numabiakingBoqortooyada Meroitic Sudan amma Nubia waxa xukumi jiray haweenay aad u awood badan oo magaceeda la odhan jiray Kandake (Candace). Maadaama ay ahayd boqorad awood badan waxay aad u kala saari jirtay dagaalyahannadeeda iyo xirfaddeeda siyaasadeed. Haweenaydan oo sidoo kale caan ku ahayd magaca Kandake Amanirenas waxay xukunka boqortooyadaas qabsatay markii saygeedu geeriyooday Boqor Teriqetas oo xukunka boqortooyadaas haystay 4196 (40BC).
Haddaba, Amani waa magaceeda rasmiga ah oo ka soo jeeda Nubian oo asal ahaan ka yimi waxyaabo ay Afrikan caabudi jireen oo loo yaqaan Imana/Amon.

Amanirenas, wiil ay dhasha, amiirkeeda Akinidad, ayaa goor habeenimo ah weerar ku qaaday Masar, waxana haweenaydan lagu yaqaanay hab millateri oo aad u casri ah, waxaannu ninka ciidankeeda u madaxda ah ka soo dagaalamay millateriga Romans, kuwaasoo aad u jeclaa in haweenay madax ka noqoto ciidan millateri ah.
Dagaalkaas oo ay ka qaybqaadatay si xuna u dagaalantay waxay ku wayday mid ka mid ah labadeeda indhood, balse waxay halkaas ku garaacday ciidammadii Yurub ka socday, gaar ahaan waxay degaanka Aswan, Philae iyo Elphantine ku jebisay dagaalyahannadii reer Yurub soo diyaariyeen. Nubian waxay dib ugu noqdeen guryahoodii iyagoo wata maxaabiis iyo bililiqo badan, kaasoo ay ku jiraan alaabooyin uu lahaa boqorkii ciidammada Yurub hoggaaminayey ee August Caesar, taasoo keentay in Roman dib u rogaal celiyaan, kadibna koonfurta Masar qabsadaan, taasina u saamaxdo in ay haddana gacanta ku dhigaan Nubia. Arrintaasi waxay sababtay in ay ciidan millateri oo xoog leh dul dhigaan haweenaydan, tallaabadaasna uu masuul ka noqday inay guuldarraysato.
Kadib Nubian iyo Romans waxay galeen heshiis iyo wada xaajood, iyadoo Kandake u dirtay dhexdhexaadiyayaal boqor August Caesar, markii wada xaajoodkii dhammaaday waxay wada saxeexdeen heshiis dan u noday Nubians-ka.
Roman waxay ku noqdeen degaankoodii, shacabkii Afrikan wax cashuur ah ma ay siin Rome, wixii intaa ka dambeeyna degaankaas wuxuu noqday nabad iyo barwaaqo.
Haweenaydan gashay taariikhda waxay geeriyootay 4226, waxana aakhirkii lagu sharfay in ay tahay haweenayda ugu awoodda badnay Afrika, maadaama ay boqortooyo hoggaamisay, millaterina hoggaanka u qabatay, awood badana u lahaatay in ay dal xukunto, cadawna ka dhiciso, maskax iyo waxyaabo cusub oo rag kari waayeyna u horseeday. Sida lagu daabacay mareegta Africanhistory-histoireafricaine.com.

Araweelo News Network

Somaliland Office
ifo@araweelonews.com
jaamac132@gmail.com