynta inuu is hor fadhiisiyo Guddoomiyaha Kulmiye Muuse Biixi iyo Wasiirka Maaliyadda Cabdicasiis Samaale, ayaan suurta gelin kadib markii wasiirka Maaliyada muddo todobaad ah ergo loo diray u qabtay lagu war helay in uu qabanqaabinayo kalanka qadada ah ee ay isaga xubnaha kale ee wasiirada ahi ku qabteen Guuleed Huteel, kaas loo fasirtay inuu jawaab u yahay kulamadii Ganacsade Maxamed Aw Siciid muddooyinkan waday ee doonayay inuu qodxaha kaga gurro dhabihii Guddoomiyaha Kulmiye Muuse u mari lahaa hoggaaminta talada, isla markaana u noqon lahaa musharaxa rasmiga ah ee Madaxweyne Siilaanyo ka dib.

Si kastaba ha ahaatee kulanka xubnaha wasiiradda, ayaa loo fasirtay mid ujeedada keliya ee uu xanbaarsanaa tahay qorshe siysaadeed oo cusub, kaas oo ay Labada Wasiir ee Maaliyadda Iyo Arrimaha Debeda ee Xukuumadda Madaxweyne Siilaanyo ku doonayaan in ay isugu bahaystaan Guddoomiyaha Kulmiye Muuse Biixi oo haysta taageerada deegaamaada Xisbiga Kumiye laga taageero xiliga doorashada, isla markaana hore ugu taasulay inuu la musharaxnimada kula tartamo Madaxweyne Siilaanyo, taas oo uu aqbalay, balse waqtigan dhabaha loogu xaadhayo inuu noqdo Madaxweynaha ka imanaya Kulmiye ee ka danbeeya Madaxweyne Siilaanyo.

Araweelo News Network
Somaliland Office
ifo@araweelonews.com
jaamac132@gmail.com