Siciid Sheekh CumarNairobi(ANN)Mulkiilaha Hudheelka Summer-Time Restaurant oo ka mid ah Huteelada ugu caansan Somaliland Mr. Siciid Sheekh Cumar ayaa Magaalada Nairobi ee Caasimadda dalka Kenya kaga qayb-galay shirka caalamiga ah ee Hal-abuurka Ganacsiga adduunka, kaas oo Madaxwaynaha Maraykanka Barck Obama iyo Madaxweynaha Kenya Uhuro Kenyatta si wadajir ah u daah-fureen maanta.

siciidsheekhcumarnairobi
Shirkan oo ay ka qayb-galayaan boqollaal ganacsatada kala duwan ayaa waxa Siciid Sheekh Cumar nasiib u yeeshay in lagu marti-qaado shirkaa oo Madaxweynaha Maraykanku qayb ka ahaa furitaankiisa, iyadoo ujeedada shirku ahayd laba arromood oo isa saaran, kuwaas oo kala ah fariin Madaxweynaha Kenya ugu talo galay inay gaadho dunida oo ahayd in Afrika tahay meel wax qabsatay oo ganacsi xor ah uu ka jiro, taas oo ahayd fariin si gaar ah ugu socotay wadamada reer galbeedla iyo si loo dhiiri-geliyo hal-abuurka ganacsiga, sidaa awgeed ganacsade Siciid Sheekh Cumar oo ka mid ah dhallinyarada reer Somaliland ee ganacsigii ay hal-abuureen ka midho dhaliyay, wuxuu helay fursada lagu casuumay shirkaa Caalamiga ah, wuxuuna isagoo dareenkiisa ka qaybgalka shirkaa ka hadlaya yidhi sidan:-
“Dareenkaygu aad iyo aad buu u wanaagsan yahay, Madaxwaynayaashuna si aad u qurux badan ayay u hadleen oo dareenkayagu ku farxay…”Sidaa waxa uu kaga jawaabay Siciid Sheekh Cumar oo shalay su’aal Idaacada BBC-da laanteeda Af-ka Soomaaligu wax ka waydiisay dareenkiisa,waxaanu intaasi sii raaciyey inay tahay markii koowaad ee uu ka qayb-galo shir noocan oo kale ah “Haa…waa markii iigu horeysay ee aan ka qayb-qaato shir noocan oo kale ah..”
Mulkiilaha Hudheelka Summer-Time Restaurant Siciid Sheekh Cumar oo la waydiiyey waxa uu ku soo gaadhay heerkan uu ka qayb-galayo shirka caalamiga ah ee Hal-abuurka ganacsiga, ayaa ku jawaabay isagoo khudbaddii Obama shirka ku furay ku soo hal-qabsanaya “Heerkan waxaan ku soo gaadhey taa uu Madaxwayne Obama leeyahay waanu dhiiri-gelinaynaa ee (Hal-abuurka Ganacsiga), taasi ayaa keentay inaan shirkan Imaaddo oo ay iyagu (Mareykanku) casuumadda i siiyaan,waayo waxaan leeyahay oo aan ka socdaa (Summer Time Group ama Summer Time Restaurant) oo Hargeysa ah…”
Sidoo Kale, Mar Siciid Sheekh Cumar la weydiiyay waxa uga baxay hadalkii Madaxweyne Obama? Waxa uu ku jawaabay“Hadalka Obama waxa iiga baxay oo aan aad u jeclaystay saadaasha uu saadaalinayo in mustaqbalka Afrika noqonayso xudunta koboca dhaqaalaha (adduunka), isagoo leh Madaxwayne Obama mar walba waanu caawinaynaa haweenka iyo dhallinyarada (la yimaadda hal-abuur ganacsi)…”
Ganacsadahan da’ada Yar ee reer Somaliland Siciid Sheekh Cumar ayaa waxay da’diisu tahay 37-jir waxaanu leeyahay Hudheelka loogu jecel-yahay Somaliland ee Summer-Time Restaurant, isaga oo ganacsigiisa ka bilaabay Dukaan yar oo Shaaha iyo Bunka lagu iibiyo sanadii 2003-dii imikana uu korey ganacsigiisu,waxa uu Sameeyey Hoolka Casriya oo lagu qabto Xafladaha oo la yidhaahdo Summertime Green Plaza , Sidoo kale waxa uu curiyay Huteel cusub oo ah hurdo loo sameeyey habka guryo goglan oo isku qoofallan (Apartments), waxa imika socda Huteel Shan Dabaqa oo sanadka 2016-ka la furi doono.
Somaliland Office
Email info@araweelonews.com
Jaamac132@gmail.com
Twitter: Arraale M Jama @Araweelonews.