Faallo: By. Carraale M. Jama
xirsi iyo ina xaashiMudooyinkan danbe waxa Isa soo tàrayay fariimo is daba socda oo muujinayay loolan sanadii u danbeeyay u dhexeeyay labada Wasiir ee Duulistà Hawada Maxamuud Xaashi Cabdi iyo Madaxtooyadda Xirsi Xaàji Cali, kuwaas oo ka mid wada tirssn xukuumadda Madaxweyne Siilaanyo , isla markaana làgu tiriyo xubnaha ugu dhow Madaxweynaha.

Inkasta oo labada xubnood ka wada tirsan yihiin golaha wasiirada ee xukuumadda Madaxweyne Siilaanyo, waxa ka dhexeeyay dhawrkii sandood ee u danbeeyay loolan iyo xafiiltan hoose oo u muuqday xintan, kaas oo lala xidhiidhiyay humaag siyaasadeed iyo kala riixasho mid walba damaciisa is tusay.

Marka laga yimaado xafiiltanka iyo xintanka sida hoose uga soo baxayay loolanka ka dhexeeyay Labada Wasiir, oo marar baddan hagardaamo iyo daranyo ku ahaa Siyaasada xukuumadda ay ka wada tirsan yihiin, kuwaas oo sabab u noqday inay xukuumaddu u nuglaato dhaliilaha kaga imanayay dhinaca mucaaradka iyo dadka naqdiya siyaasadeed, isla markaana suurta gelinayay in sirta xukuumaddu noqoto mid shaaracyada daadsan, iyadoo arrinta xafiiltanka labada Wasiir si dhab ah banaanka usoo dhigaysay kulamada iyo qorshayaasha ka socda qasriga Maaxtooyadda,taas oo si weyn wax ugu dhintay sumcada iyo karaamada nidaamka dawladnimo.

Loolanka iyo xintanka soo jiitamayay ee Labada masuul, waxa sii xoojiyay khilaaf marar baddan soo noq noqday oo saamayn ku yeeshay xisbiga xukuumadda ee Kulmiye, kaas oo ka dhashay damac iyo hirdan siyaasadeed oo u dhexeeyay hoggaanka xisbiga Kulmiye iyo xubno golaha wasiiradda ee xukuumadda Madaxweyne kuwa ugu tunka weyn ahaa, kuwaas oo hujuumay marar baddan inay hoggaanka xisbiga là wareegeen, iyagoo ka faa’idaysanaya awoodii ay ku lahàayeen xukuumadda, Wasiirka Madaxtooyadda Xirsi Xaaji Cali oo qayb ka noqday koox wadaado uu hormood u ahaa wasiirkii hore ee Maaliyadda Cabdicasiis Maxamed Samaale oo si fiican u hantiyay tallada iyo awooda xukuumadda Madxweyne Siilaanyo, isla markaana ku hamiyayay inay si toos àh ula wareegaan hoggaanka xisbiga, iyàgoo ka faa’idaysanaya xilalka iyo awooda qàranka, bàlse Wasiirka Duulista Hawada Maxamuud Xaashi oo ka mid ah xubnaha awooda ku leh qasriga Madaxtooyada, ayaa kasoo horjeestay damaca kooxdaa oo saàmayn weyn ku yeeshay loolanka wadaada iyo kornaylada hoggaanka u hayay xisbiga muxaafidka ah ee Kulmiye, wuxuuna hirdanka loolanku sababay khilaafka marar baddan dib u dhigayay shirweynihii sadexaad ee xisbiga Kulmiye, kaas oo ugu danbayntii là qabtay markii heshiis laga gaaadhay, isla martkaana ergooyin uu hoggaaminayay Guddoomiyaha Guurtida Somaliland Saleebaan Maxamuud Aadan ku qanciyeen kooxda inay dib u fadhiistaan, isla makaana meesha ka saàraan Wasiirkii Maaaliyadda ee hore Samaale iyo saaxiibadii inay xilligan hungureeyaan hoggaanka xisbiga, taas oo suurta gelsiay inuu qabsoomo shirweynihii sadexaad ee Xisbiga Kulmiye dhammaadkii April 2014.

Hase yeeshee mar kale ayuu dib usoo laabtay khilaafkii, kadib markii liiska xubnaha golaha dhexe muran la xidhiidhay dhinacyada ku loolamaya siyaasadu kasoo baxay, kaas oo galaaftay wasiirkii hore ee ganacsiga Maxamed Cabdullaahi oo dhinaca hoggaanka xisbiga loo tirinayay.

Loolanka dhinacyada waxa kusoo biiray Wasiirka Arrimaha Dibadda Maxamed Biixi Yoonis oo ku cusbaa saaxada siyaasada Somaliland, kadib markii uu ka dhawaajiyay inuu yahay musharax u taagan tartanka doorashada Madaxweynaha marka ay dhammaato mudada xilka Madaxweyne Siilaanyo, wuxuuna is bahaysi la sameeyay kooxda uu hoggaaminayay Wasiirkii hore ee Maaliyada Cabdicasiis Samaale.

Dhammaadkii Feb 2015, waxa si lama filaan ah qasriga Madaxtooyada uga soo baxday isku bedel wasiiro iyo xil ka qaadis , taas oo sababtay in Wasiirkii Maaaliyadda Samaale, ku gacansaydhay markii loo bedelay Wasaaradda Waxbarashadda Somaliland, wuxuuna si badheedh ah u shaaciyay in aanu qabanayn xilka wasaaradda loo bedelay, kadib markii uu dareemay inqilaab si hoose Kooxda awooda qarsoon ee xidigaha loo yaqaan guurtida aan shaarubaha lahayn oo ahayd kooxda labaad qasriga Madaxtooyada awooda ku lahayd daaqada ka saareen, waxayna isaga iyo xubno kale iska casileen xukuumadda Madaxweyne Siilaanyo, balse waxa uu sheegay in aanu ka hadhayn damaciisa siyaasadeed iyo yoolka u qorshaysnaa.

Sidoo kale Wasiirka Madaxtooyadda Xisri oo ay saaxiibo dhow ahaayeen Wasiirkii hore ee Maaliyadda Cabdicasiis Samaale, ayaa mudooyinkii u danbeeyay xoojiyay dhaqdhaqaaqyo siyaasadeed iyo kaanbayn si hoose u socon jiray oo xiligan saaxada siyaasada si cad uga muuqda, kuwaas oo sababay in Wasiirka Duulista Maxamuud Xaashi oo xafiiltan iyo loolan hoose ka dhexeeyay si badheedh ah warbaahinta isugu adeegsadaan, maqaalo ay dhaqaale baddan ku bixiyaan oo ay warbaahinta isu mariyaan, iyagoo adeegsanaya kooxo dhalinyaro ah.

Kooxaha dhlinyarada ah ee u adeega labadan masuul ayaa waxyaabo ka baxsan anshaxa qoraalka iyo fadeexado aan waxba laysu hanbayn isu mariya warbaahinta, waxayna warbaahintu khaatiyaan ka istaagtay maqaalo iska soo daba dhacaya oo mid midka kale ku weerarayo.

Loolanka labada wasiir oo ka wada tirsan xukuumadda iyo qaabka ay isu weerarayaan, iyagoo isku shiidaya warbaahinta, isla markaana caruurta u adeegsaday qaab dhaqan-xumo ah oo ka baxsan anshaxa siyaasada iyo akhlaaqiyaadka qoraalka, waxayna arrimahan dibadda soo dhigeen muuqaalka dhabta ah ee xukuumadda Madaxweyne Siilanyo, iyadoo rayal caamka bulshadu is weydiinayaan sababta Madaxweyne Siilaanyo u daawanayo dheg-xumada iyo dhaawaca haylka iyo nidaamka dawladnimo ee labada wasiir ee warbaahinta isu adeegsanaya, isla markaana ka mid ah golihiisa wasiiradda.

Si kastaba ha ahaatee jawaab la’aanta Madaxweynaha ee dhacdooyinkaasu waxay shaki geliyeen shacbiga Somaliland, iyadoo dadka siyaasada faaqidaa ku tilmaameen dhacdooyinka fariimaha Is Dàba Socda Ee Caruuraha Ay Isku Shiidayaan Labada Wasiir Ee Xirsi Maxamuud Xaashi oo ku cusub dhaqanka nidaamka dawladnimo iyo sida aanay cidna uga cabsanayn inay markhaati ka tahay in aanu Madaxweynuhu la socon waxyaabaha ka dhacaya dalka, balse waxaynu dhawri doona halka uu biyo dhigto loolanka iyo xintanka labada masuul ee dar jiidhay nidaamka iyo milgaha dawladnimo.

Araweelo News Network
Somaliland Office
Email info@araweelonews.com
Jaamac132@gmail.com
Twitter: Arraale M Jama @Araweelonews