waftiga-saylici

Dacar-budhuq(ANN)Kollanyo Gaadiid ah oo gelbinaysay Madaxweyne ku xigeenka Somaliland, ayaa sababtay shil Baabuur oo fool-xun, kaas oo  dhimasho iyo dhaawaba sababay. Kadib markii ay duleedka Degmada Dacar-budhuq ee duleedka Hargeysa isku dhaceen gaadhi ka mid ah kuwa wefdiga Madaxweyne xigeenka Somaliland Cabdiraxmaan Ismaaciil Cabdullaahi Seylici iyo Gaadhi ay wateen laba muwaadin oo dhinaca shicib ah.

Madaxweyne ku xigeenka Somaliland Cabdiraxaman Seylici, ayaa gaadhiga ka mid ahaa Kolanyadiisa oo ay saarnaayeen Wiil uu dhalay oo lagu Magcaabo Axmed Cabdiraxaan Seylici, Dareewalka Xaafadiisa iyo Suxufi ka tirsan Telefishanka Qaranka oo la socday gaadhigaa dhaawacooda usoo diray durbadiiba dhinaca Cusbitaalka Magaalada Hargeysa,

Hase yeeshee gaadhiga ay wateen Labada Muwaadin ee kale oo dhaawacyo khatar ah ku gaadheen Shilkaa, ayaa goobta lagaga dhaqaaqay, kuwaas oo Madaxweyne ku Xigeenka iyo Wefdigiisu isaga tageen, iyagoo aan wax gurnad ah u samayn.

Shilka ayaa dhacay 27 November galabnimadii goor casar ah, balse markii lagu warhelay Shilkaa waxay ehelada Labada muwaadin ee watay gaadhaa oo Noociisu ahaa NOHA, ka badheen Cusbitaalka weyn ee Hargeysa oo shantii galabnimo la keenay dhaawaca Wiilka uu dhalay Madaxweyne ku Xigeenka laba nin oo mid yahay suxfi ka hawlgala Telefishanka Somaliland, balse waxay ehelada Labadaa muwaadin ee shicibka ahaa ogaadeen in aan lasoo qaadin dhaawaca labada nine e gaadiidka kolanyada Madaxweyne ku xigeenku jiidheen.
Qaar ka mid ah Ehelada labadaa muwaadin ayaa tegey goobta shilku ka dhacay ee Dacar-budhuq, waxayna gurmad Gaadhi Ambalas ah kasoo dalbadeen Cusbitaalka Hargeysa, kaas oo ay wasiir ku xigeenka Caafimaadka Nimco Xuseen Qawdhan u dirtay, waxaana sagaalkii habeenimo ee Caawa laga soo roggay Gaadhiga Ambalaska Marxuum Cabdi Cabdullaahi Yuusuf Ismaiil(Ina Tima-cade) oo uu dhintay dhaawacii kasoo gaadhay shilkaa, kadib markii uu waayay gurmad iyo gargaar caafimaad.

Muwaadinka kale ee ay gaadhiga wada saarnaayeen oo magaciisu yahay Cabdullaahi Cumar Xaaji Yuusuf oo dhaawac culus ka qaba Lugta Midi goo jabtay iyo jugo kale ayaa lagu dejiyay Cusbitaalka.

Maydka iyo dhaawac labadaa muwaadin ee shicibka ahaa, waxa la keenay Cusbitaalka shan saacadood iyo badh ka dib markii shilku dhacay.

Ehelada Marxuumka Geeriyooday, ayaa si weyn uga cadhooday masuuliyad-darada Madaxweyne ku xigeenka ee Kolanyada gaadiidkiisu muwaadiniintii ay jiidheen ka dhaqaaqay, isla markaana Wiilkiisa iyo kuwii kale ee dhaawacyada fudud soo gaadheen oo la socday wefdigiisa usoo diray Cusbitaalka Hargeysa, waxayna dhacdadaa shilka ee sida foosha-xun loo maamulay ka cadhaysiiyay boqolaal qof oo ehelada iyo qoyska marxuumka dhintay, kuwaas oo Maydka marxuumka sheegay in aan la aasayn ilaa inta xal laga gaadhayo fadeexada iyo jariimada dhacday ee masuulkii dadka masuulka ka ahaa sidaa u maamulay.

Somaliland Office
ifo@araweelonews.com
jaamac132@gmail.com