haweenay guursatay10ninTehran(ANN)Gabadh dhallinyaro ah oo u dhalatay dalka Iran, ayaa lagu eedeeyey in ay laba sannadood wax ka yar gudahod 10 nin ku guursatay, iskana furtay, iyadoo hadda lagu xukumay in ay khiyaamo ku kacday sida warbaahinta qaranka Iran soo tebisay.
Haweenaydan ayaa khiyaamadan u samaysay si ay nin kasta oo ay guursato uga qaado meherka, kadibna marka ay gacanta ku dhigto iska furaysay amma marka xaflada aroosku dhacdo kadib meherkeeda inta ay ka qaadato furiin ka dalbanaysay.
Gabadhan oo 20 jir ah, laguna soo eedeeyey khiyaamada, waxa ay diiday dambiga lagu soo oogay, halka wargeyska Daily Newspaper ee dalka Iran ka soo baxa daabacay in markaba ay meherkeeda ka qadimanaysay, waxaanay raggaas ka qaaday inta u dhacaysa 100 ilaa 110 dirham oo dahab ah, kadibna ay caddaadis ku saartay nin kasta inuu muddo yar ku furo.
Gabadhan da’da yar, ayaa dhakhaatiirtu markay baadheen sheegeen in aanay nina la kulmin oo ay ka baxsanaysay mid kasta.
“Ma garanaayo wax aan kaga jawaabo su’aashan, dambi ma lihi, guurkayga oo dhan waxa uu ahaa qaar sharci ah, dhammaan ragga aan guursadayna iskood bay ii guursadeen, kadibna waannu is fahmi waynay. Maadaama aanan mid ka mid ah kulan la samayn, haddana waa in ay meherkayga kala badh bixiyaan, waxaanan aqbalay 100 ilaa 110 dirham oo dahab ah, dabadeedna waxa aan si sharci ah u codsanaayey in magacooda kaadhkayga dhalashad laga masaxo,” ayey ku jawaabtay haweenaydan oo ay goob-joog ahaayeen dhammaan 10 nin ee ay guursatay.
Maxkamad kuwa dambiyada qaadaha oo Iran ku taal, ayaa haweenaydan ku heshay dambi ah in ay khiyaamo kku kacday, guurkana meel kaga dhacday, waxaanay go’aamisay in xukunkeeda dib lagaga dhawaaqi doono.

Araweelo News Network
Somaliland Office
Email info@araweelonews.com
Jaamac132@gmail.com
Twitter: Arraale M Jama @Araweelonews