gabadha ku guulaysatayGabadhan jacaylku hayo, ayaa la sheegay inay ku guulaysatay baqtiyaa-nasiib dhan $188 milyan oo dollar, balse waxa xaqeeda noqday, loona saafi yeelay $88 milyan oo doollar, markii laga jaray cashuuro badan oo gaadhay ilaa $100 milyan, waxayna qayb ka mid ah lacagtaas oo gaadhaysa $9 milyan oo doollar ku kharash garaysay damiinashada nin ay jeceshahay oo hawlo daroogo loo xidhay.
Gabadhan oo magaceedu yahay Marie Holmes, kana soo jeeda Waqooyiga Gobolka Carolina ee dalka Maraykanka, waxa ay sidoo kale ubadkeeda u iibisay guri, isla markaana lacagta qayb ka mid ah waxay ku kharashgaraysay sadaqo, balse waxa ay soo jiidatay idhaha caalamka kadib markii ay nin ay jeclaatay ku damiinatay lacag dhan $9 milyan oo doollar.
Sida warbaahinta iyo wakaaladaha wararka ee caalamku baahiyeen oo Jamhuuriya soo xigtay, jacayl xad-dhaaf ah ayaa ku sanduleeyey inay lacag badan ku damiinato nin ay jeceshahay oo ku jira xabsi, waxaanna aad loola yaabay jacaylka qaaliga ah ee ay u hayso maxbuuska daroogooyinka lagu qabtay ee ay damiinatay.
Maaha markii u horaysay ee sidan oo kale haweenay lacag badan ugu damiinato nin ay jeceshahay, balse, waxa hore u dhacday in gabadh kale lacag dhan $3 milyan oo doollar ugu bixisay sii daynta ninkan oo bishii March ee sannadkan 2015 loo xidhay inuu ka ganacsanayey daroogo, sida lagu baahiyey mareegta wararka ee WWAYS3.