parisParis(ANN)Dalka Faransiiska oo qarniyo badan la dagaalamayey in aanay luuqadeedu lumin, aadna u necbaa in shacabkiisu ku hadlo luuqaddo ajenebi ka ah, ayaa hadda qorshaynaya in hoggaamiyayashoodu bartaan luuqadda Ingiriisiga. Hoggaamiyayaasha mustaqbalka Faransiiska, ayaa qasab lagaga dhigaya in ay si fiican u bartaan Ingiriisiga, inkastoo shirarka la isugu yimaado aanay luuqada Ingiriisiga ku hadlan masuuliyiinta qarankaas. Dugsiga Qaranka ee Maamulka Dawladnimada lagu barto ee ENa oo ku yaal magaalada Strasbourgh ee dalka Faransiiska, soona saara dadka dawladda ka shaqeeya ee madaxda noqda inta badan, ayaa hadda ardaydiisa qasab kaga dhigay in sannadka 2018 wixii ka dambeeya Ingiriisigu qasab tahay barashadiisu. Afhayeen u hadlay dugsigan, ayaa sheegtay in Ingiriisiga oo si fiican loogu hadlo ay daruuri u tahay dawladaha casriga ah, ardayduna ay si fiican u bartaan, arrintana waxay ka hor imanaysaa go’aan uu Madaxweynihii hare ee Faransiiska Jacques Chirac soo saaray sannadkii 2006 oo uu ku sheegay inuu joojinayo Luuqadda Ingiriisiga oo dalkiisa ku faaftay, gaar ahaan in shirarka caalamiga ah ee la isugu yimaad aanay kaga hadli karin. “Waxaannu u dagaalamaynaa luuqadayada. Waan argagaxay in aan arko ganacsade Faransiis ah oo laf ahaantiisu Ingiriis noqday, mustaqbalka adduun sal ugama dhigi karto luuqad kaliya, dhaqan kaliya, waana arrin hoos u dhac ah,” ayuu yidhi Mr. Chirac oo laf ahaantiisu ka qallin-jebiyey dugsiga ENA ee hadda soo saaray go’aankan luuqadda Ingiriisiga lagu xoojinayo. Agaasimaha Dugsiga ENA, Mr. Nathalie Loiseau, ayaa sheegtay in arrintan wax-ka-beddelka lagu sameeyey lagu jebinayo taariikh hore, iyadoo ku dooday in Faransiisku noqday meel qaddiimi ah oo kelmadahooduna yihiin qaar dhaqan ku salayan oo gaboobay. Araweelo News Network Somaliland Office Email info@araweelonews.com Jaamac132@gmail.com