Amal Fagadheiyo madaxweyne SilanyoHargeysa(ANN)Madaxweynaha Somaliland . Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo), ayaa shalay Xafiiskiisa ku qaabilay Qoyska uu ka tagay Alle ha u naxariistee Safiirkii hore ee Somaliland u fadhiyay Dalka Faransiiska Maxamuud Saalax Nuur (Fagadhe), kuwaas oo ay ku jirto gabadh 15-jir ah oo uu dhalay laguna magacaabo Amal Maxamuud Saalax Nuur (Fagadhe).

Amal Maxamuud Saalax Nuur Fagadhe oo ka mid yihiin Qurbejoogta ku nool dalka Sweden ee fasaxa ku jooga dalka, ayaa nasiib u yeelatay inay la kulanto madaxweynaha Somaliland oo qaabilay iyo xubno qoyskeeda ah, waxaanay kulankaasi ku tilmaantay inuu farxad iyo qiimo gaara u sameeyey, iyadoo sheegtay in markii ay aragtay Madaxweyne Siilaanyo ay ooyday oo ay ku soo xasuusatay Aabaheed Marxuum Maxamuud Saalax Nuur Fagadhe oo ay madaxweyne Siilaanyo muddo dheer saaxiib ahaayeen, kana soo wada-shaqeeyeen xukuumaddii madaxweyne Maxamed Xaaji Ibraahim Cigaal oo ay wasiirro ka soo wada-noqdeen.

Amaal waxa ay kulanka madaxweyne Siilaanyo ku qaabiley iyo sida dareenkeedu noqday kaga hadashay waraysi kooban oo uu la yeeshay Wariye Mustafe-Janaale.

“Aniga oo ah Amal Maxamuud Saalax Nuur Fagadhe, ayaa waxaan aad iyo aad ugu faraxsanay shalay oo Salaasa, taariikhduna ahayd 11/8/2015 uu qasriga Madaxtooyada Somaliland uu igu qaabilay Madaxweynaha Somaliland Md. Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) oo ay aabahay Marxuum Fagadhe Saaxibo dhow isku ahaayeen,kulankaasi waxa uu ii ahaa kulan taariikhiya oo I soo xasuusiyay yaareyntaydii oo aan arki jirey aabahay iyo Madaxweyne Siilaanyo oo wada socda,marka uu Siilaanyo I arko waxa uu I taaban jirey Madaxa isaga oo ii ahaa aabahayga labaad.

Maantana isaga oo Madaxweyne ka ah Somaliland inaan arko qiimo-weyn iyo farxad ayay ii tahay, markii aan arkay Madaxweyne Siilaanyo waan ooyay oo waxaan soo xasuustay aabahay oo ku geeriyooday 2009-kii dalka Faransiiska ILAAHAY ha u naxariisto.” Sidaas ayay Amaal ku sheegtay waraysiga uu la yeeshay Weriye Mustafe-Janaale.

“Sida uu ii qiimeeyey Madaxweyne Siilaanyo ee uu wakhtigiisa qaaliga ah Ii siiyay waan uga mahad-celinayaa, waxaanan ILAAHAY uga baryayaa Cimri dherer iyo Caafimaad qab ku waaro. Waxaana kulankan igu wehelinayay Hooyaday Caasha Buraale, Habaryartay Iimaan Cashara,Waxaanan u mahad-celinayaa Xildhibaan Cabdiqaadir Maxamed Xasan (Indho-indho) oo isagu kulankan ka soo shaqeeyey,” ayay tidhi.

Sidoo Kale, Amal Fagadhe waxa ay u mahad-celisay Marwada kowaad ee Somaliland Marwo Aamina-Weris iyo Wasiirka Maaliyadda Somaliland Marwo Samsam Cabdi Aadan oo ay ku tilmaantay inay ku soo dhaweeyeen Somaliland.

Maxamuud Saalax Nuur (Fagadhe) oo ahaa siyaasi iyo aqoonyahan si weyn looga ixtiraami jiray Somaliland, ayaa ku geeriyooday dalka Faransiiska sanadii 2009-kii wakhtigaas oo uu ahaa Wakiilka Somaliland ee dalka Faransiiska oo madaxweyne Daahir Rayaale u magacaabay. Waxa uu hore u soo qabtay Xilalka Wasiirka Arrimaha Dibada Somaliland xilligii xukuumaddii madaxweyne Cigaal. Waxa kale oo uu noqday Xildhibaan ka tirsan Golaha Wakiillada Somaliland. Sidoo kale, waxa uu Marxuumka ka mid noqday Hoggaanka Xisbiga KULMIYE xilligii uu mucaaradka ahaa.
Somaliland Office
Email info@araweelonews.com
Jaamac132@gmail.com
Twitter: Arraale M Jama @Araweelonews