Doorashada Mareykanka 2020; Maxaa dhici karaa haddii musharraxiinta ay dacwad ka gudbiyaan natiijada?

Ololaha Trump ayaa sheegay in musharaxooda aanay u qorshaysnayn inuu aqbalo in laga badiyey.

Joe Biden ayaa ku guulaystay tartankii loogu jiray madaxtinimada Maraykanka oo waxa uu kaga adkaaday Donald Trump tirinta codadkii la dhiibtay Salaasadii.

Natiijada ayaa Trump ka dhigaysa madaxweynihii u horeeyey ee muddo xileed keli ah dalka xukuma tan iyo sagaashanaadkii.

Odoroska BBC ee guusha Biden waxay ku salaysan tahay natiijo aan rasmi ahany oo ka soo baxday gobolada ilaa haatan dhamaystiray tirinta codadka iyo natiijada la filayo in ay ka soo bixi doonto gobollada sida Wisconsin ee tirintu ka socoto.

Doorashadani waxay ahayd tii ay codbixiyeyaashii ugu tirada badnaa tan iyo sannadkii 1900 u soo dareereen. Biden ayaa ku guulaystay in ka badan 73 milyan oo cod ilaa haatan, taas oo ka dhigan inuu yahay musharaxii madaxweyne ee taariikhda Maraykanka ugu codka badnaa. Trump ayaa isagu helay qiyaastii 70 milyan oo cod, sidaana wuxuu ku gelyaa kaalinta labaad.

Madaxweyne Trump ayaa isaga oo aan caddayn hayn isku sheegay inuu isagu yahay ninka ku guulaystay doorashada iyada oo aan weli xataa la dhamaystirin tirinta codadka. Waxa kale oo uu sheegay eedo ah musuq ka dhacay tiritina codadka, laakiin wax caddaynaya eedaas ah in musuq dhacay muu soo ban dhigin.

Sidee hadaba wax u dhacayaan?

 

Badanaa musharaxa laga badiyaa uu u hambalyeeyaa ninka guulaystay laakiin Trump wuxuu wacad ku maray in uu natiijada doorashada maxkamad la tiigsan doono.

Iyaga oo ka falcelinaya natiijada ka soo baxday gobolka Pennsylvania, ayaa saraakiisha ololaha Trump waxay soo saareen warbixin ay ku yidhaahdeen “doorashadu ma dhamaan. Odoroska beenta ah ee Joe Biden ka adhigaya inuu guulaystay waxa lagu saleeyay natiijada ka soo baxday afar gobol oo tii kama dambaysta ahayd aan ahayn.”

Waxa dib loogu noqnayaa tirinta coadka gobolka Georgia halkaas oo aan wax badan lagu kala horrayn. Trump waxa uu sidoo kale doonayaa in sidoo kale lagu noqdo tirinta Wisconsin. Waxaanu sidoo kale wacad ku maray in uu Maxkamadda Sare la tiigsanayo codbixintan uu ku andacooday in musuq ka dhacay walow aanu caddayn soo bandhigin.

Hadii natiijada doorashada dood sharci laga qabo, waxa dacwaddu ka bilaabmaysaa maxkamad heer gobol ah. Garsooreyaasha heer gobol ayey iyagana qasab ku noqonaysaa in ay aqbalaan dacwadda oo ay amar ku bixiyaan in codadka dib loo tiriyo, marka Maxkamadda Sare la isla tago na waxa qoloba ay dhankeeda kaga doodi doontaa oo Maxakamdda Sare ka codsan doontaa in ay buriso xukunka dhanka kale hayso.

Dhanka kalena waxa weli socota tirinta codadka natiijada soo baxday ee hordhaca ahina maaha mid rasmi ah ilaa kama dambaysta la ansixiyo, arintaas oo gobol walba ku qaadata muddo todobaadyo ah.

Hawshaana waa in la soo gabogabeeyaa ka hor inta aanay 538 xubnood ee ka tirsan ergada gole-doorashada gobolladu aanay si rasmi ha u fadhiisanin magaalo madaxyada gobollada ay wakiilka ka yihiin oo aanay iyaguna u codayn 14 Diisember.

Codka ergada gole-doorashooyinku wuxu had iyo goor saami gal toos ah la yahay tirada codka shacabku ka dhiibtaan gobol kasta. Hase yeeshee gobolada qaarkood sidaa ma wada aha.

Madaxweynaha cusub waxa si rasmi ah xilka loogu dhaariyaa 20 Jeeniweri marka uu dhamaysto mudada kala guurka ah si wakhti uu ugu helo inuu soo xusho oo uu magacaabo golihiisa wasiirada oo qorshena u dejisto.

Xil wareejinta waxa lagu sameeyaa xafladda caleemo saarka oo ka dhacda catabadaha dhismaha Capitol Hill la yidhaa ee ah xarunta Congress-ka ee magaalada Washington DC.

Xafladdaas ka dib ayaa madaxweynaha cusubi u dhawaaqa dhanka Aqalka Cad si u halkaa uga bilaabo mudo xileedkiisa afarta sano ee xilka loo doortay ah.

Xilli ay socoto tirinta codadka doorashada Mareykanka, haddaba, musharraxiinta ka biyo diida natiijada sidey dacwadooda u gudbin karaan?

Halkan waxaan idiin kuugu soo gudbineynaa su’aalo iyo jawaabo ku saabsan doorashada Mareykanka.

Section divider

Trump ma isku dayi karaa in uu dacwad ka gudbiyo natiijada doorashada?

Haa, labada dhinac waxay sheegeen horraan inay isku diyaarinayaan sidii dacwad ay uga gudbin lahaayeen doorashada.

Kooxda ololaha Trump waxay dacwad ka gudbinayaan natiijada doorashada gobollada muhiimka ah sida Nevada, Wisconsin, Georgia, Pennsylvania iyo Michigan.

Waxay xaq u leeyihiin inay codsadaan in dib loo tiriyo codadka waa haddii lagala bixi waayo.

Sanadkan waxaa sare u kacay codeynta qaabka boostada, waxaa suurogal ah in codadkan lagu dhiibtay boostada dacwad laga gudbin karo.

Waxaana laga yaabaa in dacwadda loo gudbiyo maxkamadda ugu sarreyso Mareykanka- waana ha’yadda sharciga soo saarta go’aanada kama danbeysta ah.

Sida sanadkii 2000, markii maxkamadda sare ay joojisay in dib loo tiriyo codadkii laga dhiibtay gobolka Florida, waxaana go’aankaas uu dan u ahaa musharraxii xisbiga jamhuuriga George W Bush oo sidaa madaxweyne ku noqday.

Section divider

Maxaa dhici karaa haddii ay natiijo isku mid ah keenaan?

Guud ahaan codadka guusha horseeda ee gobollada waxay gaarayaan 538, waxay ka dhigan tahay in ay suurogal tahay in natiijo isku mid ah oo dhanka codadka gobollada ay keenaan, inkasta aanan la filan karin.

Haddii musharraxiinta ay ku guuldareystaan inay keenaan codadka ugu badan ee ergada gobollada, waxaa markaas go’aan ka gaari karaa aqalka koongareeska.

Waxaan arrintaas go’an ka gaadhi karaa xildhibaanada aqalka koongareeska ee la doortay doorashada sanadkan 2020-ka.

Wixii markaas ka danbeeyo Aqalka golaha wakiilada ayaa u codeynayaa ciddii noqon laheyd madaxweynaha, iyadoo wafti kasta oo matalayo gobol-uu ka dhigan yahay hal cod- musharraxa madaxweyne noqonaya waa in uu helaa 26 kamid ah codadka weftiga gobolladaas.

Kaddib Aqalka senetka ayaa dooran doona madaxweyne ku-xigeen, dhammaan 100 xubnood ee ka tirsan senetka ayaa codeynta ka qeyb qaadan doonaa.

Section divider

Maxay tahay saameynta codadka guud ay ku leeyihiin codadka guusha horseeda ee codadka ergada ?

Codadka guud ee musharraxa ka helo dalka wax go’aan ah kuma laha doorashada madaxtinimo ee Mareykanka balse waa in musharraxa uu ku guuleystay codadka ergada ee gobollada.

Musharraxa guuleysta waa in uu helaa ugu yaraan 270 oo ah codadka guusha horseeda ee ergada gobollada.

Section divider

Qof kasta oo dunida ku nool wuxuu ku wareeray ‘codadka ergada gobollada’, haddaba sidee ayay ku adkaatay in doorashada Mareykanka ay saameyn ku yeeshaan codadka laga dhiibta guud ahaan dalka isla markaana la tuuro ‘ergada gobollada’? waxaa ina soo weydisay Judy oo ku sugan Canada.

Nidaamka doorashada Mareykanka wuxuu waafaqsan yihiin dastuurka, markaa haddii wax laga baddalayo in dastuurka wax laga baddalaa.

Waa isbaddalkaas ay ansixiyaan labo meelood saddex meel xildhibaanada aqalka senetka iyo golaha wakiilada, markaa waa inay ansixiyaan saddex meelood afar meel gobollada Marekanka.

Waana arrin u muuqato in aanay suurtogeli karin, inkasta oo ay jireen isku dayo horey u dhacay oo ku saabsan in wax laga baddalo doorashada.

line

Haddaba, maxay yihiin xubnaha ka tirsan ergada gobollada, sidee lagu soo doortaa? iyo muddada ay heyn karaan xilkaas? waxaa ina soo weydisay Penny Reid oo k sugan deegaanka Northumberland ee UK.

Xubanaha ka tirsan ergada gobollada waxaa doorasho kasta soo xulaa xisbiyada dimuqraadiga iyo jamhuuriga.

Waxaa jiraa hanaan kala duwan marka gobol kasta oo lagu xulanayo.

Ergada waxaa loo yaqaana kuwo wax doorta- waxay xiriir la leeyihiin xisbiyada siyaasadda ee Mareykanka, dadka u doodo xuquuqul insaanka ama siyaasiyiintii hore.

Bill Clinton wuxuu sanadkii 2016-kii kamid aha ergadii ay soo xusheen dimuqraadiga halka Donald Trump Junior ay soo xusheen jamhuuriga.

Yaa go’aan ka gadhaya cidda madaxweyne noqoneyso waa haddii la waayay cid guul kasoo hoyisa ergada codadka ee gobollada? waxaa ina soo weydiyay -Robert Pallone oo ku sugan Maryland

Haddii la waayo cid guul ka gaarto codadka guusha horseeda ee ergada gobollada, waxay arrintaas ka dhigan tahay in la kala bixi waayay ama in aanan la xallin dacwadda ka dhanka ah natiijada doorashada.

Ergada gobollada oo ay shaqadoodu tahay soo xulista madaxweynaha- waxay kulmayaan 14-ka bisha Diseembar sanadkan, waa inay gudbiyaan musharraxiinta gobol kasta guul ka gaaray.

Haddii la xallin waayo khilaafka dhanka natiijada doorashada, waxaa loo gudbinayaa in arrinta inay faraha lasoo galaan xubnaha koongareerska.

Haddii kongareeska ay ku guuldareystaan inay soo xulaan cidda madaxweyne noqoneyso, waxaa jiraa hanaan gaar ah oo dhigaya cidda xilka qabaneyso sida sharciga uu dhigayo, waxaana ugu horreeya dadka xilka qaban karo , Afahayeenka aqalka wakiilada ama qofka labaad ee xilka ugu sarreeyo ka hayo aqalka senetka, Inkasta oo aysan arrinta weligeed dhicin.

Section divider

Maxay tahay sababta codadka la tiriyay ee gobollada qaar ay uga badan yihiin gobollo kale? waxaa ina soo weydiyay S Robertson, oo ku sugan deegaanka Sussex ee UK

Musharraxiinta waxay olole ka bilaabaan gobollada ee uu jahwareerka natiijo ay ka taagan yihiin- waana sababta dadka qaar ay isaga dhaadhiciyaan in gobolladan “codadkooda inta badan la tiriyay”

Waxaana gobolladan lagu tiriyaa inay yihiin kuwa muhiimka ah ee sida weyn loogu tartamayo.

Waxaana inta badan lagu xisaabtamaa codadka ergada gobolladan ee guusha horseeda.

Codbixiyeyaal ku sugan gobolka California
Qoraalka sawirka, Codbixiyeyaal ku sugan gobolka California

Gobollada qaar ee la sheego inay ku xooggan yihiin taageerayaasha xisbiyada qaar- sida gobolka California oo ay ku xooggan yihiin taageerayaasha dimuqraadiga halka gobolka Alabama ay ku xooggan yihiin taageerayaasha jamhuuriga- mararka qaar waxaa dhacdaa in musharraxiinta isku haleynayo halkaas aysan wax olole gobolladaas ku qaban.

Waxayna inta badan diiradda saarayaan sidii ay guul uga gaari lahaayeen gobollada muhiimka ah sida Florida iyo Pennsylvania.