Hoggaan-dhaqameedkii halkuu ka Baxay?

Hiddaha iyo dhaqanka Soomaaliyeed waa tiirarka ugu muhiimsan ee qeexa aqoonsiga, jiritaanka iyo midnimada bulshada Soomaaliyeed. Waa dhaxalka ruuxeed, maaddi iyo maskaxeed ee jiilba jiil u gudbiyo, kaas oo xambaarsan afka, suugaanta, fanka, faanka, hal-abuurka, Diinta, xeerarka iyo hab nololeedka bulshada.

Bulsho kasta waxa ay leedahay hidde iyo dhaqan ay ku caan tahay, kaas oo astaan u ah cidda ay tahay iyo meesha ay ka timi, Ummadda Soomaaliyeedna waxa ay ka mid tahay bulshooyinka Afrikaanka ah ee leh hiddo iyo dhaqan qoto dheer oo qani ah, kuna dhisan hal-adayg, xushmad iyo wada-noolaansho.

Hiddaha maxaa la odhan karaa?:
Hidde waa wixii laga dhaxlo awoowayaashii hore, faa’iido, xigmad, suugaan, af, xeer iyo dhaqaalihii iyo halgankii ay bulshada ku dhiseen. Waxa uu muujiyaa asal, ab iyo isir ee astaanta ummaddaa u sugan oo soo jireen ah, waana kaydka aqooneed iyo tu ruuxeed ee ummaddi leedahay iyo garwaaqsiga cidda uu yahay iyo halka uu ka yimi.

Astaamaha Hiddaha Soomaaliyeed waxa ka mid ah:

1. Afka Soomaaliga, Waa luuqad hodan ah oo leh maahmaahyo, murti, suugaan iyo erayo hodan ku ah suugaan, balaaqad iyo hal-abuur ee dunida ugu qanisan leh magacyo toddobada maalmood ee toddobaadka oo aan cid kale la wadaagin.

Waa astaanta ugu weyn ee mideysa bulshada Soomaaliyeed meel kasta oo ay joogaan.
2. Suugaanta iyo Hal-abuurka kolkaynu jalleecno, Soomaalidu waa ummad gabay, hees iyo murti u dhalatay dhaqan ahaan,taasoo gabayada iyo maahmaahyadu waxa ay u ahaayeen warbaahinta bulshada ee wax lagu ammaano, lagu canaanto, lagu dhiirrigeliyo ama lagu waaniyo.
3. Xeerka Dhaqanka, Xeerka Soomaalidu waa hanti hidde ah oo ku dhisan caddaalad, dhaqan Islaam, mag iyo nabadeyn, waxaana garsoore ka ahaa Xeer-beegti iyo gole nabadeed oo wax kasta si deggan u dhammayn jirey.
4. Diinta iyo Iimaanka waxa ay qayb weyn ka noqotay hiddaha bulshada, dhaqan ahaan, iyada oo dhaqanku aanuu Diinta wax u dhimayn.
5. Taariikh ahaan, ummadda Soomaaliyeed waxa ay leedahay halyeeyo la xasuusto, geesiyaal, halgameyaal iyo suugaan-yahanno facweyn. Waxa kale oo ay leedahay Sheeko-xariirooyin iyo taariikh facweyn oo soo jireen iyo Sooyaal ahayd.
Dhaqanow maxaad tahay ?.
Dhaqan waa hab nololeedka bulshada, sida ay u hadlaan, u labistaan, isu salaamaan, u guursadaan, u ciidaan una cibaadeystaan iyo sida ay u wada noolaadaan.
Haddaba, qaybaha ugu muhiimsan ee Dhaqanka Soomaaliyeed waxa ka mid ah:
1. Labiska iyo Quruxda, ragga iyo dumarka Soomaaliyeed waxa ay leeyihiin dhar dhaqameed u gaar ah oo hidde soojireen ah, quruxda iyo nadaafadda astaamo xushmad iyo sharaf leh,
Cuntooyinka dhaqanka sida canjeelo, cambuulo, hilib iyo Caano xoolaad.
2. Ciyaaraha iyo Fanka, Qoob-ka-ciyaarka jiib iyo jaan ah, heesaha aroosyada, dhaqanka iyo ciyaaraha sida jaan-dheerta, seylici, dhaanto iyo kuwo kateetoo badan orod leh, bootin iyo madadaalo sida shaxda, kooraboodo, shantarad ikm.
3. Guurka dhaqanka Soomaaliyeed waxa uu ku dhisan yahay ama ku dhisnaa xushmad, wada-tashi iyo illaalinta magaca reerka , dhaqanka iyo hiddaha soo-jireenka ah.
4. Martisoorka iyo maamuusku waa astaanta ugu weyn ee dhaqanka Soomaalida; marti waa la sharfaa, waa la sooraa, waxaana loo arkaa nimco dhaqan wadata.
Isbeddelka iyo saamaynta casriga:
Bulshada maanta waxa ay la kulantay isbeddello waaweyn oo ku yimi dhaqanka iyo hiddaha, kuwaas oo ay sababaan:
1. Dhaqamada shisheeye ee lagu daydo, taasoo keentay in laga tago dhaqankii asiiliga ahaa.
2. Tignoolajiyada oo dhalinyaradu ka xiiseeyaan dhaqamada ajnebiga iyo Warbaahinta sida TikTok, YouTube iyo baraha bulshada oo dhalinyaradii ka leexiyey xiisihii suugaanta, hiddaha iyo dhaqanka ay lahaayeen.
3. Reer-magaalnimada iyo Tahriibka oo dad badani ka guureen miyiga dhaqanka iyo hidduhu ku ekaayeen, halkaas oo dhaqanku ku xooganaa, taasoo keentay in dhaqankii meelahaas lagu illaabo ama la yaraystay oo hadda reer miyigii xataa dhafooradii xiiranayaan.
4. Daryeel la’aanta iyo halmaanka ee Jiilasha cusub oo carruur badan aan la barin afkooda hooyo iyo dhaqanka, gaar ahaa qurbajoogta, taas oo khatar ku ah jiritaanka hiddaha iyo dhaqanka,afka hooyo oo daciifa iyo Suugaantii dhaqameed oo iyana luntay.
5. Xinqooqa qabyaaladda ee ka gudubtey qabiilka iyo is-garasho (litacaarafuu) ee dhaqankii Diinta, una guurtey xumaanta iyo xasdiga ka dheereeyey hiddii iyo dhaqankii.

Sidee loo illaalin karaa hiddaha iyo dhaqankeena ?
1. Waxbarashada oo afka iyo suugaanta oo xoojin lagu daro manhajka dugsiyada iyo kan jaamacadaha maaddooyin ku saabsan hiddaha iyo dhaqanka.
2. Warbaahinta lagu xoojiyo barnaamijyo dhaqameed, hiddaha iyo suugaaneed oo lagu dhiirrigeliyo TV-yada, raadiyaha iyo baraha bulshada intaba.
3. abaabulo maalmo dhaqameed iyo bandhigyo suugaaneed, hiddaha iyo dhaqanka oo la qabto tartanno la xidhiidha hiddaha iyo dhaqanka iyo carwooyin lagu soo bandhigo suugaanta, Hal-xidhaaleyaal, riwaayado iyo maansooyin la xidhiidha hiddaha iyo dhaqanba.
4. Qoyska iyo bulshoba, waalidiinta oo carruurta ku barbaariya afka, hiddaha iyo dhaqanka hooyo iyo weliba waddaniyadda.
5. Dowladda iyo Hay’adaha, dhinacooda oo la abuuro guddiyo Qaran oo Hiddaha iyo Dhaqanka illaaliya, kaydiya oo kor u qaadid ku sameeya hirgelintooda.
6. Qabyaaladda iyo xumaanteeda oo laga hadho, loona jeesto hooskii hiddaha iyo dhaqankeena ku sallaysan Diinteena suuban iyo sunnaha Suubane Muxammad (Nnkha), taasoo if iyo Aakhiroba liibaanteenu ku jirto.
Faa’iidooyinka iyo muhiimadda hiddaha iyo dhaqanku leeyahay:
1. Midnimo iyo Aqoonsi kolka la sheegayo, hiddaha iyo dhaqankeenu waa waxa mideeya bulshada Soomaaliyeed meel kasta oo ay joogtoba.
2. Xigmadda iyo Anshaxa kolka lays dul taago, Maahmaahyada iyo suugaantu waxa ay bulshada baraan caddaalad, xishood, kalgacal, islaax, kaftan iyo nabad ku noolaansho.
3. Horumarka iyo Hal-abuurka kolka la eego, dhaqanka wanaagsani waxa uu dhiirrigeliyaa hal-abuur iyo horumar, iyada oo la ilaalinayo asalnimada jiritaan.
Khatarta lagu hayo hiddaha iyo dhaqanka:
• Dhaqan-celis la’aanta iyo ku dayashada dhaqamada shisheeye iyo kuwa gaalada,waa arrin dhab ahaantii dhaawac ku ah hiddaha, dhaqanka iyo aqoonsiga bulshada Soomaaliyeed.
• Aqoonyahannada iyo suugaanleyda aan helin dhiirrigelin iyo taageero midna iyo la’aanta wacyigelinta bulshada ku wajahan hiddaha iyo dhaqanka.
• Dhaqaalaha iyo siyaasadda loo adeegsado siyaabo aan ilaalinayn dhaqanka, hiddaha iyo qiyamka bulshada ayaa ka mid ah caqabadaha ugu waaweyn ee maanta wiiqaya hiddaha iyo dhaqanka Soomaaliyeed.
• Qurbajoogta, gaar ahaan dhalinyarada ku barbaaraysa dalalka shisheeye oo laga dareemayo lumitaanka hiddaha iyo dhaqanka iyo kuwa dalka dhaqamo duwan oo kale u haynsaystay.
* dhaqan-xumada iyo dhibaatooyinka ka dhalata qaadka (daroogada cagaaran) ayaa, iyana, saameysay bulshada Soomaaliyeed, gaar ahaan dhinacyada dhaqanka, hiddaha, caafimaadka, dhaqaalaha, qoyska iyo qaranba.

* dhaqan-xumada waxa keenay oo kale lacagta shisheeye($ dollar) ee Dalka lagu isticmaalayo ee dhaqankii dishey, kalsoonidii iyo dadnimadii, taasoo aan abid, mustacmarad mooyee, la arag dal xor ah oo lacag shisheeye aanu lahayn ku beddeshay toodii.
Waxa aan jecelahay in aan ku soo gunaanado, hiddaha iyo dhaqanku waa laf-dhabarta jiritaanka ummad kasta, waana halka ay ka dhalato wadajirka, is-xushmaynta iyo aqoonsiga, guud ahaan.
Hiddaha iyo dhaqanku waa waayaha nolosha, waa aqoonsiga ummadnimo, ehelnimo, waana xusuusta qaranka ee Ab iyo Isir. Haddii aynaan ilaalin, barin dhallinta oo ku faanin, waxa lumin doona jiilka dambe iyo sooyaalkii dadnimo, magac iyo taariikh ahaanba.
Markaa, waa in aynu garawsannaa in ilaalinta hiddaha iyo dhaqanka Soomaaliyeed ay tahay muqadas, mas’uuliyad qaran iyo tu diineedba.


Sidaas darteed, waa waajib Diineed, dhaqan iyo qaranba in la ilaaliyo, la barto, loona gudbiyo carruurta iyo jiilasha dambe, midna ha la ogaado, Ummad aan hiddeheeda iyo dhaqankeeda ilaalin waxa ay la mid tahay, geed aan xidid lahayn oo dabayluhu ay lulayaan, ummad jirtana ma ahaato, ummad-u-yaal uun dheh.
Haddii aynu nahay ummadda Soomaaliyeed, waxa lama huraan ah in aynu illaashanno oo dhawrano Hiddaha iyo dhaqankeena qaaliya ah, sida qawmiyad kastaaba ay u dhawrato oo ugu dhaqanto.
Maanta dhallinyaradii waxa aad moodaa in ay ka faanayaan hiddihii iyo dhaqankoodii ay lahaayeen oo waxa aynu aragnaa dhaqan-xumo xiirasho oo gaal ku dayasho ah, gabdhihii oo qaawan dharna gashan, madax-dhaqaneedkii oo aan war u hayn oo siyaasad raacday, culimadii oo wacdigii iyo waciidkii ka tegey iyo cid dhaqanka ku soo hagta dhallintii oo ku soo celisa aan hadda la haynin, taas oo keeni doonta in laga hadaafo dhaqankii, hiddihiina lays weydiiyo.
Inta ay goori goor tahay, ha lagu tashado, shicib iyo xukuumadba, in dhaqankii iyo hiddaba la dabaqabateeyo oo dhallinyarada lagu soo dabaalo, siyaasadna loo lahaado ololaha noolaynta hiddaha iyo dhaqanka, af-Soomaaligii la qorayna, wax badan baa ka dhinnaaye, dib loo habeeyo oo loo dhammaystiro waxa ka dhiman.


Yaa u maqan, yaa ka dhamqanaya oo u dhamqanaya hiddihii iyo dhaqankii oo dabargo’aaya, ku darsadoo midna ogaada “ cidna uma maqna, ceelna uma qodna ”, yaase lagu hallaynayaa, hiddihii iyo dhaqanku yaanuu innaga cidhib-tirmin. Mas’uuliyadana badi xukuumadda ayaa leh iyo hirgelinteeda.
Adduunka waa ay adag tahay in laga helo qawmiyado isku Diin, af, diir, dhaqan iyo hidde wadaaga iyo magac guud, ee dhug ha loo yeesho, waxa ay ka mid tahay nimcooyinka Eebbe swt innag
u mannaystay, al-xamdulillaah.

Halkan ka milicso kiliibhan, barnaamijj xus-dhaqameed lagu soo noolaynayo hiddaha iyo dhaqanka Soomaaliyeed, Fadlan guji:

Haddaba, bal aynu ka fiirsanno waxyaabaha aynu hidde iyo dhaqan u lahayn ee muuqaalkooda iyo magacyadooda barnaamijkaa lagu soo bandhigay, waa ay yar yihiin inta garanaysaa badi agabka iyo waxyaabaha kaleba magac , muuq iyo manfacba.
Heestan hiddaha iyo dhaqanka, haddana, mar labaad aan dhegeysanno oo ka faa’iideysano wax badan baa innooga kordhiye:-

Alle swt, ayaa Mahad iska Leh,

Prof. M. J. Rooble.
– Mujaahidka –