Sariirtii Mukah iyo Hantidii uu ka tegeyTodobaadkan ayay ahayd markii si dhab ah loo shaaciyay geerida Hoggaamiyihii Dagaalyahanka Daalibaan ee Sheekh Mulla Maxamed Cumar oo muddo ku dhow 19 sanadood ahaa Hoggaamiyihii Xarakada Islaamiga Daalibaan ee dalka Afghanistan.

Mullah Omar

This undated photo, courtesy of the US State Department, shows Mullah Omar. (AFP Photo)

Haddaba kumuu ahaa Mullah Maxamed Cumar oo dhashay sanadkii 1960-kii, sidee ayuu u noolaa muxuuse raad ku reebay diunida, warbixintan kooban ayaynu ku eegaynaa.
Mullah Maxamed Cumar, wuxuu ka mid ahaa dhalinyadii reer Afganistaan ee dagaalka qadhaadh la galay Midawgii Soviet iyo Russia oo muddo dheer ka socday dalka Afganistaan,waxaana dhaawac kasoo gaadhay dagaalkaa oo uu ku waayay Ishiisa Midig.
Markii uu kasoo laabtay dagaalkii lagu jebiyay Midawgii Soviet iyo Russia, wuxuu hormood u noqday koox dhalinyaro kasoo baxay dagaalka, kuwaas oo saluugay xukunkii xiligaa ee dalka iyo xukuumaddii uu hoggaaminayay Axmed Shaah Mascuud, isla markaana wuxuu isagoo ka faa’idaysanaya rabitaankii isbedel doonka hoggaamiyay dhalinyaro iyo ciiddamo ka hor yimi nidaamkii Shaah.
Mullah Maxamed Cumar, wuxuu halkaa ka sameeyay Kacaankii dagaalyahanka uu ilaa waqtigan hoggaamiyay ee Daaliban oo gedood kula wareegay xukunka, isla markaana meesha ka saaray xukuumaddii Ahmad Shah Massoud, kaas oo la baxay jahbad aan awood baddan lahayd ka hor intii aan la dilin 9 Sep 2001, maalmo ka hor weerarkii Afganistaan.
Sanadkii 1996, kaddib dagaalo sokeeye iyo kala qaybsanaan soo foodsaartay dalka markii uu dhaamaday dagaalkii lagula jiray Midawgii Soviet iyo Rashia ayuu kaga dhawaaqay dhismaha imaaradii Islaamiga ahayd ee Afghanistan ee Daalibaan oo uu hoggaamiyay, wuxuuna muddo laba sanadood gudohood ah dalka ka dhigay mid dunidu ku majeerato nidaam aan hore loogu arag oo lagu amaano Amni, kala danbayn iyo Caddaalad, waxayna Afghanistan noqotay meel taariikh cusub ku yeelatay dunida, taas oo sababtay inay cilaaqaad dublamaasiyadeed iyo xidhiidh la sameeyaan dawlado baddan oo dunida ah muddadaa 1996 — 2001.

Muqaalkii Mulah oo 1999 gaadhi wata

Muqaalkii Mulah oo 1999 gaadhi wata Afghanistan xiligii uu Madaxweynaha ahaa

Mullah, wuxuu halkaa ka sameeyay Madarasado Islaami ah oo qayb ka ahaa kuwa ay kasoo baxeen Hoggaamiyaal baddan oo markii danbe u kala firdhay dunida, kuwaas xanbaarsanaa fekerka Jihaadiga ee Usama Binu Laden oo ahaa aasaasihii shebekada ugu caansan kuwa jahaadka ee Al-qaida.
Boqor Fahad Binu CabdulCasiis Al- Sacuud oo xukumayay Dalka Sucuudiga ayaa markiiba xidhiidh la samayeey Dawladii Mullah Maxamed Cumar oo xilligaa Afganistan kusoo jeediyay indhaha Caalamka, waxaana laga codsaday inuu dalkiisa kasoo saaro hoggaamiyihii A-Qaida Usama Bin Laden oo u dhashay dalka Sucuudiga, isla markaana door muhiim ah kasoo qaatay dagaalka lagula jiray Midawgii Soviet iyo Russia, iyadoo Dalka Sucuudigu mudadii uu socday boqolaal dhalinyaro ah u diray si ay dagaalka uga qayb qaataan, balse codsiga Amiir Fahad xiligaa u gudbiyay Mullah Cumar, wuxuu noqday mid sucuudiga ay kaga timi jawaab aanu filayn oo wejigabax ku noqotay. Kadib markii Mullah Cumar ku gacansaydhay, isla markaana kooxdii u socotay arrintaa ee dawlada Sucuudiga wuxuu ku amray inay dalka kaga baxaan muddo sadex maalmood ah, wuxuuna diiday wax walba oo dawlada Sucuudigu doonaysay inay kaga beddelato nolosha Usama.
Balse horaantii 2001, waxay Mullah Maxamed Cumar iyo Daalibaankii uu hoggaamiyay go’aansadeen inay bur-buriyaan Asnaamtii dalka Afghanistan ee Buddisan-ka, kuwaas oo kumaan sanno ka dhisnaa Afghnistan, isla markaana lagu tilaami jiray kuwa ugu taariikh weyn asnaamta dunida.
Tallaabada Mullah ku go’aansaday in lagu bur-buryo Asnaamta, waxa ka qayliyay dawladaha ugu awooda baddan dunida iyo ururo caalami ah sida Hay’adda Qaramada Midoobay u qaabisan dhaqanka iyo Farshaxanka ee UNISCO, balse Mullah Omar, wuxuu diiday dhawaaqyada iyo dalbka kaga imanayay dunida, waxaana dhulka la dhigay Asnaamta oo shaashadaha dunida laga daawaday iyadoo la bur-burinayo, taas oo si weyn uga cadhaysiisay dalalka reer galbeedka, India China iyo dawladaha Carabta oo codsanayay in aan la bur-burin Asnaamtaa.
Hase yeeshee muddo yar kadib waxa dhacay weerarkii dunida ka yaabiyay ee Diyaaradaha lagu weeraray daarihi ganacsiga ee ugu dhaadheeraa dunida oo ku yaalay dalka Maraykanka iyo xarunta Pentagon 11 Sep 2001, waxayna dhacdadaasi si weyn wax uga beddeshay xaaladda nabadgelyo, dhaqaale, dhaqan iyo siyaasadeed ee dunida. Kaddib markii weerarkaa oo kooxdii fulisay Maraykanku sheegay inay ka yimaadeen Afghanistan oo lagu soo tababaray, waxayna dawlada Maraykanka oo aqoonsanayd Imaaradii uu dhisay Mullah Cumar ka codsatay inuu usoo gacan geliyo Usama Binu Laden, taas oo ay ugu bushaareeyeen inay wax walba ugu bedelayaan, balse Mullah wuxuu diiday arrintaa, isagoo ku dooday in aan dalabka Maraykanku ahayn mid waafaqsan dhaqanka Islaamka iyo Bulsho ahaan dhaqanka Afghanistan. Sidaa awgeed aanay marnaba aqbalayn inay gacanta u geliyaan Sheekh Usama Maraykanka iyo Sucuudiga oo isagu hore uga soo dalbaday, iyadoo Boqortooyada Sucuudigu weerarkii 11 Sep ee Usama lagu eedeeyay ka hor ka cabsi qabtay inuu waxyeeleeyo nidaamka Boqortooyada Sucuudiga oo ay xiliggaa kusoo laabteen kumaan dhalinayaro mujaahidiin u dhashay dalkaa oo kasoo laabtay dagaalkii muddada dheer lagula jiray Midawgii Soviet iyo Russia.
Dawlada Maraykanka iyo xulufadooda, ayaa diidmada Mullah kaga jawaabtay weerarkii lagu qaaday Afghanistan ee Nidaamkii Islaamiga ahaa Mullah Cumar ee kooxda Daalibaan, wuxuuna dagaalka lagu qaaday Afghanistan iyo kooxdii Daalibaan noqday mid ku faafay dunida. Kadib markii mucaskaradii tababarka ee ugu waaweynaa dunida ee muddadii ay Afghanistan ka talinayeen Daalibaan lag hirgeliyay halkaa oo ay kumanan kasoo baxay oo jihaad doon ah ku faafeen dunida.
Mullah Maxamed Cumar waxaa lagu sifeeyay inuu caalim Diinta aad u bartay, isla markaana geesi ah oo waqti adag kasoo gudbiyay Afghanistan wuxuu leeyahay taariikh layaable, iyadoo mudadii uu Afghanistan ka ahaa Madaxweynaha ma lahayn Qasri Madaxtooyo, wuxuuna ahaa nin mawqif adag oo aanay ku jirin isla weyni iyo kibir, waxaana la yaab noqotay markii lasoo lasoo badhigay sariirta uu ku seexan jiray markii dalka ka ahaa Madaxweynaha, taas oo ah sariir ka samaysan Dhoobo oo ku rakiban derged yar oo Cariish ah oo uu dhexyaal Sanduuq ay ku jiraan Kutub, halkaas oo uu dalka uga talin jiray. Sida ay baahisay Kooxdiisa oo soo bandhigtay sawrka Cariishkaa uu ku noolaa iyo sawirka keliya ee laga arkay oo muujinaya isagoo sagaashanadii gaadhi ku dhex wata Afghanistan.
Waxyaabaha layaabka ah ee Mullah Cumar dunida kaga yaabiyay, waxa ka mid ahaa markii Maraykanku weeraray 14 sanadood ka hor xukunkii iyo nidaamkii dawladiisa Afghanistan, waxa tan iyo waqtigaa lagu baadi doonayay malaayiin dollar iyo kumanaan ciidamo ah oo dagaal kula jiray kooxda uu hoggaaminayay ee Daalibaan, balse waxa lagu guuldaraystay in nolol iyo geeri in lagu helo iska daaye la waayay sawir uu leeyahay. Sidoo kale waxa layaab ku noqotay dunida markii todobaadkan la shaaciyay geerida Mullah Maxamed Cumar oo la sheegay inuu dhintay laba sanadood ka hor, balse la qarinayay, iyadoo tan iyo mudadaa la dilay hoggaamiyaal baddan oo uu kow ka ahaa Aasaasihii Al-Qaida Usama Binu Laden iyo saaxiibo baddan oo ay wadaageen Usama iyo Mullah, isla markaana juhdiga dhaqaale, cudud iyo ciiddan ee la geliyay iyo dagaalka lagu waday kooxdiisa 14 sanadood lagu guuldaraysto in wax macluumaad ah laga helo oo geeridiisa la oggaaday markii ay shaaciyeen laba sandood kaddib, iyadoo la rumaysanyahay inuu April 2013 ku geeriyooday dalka ay jaarka yihiin ee Pakistan todobaadkan ayaa la maqlay geeridiisa markii kooxda Daalibaan shaaciyeen, kaddibna iclamiyeen in hoggaanka Ururka Daalibaan loo doortay ku-xigeenkiisii Mullah Akhtar Mansour.
By. Carraale M. Jama Freelance Journalist and Human Rights activist
E- Mail: jaamac132@gmail.com
info@araweelonews.com

Araweelo News Network