Araweelo News Network

Dawladda Hindiya, ayaa Maxkamadda Sare u gudbisay dalab lagu doonayo in lo’da dalka joogta mid kasta lagu siiyo lambar u gaar ah oo lagula soconayo xaaladdiisa Isniintii toddobaadkan.
Wargeyska Times of India oo Jamhuuriya soo xigtay, ayaa daabacay in sac amma neef kasta oo lo’ ah iyo tafiirtiisa la siinayo lambar u gaar ah oo lagula soconayo xaaladdiisa, maxkamadda sarena xukuumaddu ka codsatay in qaraar loogu ansixiyo dalabkaas.
Sida wararku tibaaxeen Waaxda Beerista Xayawaanka, ayaa arrintan u xilsaartay farsamayaqaanno gudaha dhegaha lo’da ku xidhaya qalab 12 lambar ka kooban oo sac kasta u gaar ah.
Dawladdu waxa ay sheegtay in arrintan looga gol leeyahay in si gaar ah loo daryeelo lo’da taagan waqtiga maalista, iyadoo beeralayda ay ka soo yeedhayso qaylo-dhaan ku wajahan in lo’dii dabar go’ ku dhaw dahay. Sidoo kale, waaxdan waxay tilmaantay in qorshahan lagaga hortagayo in la xaddo lo’da, lagana gudbiyo xuduudda u dhexaysa Hindiya iyo Bangaladhiis (India-Bangladesh border).
Ku dhawaad 100,000 farsamayaqaan, ayaa lagu qalabayn doonaa 50,000 qalab casri ah, iyagoo dhegaha lo’da ku rakibi doona qalabkan oo midabkiisu yahay huruud. Marka lagu xidho gudaha hore ee dhegaha lo’da, waxa ay farsamayaqaannadu qalabkan kaga shaqaysiin doonaan barnaamij (database online) internetka toos ula shaqaynaya, kaasoo neef kasta siinaya kaadh caafimaadkiisa lagu ogaado iyo waliba mulkiilaha leh macluumaadkiisa oo faahfaahsan.