Lizzie
Texas(ANN)Fool-xumada iyo quruxduba waxay ka mid yihiin abuurta Ilaahay (SWT), iyadoo dhinaca kalena eebbe ku sheegay qur’aanka karriimka ah in bani’aadamku yahay ka loo abuuray sida ugu quruxda badan.
Hasayeeshee, haweenay u dhalatay dalka Maraykanka oo la yidhaa Lizzie Velasquez, ayaa loo aqoonsaday in ay tahay haweenayda adduunka ugu foosha xun, kadib markii ay internet-ka ku baahisay muuqaal 78 daqiiqo socday oo ku saabsan olole ka dhan ah in qof ba qofka uu ka xoog weyn yahay riixo amma jiidho.
Gabadhan oo 25 jir ah, waxa dhakhaatiirtu sheegeen in ay la daris tahay xaalad keenta in qofku hilib yeelan waayo amma xubnaha iyo unugyada jidhku korriin xagga hilibka ah samayn wayaan, taasoo ah abuur Ilaahay oo ku cibro qaadasho mudan.
Gabadhan da’da yar ayaa ka soo jeeda magaalada Austin ee Gobolka Texas, waxaanay kaga qaybashay muqaalkaas bandhig lagu soo bandhigay Austin oo ku saabsan dadka dhibanayaasha u noqda kuwo ka xoog weyn, iyadoo haweenaydan foosha xun isku dayday sannadihii u dambaysay in ay ku qanciso dawladda in ay sameeyaan xeer lagaga soo horjeedo in la is riix riixo amma qofba shakhsiga uu ka itaal roon yahay uu u kas u jiidho.
Sida dhakhaatiirtu sheegeen, waxa haweenaydan Maraykanka ah ku dhalatay xaalada la yidhaa Marfan syndrome amma Lipdystrohpy oo ah xaalad duxda jidhka ku jirtaa aanay si fiican u qaybsamin amma jidhka wada gaadhin, qofkuna uu noqdo mid aad u caato ah.
Gabadhan oo dhererkeedu yahay 5 fuudh iyo 2 iinj dharar ahaan ah, waxa kale oo miisaankeedu yahay 58lbs oo u dhiganta 26kg (4 stones), waxaanay tidhi; “Waxa aan ogahay in xaaladan noloshayda ay daris la noqotay oo aanan miisan heli karin, markii aan arkay in qof kastaaba I soo eegayo, waxa aan u haystay in aan iyaga oo kale ahay, manaan waydiin sababtay sidaa iigu eegayaan anigoo u haystay in ay sidayda yihiin,” ayey tidhi Lizzie.
Muqaalka ay baahisay oo ah ka loogu loogu aqoonsaday in ay tahay haweenayda ugu foosha xun adduunka, isla markaana ay daawadeen ilaa afar milyan oo qof, waxa lagu qoray faallooyin muqaalkeeda wax lagaga sheegay, qaarkoodna lagu aflagaadeeyey qaabka ay u abuuran tahay.
“Waxa ay ahayd goor galab ah, waxa aan go’aansaday in aan raadiyo muusig mareegta muqaalka ee Youtub, waana markii aan helay, xataa maan garanayn sababta aan u doortay inaan eego, waxa aan arkay dad leh, maxay hooyadaa kuu dili wayday bahalyahey, waanan cafiyey qof kasta, waana waxa aan qabto, qofkastana u sheegayo, sheekadaydana cidkasta waan la socodsiinaya,” ayey tidhi iyadoo ka hadlaysa dhibaatada dadka ka qabsata.
Haweenyadan waxay hadda leedahay janel (Channel) Youtube ka mid ah oo 300 kun qof ku xidhan yihiin, waxaanay xustay in ay kalsooni badan nafteeda ka qabto.
News Network
Somaliland Office