haweenay guursatay1India(ANN)Haweenay u dhalatay dalka Hindiyia, ayaa guursatay mid ka mid ah raggii ka soo qaybgalay xafladda arooskeeda, kadib markii ninkii guursan lahaa uu ku soo booday xannuun suuxdimaha oo laga qarinaayey gabadhan, kaasoo keenay inuu miyir doorsoomo, cusbitaalkana loola cararo.
Ninka arooska ah oo la yidhaa Jugal Kishore, ayaa ku guda jiray markii uu miyir doorsoomay tallaabadii ugu dambaysay ee uu guurkiisu ku xidhmi lahaa oo ahaa in lammaanuhu qoorta isu geliyaan ubax amma siliska, iyadoo intii aanu dhammaystirin uu suuxay, kadibna cusbitaalka loo qaaday.
Gabadha aroosada ahayd, ayaa ka cadhootay in aan loo sheegin in ninka guursanaya uu suuxdimo leeyahay, sidaa darteedna mid ka mid qoyska wiilku ka soo jeeday ee arooska ka soo qaybgalay ka codsatay inuu guursado.
Ninka martida ah ee haweenaydu ka dalbatay inuu guursado oo la yidhaaa Harpal Singh. Wuxuu xidhnaa surwaal jiinis ah iyo jaakeed maqaar ka samaysan, waxaannu ogolaaday inuu gabadha guursado, halka Mr. Kishore markii uu soo noqday ee la soo daaweyey ka war helay in laga guursaday gabadhii uu jeclaa sida lagu daabacay wargeyska The Times of india.
Markii uu goobta soo gaadhay Kishore waxa uu baryey Indira oo ahayd haweenayda laga guursaday, isagoo u sheegay in ay bahdilaad ku tahay oo aanu asaxaabtiisa iyo qoyskiisa hor istaagay mar haddii laga qaaday waqti xun gabadhii uu jeclaa ee uu ka suuxay intii uu ku guda jiray tallaabooyinka ugu dambeeyey ee guurkoodu ku xidhmi lahaa.
Haweenayda diidmadii ay ka keentay baryadaas waxa ay sababtay in qoysaskii labada lammaane ka soo kala jeedeen rabshad dhex marto, la iskuna tuuro kuraastii goobta taalay, waxaanay Mr. Kishore iyo qoyskisu aakhirkii dacwad ka gudbiiyaan qoyska haweenayda, inkastoo ay markii dambe ka noqdeen.
“Labada qoys arrintoodii way xaliyeen, dacwadiina waa laga noqday. Kishore iyo qoyskiisu waxay si nabad ah ugu noqdeen magaaladay ka yimaadeen ee Moradabad,” ayuu yidhi Chief RP Solanki oo ah sarkaal dacwdaas loo gudbiyey.
Dhacdadan oo ka dhacday tuulada Rampur oo ka tirsan Gobolka Waqooyi ee Uttar Pradesh ee dalka Hindiya waxay ku dhammaatay in haweenaydii guursato mid ka mid ah martidii ka soo qaybgashay xafladda, ninkii hore u guursan lahaana faramadhnaan ku tego magaaladuu ka yimi.
Araweelo News Network
Somaliland Office
Email info@araweelonews.com
Jaamac132@gmail.com
Twitter: Arraale M Jama @Araweelonews