Cumar al-Mukhtaar: Libaaxii saxaraha ee guumeystaha iska caabbiyey + wacdarihii uu dhigi jiray iyo taariikhdiisa oo kooban

Guumeystihii Talyaaniga 16-kii September 1931-kii wuxuu daldalay Sheekh Cumar Al-Mukhtaar, oo ay markaasi da’diisu ahayd 73 jir, kaddib markii la saaray maxkamad ku-meel- gaadh ah oo ay guumeystuhu gacanta ku hayeen.

Encyclopedia-ha Ingriiska ayaa sheegaya markii uu Talyaaniga qabsaday dalka Liibiya sannadkii 1911-kii waxay dalka Liibiya ay kala kulmeen iska caabbin muddo dheer socotay, taasoo sababtay in heeryadii gumeystaha uu iska rido dalka Liibiya.

Mr. Andrew North wuxuu sidoo kale ku qoray BBC-da in markii Talyaanigu soo galay Tripoli sannadkii 1911-kii, isagoo rajeynaya in Liibiyaanka ay u arki doonaan inay yihiin kuwo helay xorriyad sidii xukunkii Cusmaaniyiinta, mana fileyn in iska caabbin lagala horimanayo, iska caabbintaasi oo socotay muddo 20 sanno ah ka socotay agagaaraha Benghazi, iska caabbintaasi oo uu hoggaaminayey halyeygii Cumar al-Mukhtar.

Kaligii Taliyiihii Faashiistaha Talyaaniga hoggaaminayey ee Benito Mussoloni, wuxuu ku qasbanaaday inuu cabbudhiyo kacdoonka guumeysi-diidka ah, wuxuuna billaabay inuu ciqaab wadareed uu u geysto 100,000 (boqol kun) oo reer Liibiya, ahna ka masaafuriyey deegaannadii ay kacdoonnada ka socdeen, isla markaana ku guray xabsi wadareedyo ay kumannaan qof ku dhinteen.

Haddaba, sannadkii 1931-kii Cumar al-Mukhtaar ayaa la qabtay, laguna hor daldalay kumannaan taageerayashiisa hortooda.

Waa kuma ninkani ujeedkiisuna muxuu ahaa?

Halyaygii Cumar Muqtaar ee xorreeyay Liibiya

Sheekh Cumar al-Mukhtaar 1862-kii ayuu ku dhashay tuulada Zawaayet oo ku taalla bariga Liibiya, aabbihiina wuxuu dhintay isaga oo yar oo wuxuu ku soo koray agoonnimo. Yaraantiisiina wuxuu barashada qur’aanka uu u tegay tuulo aan ka fogeyn Zawaayet.

Kadib wuxuu tegay deegaanka Jaghboub oo ay ku xooggan tahay dacwadda Senussi, halkaasi oo ku bartay culuunta fiqiga, axaadiista, tafsiirka qur’aanka iyo luqadda Carabiga oo uu gacanta ku hayay Shiikha weyn ee barashada diinta lagu yaqaannay Mahdi al-Senussi. Shekh Mahdi al_Senussi, 1897-kii wuxuu Sheekh Cumar al-Mukhtaar uu u xilsaaray magaalo la yidhaahdo Zawiyat al-Qusour oo ka tirsan Gobolka ‘Jabalalul Akdhar’ isaga oo helay jagada ah ‘Sayidii’, oo looga yeedho odayaasha iyo culimada u dhaqdhaqaaqa Senussi oo keli ah ay gaadhaan.

Cumar al-Mukhtaar wuxuu sida oo kale muddo sannado ah uu ku noolaa dalka Suudaan, halkaas oo ay ku sugnaayeen xoogagga dhaqdhaqaaqa Senussi iyaga oo metalaya magaca Al-Mahdi Al-Senussi, halkaasi oo uu Mukhtaar degganaa deegaanka “Karu” oo ku yaalla galbeedka dalka Suudaan, kaddibna uu Mahdi Sheekh Mukhtaar uu u magacaabay inuu noqdo Sheekh Zawiya.

Tani iyo markii Shekh Mukhtaar uu safarka ku tagay dalkaasi Suudaan waxaa looga yeedhi jiray “Libaaxa lamadegaanka”.  Ka dib dhimashadii Muxammad al-Mahdi al-Senussi, oo ahaa ninkii labaad ee dhaqdhaqaaqa Senussi sannadkii 1902, Cumar al-Mukhtaar wuxuu mar kale ku noqday Cyrenaica, si uu oday ugu magacaabo mar kale magaalada Zawiyat al-Qusour, halkaas oo Cusmaaniyiinta (oo markaa xukumayay Liibiya) ay ku soo dhaweeyeen maamulkiisa gobolka, sida ay ku warrantay wakaaladda wararka ee Anatolia.

Dagaalyahan ka soo horjeeda guumeystaha

Sannado ka hor dagaalkii uu Cumar Mukhtaar la galay Talyaaniga, wuxuu Ingiriiska dagaal uu kula galay deegaanna ku yaalla xadka Masar, sida deegaannada Bardiya, Sallum iyo Musaacid, Dagaalkii Saaluumna wuxuu kula dagaallamay 1908-dii, kaasoo ugu dambeyntiina ku dhammaaday magaalada oo ku dhacday gacanta Ingiriiska.

Sida  kale, Cumar al-Mukhtaar wuxuu ka qaybgalay dagaalladii ka dhax qarxay Senussi iyo Faransiiska ee gobollada Koonfurta Suudaan, waxaana intaa u dheer oo uu Cumar Mukhtaar ka qaybgalay dagaalkii guumeystaha Faransiiska uu ku qabsannayey dalka Chad ee dhacay sannadkii 1900.

Sannadkii 1911-kii Talyaaniga ayaa wuxuu iclaamiyey dagaal ka dhan ah dowladda Cusmaaniyiinta ee ka talisa dalka Liibiya, wuxuuna Talyaanigu uu ciidammadiisa uu ka howlgeliyey gudaha dalka Liibiya, sannadkii 1912-kii Talyaaniga wuxuu ku dhawaqay Liibiya inuu yahay dalka uu Talyaaniga guumeysto.

Cumar al-Mukhtaar oo ay markaa da’diisu ahayd 53 jir wuxuu horkacayey Kooxaha iskacaabbinta guumeystaha ee gudaha Liibiya ka dagaallama oo muddo 20 sanno ah Talyaaniga dagaalka kula jiray, muddadaasi oo jabhadda ay qasaare lixaad leh ku gaadhsiiyeen dagaalladii Senussi iyo Faransiiska ee gobollada Koonfurta Suudaan ilaa iyo dagaalkii Chad ee 1900.

Guumeystiyihii Talyaaniga iyo Kooxaha iskacaabbinta ee guumeysi-diidka uu Cumar Mukhtaar hoggaaminayey iyo ciidammada Talyaaniga waxaa Liibiya ku dhexmaray dagaallo aad u waaweyn oo uu ka mid ahaa dagaalkii weynaa ee labada maalmood socday ee Derna oo dhacay bishii May 1913-kii. Dagaalkaasi oo ku dhammaaday 70 askari oo Talyaani ah oo la dilay iyo 400 (afar boqol) oo kalana lagu dhaawacay iyo dagaalkii Boushamal ee Ceyn-maara ka dhacay bishii Oktober ee 1913-kii. sida oo kale 1914-kii waxaa dhacay dagaallo ay ka mid ahaayeen Shakhnab, Shaldiimah, Zawiitiinah xilligaasi oo uu Cumar Mukhtaar hoggaaminayey dagaalladaasi oo dhan isaga oo isaga goshayey goobaha ay dagaalladu ka socdaan.

Xaaladda ayaa ka sii dartay iyadoo faashiistiyadii ay la wareegeen taladii Talyaaniga bishii Oktoobar 1922-kii, intaas ka dib waxay kordhiyeen howlahoodii millatari ee Liibya.

Xaaladda dalka Liibiya ayaa ka sii dartay kaddib markii ay talada dalka Talyaaniga 1922-kii mar kale faashiistuhu la wareegeen, iyaga oo wixii intaa ka dambeeyey kordhiyey howlagallada ciidan ee ay ka samaynayeen dalka liibiya.

Talyaaniga wuxuu damcay inuu qabsado waddada ay sahayda u soo marto kooxaha kacdoonka wada, wuxuuna qabsaday qayba ka mid ah Jaghboub, balse taa ma hor istaagin kooxaha kacdoonka wada iney weerarradooda sii labajibbaaraan, taasoo ugu dambeyntiina Mussoloni ku kalliftay inuu Badoglio uu u soo magacaabo taliyaha millitariga Talyaaniga ee dalka Liibiya bishii January 1929-kii.

Maxamed Maxamuud Ismaaciil wuxuu ku qoray buuggiisa uu ugu magac daray “Cumar -al-Muktaar Shahiidka Islaamka ee geesiga saxaraha” wuxuu ku sheegay Cumar al-Mukhrtaar fariin uu shacabka Liibiya uu u diray inuu ku sheegay xabbad-joojin, Talyaanigana inuu ka baxa Jaghboub iyo in cafis guud loo fidiyo maxaabiista siyaasadeed, isla markaana la sii daayo.

Hasayeeshee, Talyaaniga ballamihii xabbad-joojinta ma fulinin, waxayna dalbadeen muddo kordhin iyaga oo marmarsiiyo ka dhigtay safarka Badoglio uu Liibiya ku imanayo, waxaana looga daray 10 maalmood ugu dambeyntiina 20 maalmood.

Sheekh Cumar al-Mukhtaar marka uu ogaaday Talyaaniga inuu doonayo inuu wakhti helo, wuxuu kordhiyey dagaalladii uu kula jiray guumeystaha Talyaaniga, kaddibna Mussolini wuxuu Liibiya u magacaabay Jeneral Graziani inuu beddelo Badoglio, ugu dambeyntiina sannadkii 1931-kii Cumar Mukhtaar wuxuu ku dhacay gacanta Talyaaniga iyada oo lagu qabtay degaanka Kufra kaddib markii uu Talyaaniga uu cadaadis xooggan uu saaray Cumar al-Mukhtaar.

“Ma isdhiibeyno ilaa aan guuleysanno ama aan dhimanno”

Taariikhdu markii ay ahayd 11-kii bishi September 1931-kii, Talyaaniga wuxuu ku guuleystay inuu gacanta ku dhigo Cumar al-Mukhtaar. Saddex maalmood kadib, 14-kii September, ayuu taliyihii reer Talyaani Graziani yimid Benghazi, wuxuuna si degdeg ah ugu dhawaaqay qabashada Maxkamadda Gaarka ah bisha Sebtember 15, 1931, shantii fiidnimo ee maalintii loo qabtay maxkamadaynta Cumar al-Mukhtar, waxaa lagu xukumay dil toogasho ah. Subaxnimadii maalinti xigtay dhegaysiga dacwadda Cumar al-Mukhtaar maxkamadda waxay ku xukuntay xukun dil oo daldalaad ah.

Hadalkii caanka ahaa uu Cumar al-Mukhtaar uu madaxdii guumeystaha Talyaaniga markii ay ku dhaheen kacdoonka jooji oo isdhiib uu ku yidhi wuxuu ahaa; “Isma dhiibeyno, ilaa aan guuleysanno ama aan dhimanno”.

Ugu dambeyntiina, sannadkii 1943-kii ayuu guumeystihii Talyaaniga uu ka baxay Talyaaniga oo uu muddada guumeysiga ku haystay.

Xiggasho: BBC