Dawo cadar
Washington(ANN) Khabiir u dhashay Dalka Maraykanka, ayaa soo bandhigay Cadar, ama Baarafuun dawo ahaan loo isticmaalayo oo wax ka taraya Hurdada, kaas oo bedelaya Kiniinka hore bini aadamku ugu isticmaali jireen huradad marka ay dareemaan hurdo yaraanta.

Hase yeeshee waxa hadda lagu guulaystay in lasoo saaro Cadar lagaga maarmao Kininkii, kaas oo ah daawo cusub oo sida cadarka la isugu buufinaayo, taasoo qofku ku seexanaayo muddo saacad amma laba saacadood ah.
Daawadan oo luqunta la iskaga buufinaayo waxa loogu talagalay dadka hurdadu ka dhammaato habeen badhka, iyadoo inta uu u baahdo ee jeer uu isku buufin karo ilaa inta uu hurdada ka dhergayo.
Daawadan oo ay bilawday soo saaristiisa Jaamacadda Stanford University ee dalka Maraykanka, ayaa la mid kiniinka, qofkuna ma dareemayo inuu daawo qaatay amma burbur uu leeyahay kiniinka hurdadu.

 
“Daawada la isku buufinayo ee hurdadu waa daawadii ugu horraysay ee Melatonin ah, taasoo dadka ka caawinaysa in ay seexdaan mar kasta oo ay u baahdaan, iyagoo aan dhib kala kuklmay, kuma jirto kiimiko sababaysa inuu qofku la qabatimo isticmaalkeeda,” ayaa lagu yidhi qoraalka daawada lagu shaaciyey.
Daawadan waxay jidhka bani’aadamka ku qasbaysa inuu soo saaro hormoonka Melatonin ee hurdada keena, waxaana qofku u baahan yahay 0.03 mg inuu qaato si uu u seexdo, inkastoo kiniinka hurdadu 100 ilaa 300 ka badan yahay, kuna lammaan yahay madax xannuun uu qofku malainta dambe dareemo.
Daawadan la soo saaray waxa ay heshay lacag caawimo ah oo aad u badan muddo ka yar 24 saacadood, waxaannu yidhi ninka sameeyey oo la yidhaahdo Benjamin Chu; “Waannu la yaabnay, ma rumaysan karno in aannu taageerada intaas leeg helnay, aad baannu ugu faraxnay arrintan.”
Daawadan waxa si rasmi ah loo heli doona sannadka 2015ka oo lagu bilaabi doono dadka deeqaha bixiyey, halka dadka caadiga kalena iibsan doonaan bisha saddexaad ee sannadkan (March).
Araweelo News Network

Somaliland Office

info@araweelonews.com

jaamac132@gmail.com