Araweelo News Network

 

 

Kendra Scott waa Haweenay ganacsato ah oo ka macaashtay agabka dumarka ay quruxda u xidhtaan Kendra Scott Seygeeda shaqo ayuu ku maqnaa, xaamilo ayay ahayd Kendra Scott waxayna garwaaqsatay fikrada ah inay samayso lacag iyadoo dhabo ganacsi u sii maraysa.

Waxay jiiftay gurigeeda oo ku yaalla magaalada Austin ee gobolka Texas ee dalka Mareykanka, waxayna la daalaadhacaysay ilmaha caloosheeda ku jiray, Kendra Scott waxay bilawday inay samayso agabka ay haweenka quruxdu u xidhtaan.

Sanadkii 2002-dii Scott waxay jirtay 28 sanno,waxayna haystay lacago ay meel dhigatay oo gaadhaysay 500 oo doolar oo ay ku doonaysay inay ganacsi ku furato si ay dhakhli badan u hesho.

 

Markii ay dhashay, waxay go’aansatay Kendra Scott inay dibadda u baxdo si ay uga ganacsato agabka ay haweenka quruxda u xidhtaan oo uu kamid yihiin dhega-dhegaha.

Scott waxay tidhi  “Markii aan billaabay ganacsigayga, waxaan alaabta  ku ridnayay baakeedo yar yar oo aan la hor istaagayay guri ka guri, maalinkii iigu horreysay waan ka faa’iday”

Maanta shirkad ay leedahay Scott ayaa loogu magac daray iyada oo qiimaha hantideeda lagu qiyaasay in ka badan 1 bilyan oo doolaar, waxaana la sheegay in lacagta ay gooni u leedahay ay gaadhayso 500 milyan oo doolar.

Scott waxay ku dhalatay kuna soo barbaartay gobolka Wisconsin, markii ay jirtay 18 sanno waxay ku biirtay jaamacad ku taalla Texas balse sannad kaddib waxay ka baxday jaamacadda si ay u raacdo wiil ay jeclayd, nolasheeda waxay kusoo ururtay inay ku noolato magaalada Austin ee gobolka Texas ee dalka Mareykanka.

Scott waxay samaysatay ganacsi u gaar ah muddo tobban sanna ah, waxayna samaynaysay Koofiyadaha ay xidhtaan dadka qaliinka dhanka Kansarka maraya, arritani waxaa ku dhiirageliyay nin hooyadeed ay wada joogeen oo la xanuunsanaa cudurka Kansarka, waxayna ugu deeqday Koofiyadaha qaar.

Fikradda ah inay ka ganacsato agabka ay dumarka quruxda u xidhtaan ayaa ku dhashay markii ay aragtay baahida ka jirto suuqa oo intooda badan ahaa waxyaabo aan gini goyn karin halka qaar kalena ay haayeen kuwo raqiis ah oo aan tayo lahayn, si arrintaasi ka duwan waxay bilawday ka ganacsiga alaab tayo leh oo qiimeheedu dhexdhexaad yahay oo haweenku qiimo jaban ay ku heli karaan.

Kendra Scott waxay billaawday inay shaqaalaysiiso dad badan kuwaaso ka caawiyay in xarunteeda ganacsiga ee Austin inay kobacdo in kastoo ay jireen caqabado dhowr ah oo nolosheeda haystay, Waxaa la furay markii ay dhashay  Ilmihii labaad.

Sannadkii 2010-kii ayay laantii ugu horreysay ee ganacsigeeda  ka hergelisay magaalada Austin halkaasoo kayd u noqotay alaabteeda si jumlo ahaan ay ugu daabusho magaalada inteeda kale.

Macaamisha Kendra Scott waxay ugu baaqday inay ka iibsadaan Alaabta ayna xushaan dookhooda , ganacsatada ayaa ku xoomi jiray Dukaankeeda si ay u iibsadaan  Dheg-dhegaha, fargalada iyo waxyabaaha kale ay haweenka ay quruxda u xidhtaan.

Maanta waxay gudaha Mareykanka ku leedahay 80 Bakhaar oo lagu iibiyo dheemaanka nocyadiisa kala duwan, waxayna sidoo kale online-ka ku beecgaysaa wax soo saarkeeda.

Waxaa intaasi dheer in Alaabta ay samayso Scott loo qaado Suuqyada caanka ah Selfridges ee ku yaalla magaalada London.

 

Karen Giberson oo ah madaxa ganacsiga aaladaha teknooloojiyadda Mareykanka ayaa sheegtay in Kendra ay tahay qof ka dhex muuqda xirfadda naqshadaynta.

Giberson waxay intaasi ku dartay in sababta ugu wayn ee ka dambaysay guusha Kendra Scott ay tahay in ganacsigeeda uu yahay mid dhab ah oo naqshaddiisu loo bogay islamarkaasna ay tahay haweeney da’ yar oo dadaal dheeraad usoo gashay howshan.

Waxyaabaha horumarka u horseeday haweeneydan waxaa kamid ah inay macaamisheeda ay qiimo jaban ku siinayso nooca alaabta  ay doonayaan.

Giberson oo ah madaxa ganacsiga aaladaha teknooloojiyadda ayaa sidoo kale sheegtay in howlaha deeqda ah ay bixinayso Kendra Scott ay soo jiiteen macaamisheeda.

Waxayna furtay barnaamij tabbarucaadka qaabilsan oo lagu magacaabo Kendra Cares Program,Sannadkii lasoo dhaafay shirkaddeeda waxay deeq ahaan u bixisay lacago caddaan oo gaaraya 5 milyan oo doolar iyo kummanaan alaab ah oo ay ugu deeqday carruur iyo haween.

Kendra Scott waxay sheegtay in shirkaddeedu ay ka go’antahay sidii ay usii wadi lahayd barnaamijyada gargaarka ah oo ay ku doonayso inay xirfadeeda iyo wax soo saarkeeda ugu deeqdo qoysas badan.

source: BBC somali