oldmatherIndia(ANN)Hooyada ugu da’da weyn caalamka oo u dhalatay dalka Hindiya, taasoo 70 jirkeedii ku dhashay laba mataanno, ayaa sheegtay in ay aad u dhib badan tahay in 76 jir lagu koriyo ubad, isla markaana ay dareen farxad leh u samaynayso in da’daas ay ubad ku dhasho.
Haweenaydan 76 jirka ah oo odaygeeduna 89 jir yahay, ayaa hore u lahaa laba hablood oo ta u weyni 50 jir tahay, isla markaana dhalay shan ubad ah, waxaanay mataanahoodan u dhasheen sannadkii 2008, inkastoo mid ka mid ah mataanahan oo gabadh ahaa geeriyootay markay afar jir ahayd, halka wiilka oo lix jir ah hadda uu dhigtu dugsiga hoose.
Hooyadan waayeelka ah oo la yidhaa Omkari Singh oo loo aqoonsaday hooyada ugu da’da weyn, ayaa tilmaantay in wiilkeedu dugsiga dhigto, dhibna ay kala mudato marka ay u labisayso amma cuntada siinayso, maadama uu ka cararo, orad ahaana aanay ku gaadhayn.
76 jirkan oo mataanaheeda ku dhashay magaalada Uttar Pradesh oo ku yaal Waqooyiga Hindiya, ayaa warbaahinta caalamka soo jiidatay, kadib markay da’da ku dhashay ubadkaas mataanaha ah ee Ilaahay mid ka mid ah ka ooftay.
“Dad badan baa I waydiiya in wiilkan uu yahay mid aan ayeeyo u ahay, balse waxaan u sheega inuu yahay wiil aan anigu dhalay, aad baan ugu faraxsanahay in aan hooyo u noqdo ilmo lix jir ah anigoo da’dan ah, waana dareen aanan cabiri karin. Ma awooddo in aan u maydho, dhibaataana iga haysata marka aad u lebisaayo, sababtoo ah in la daba ordo aad bay iigu adag tahay,” ayey tidhi hooyadan.
Dadka degaanka ay ku nool yihiin la degen, ayaa qaar ka mid ah ku eedeeyaan in iyagoo da’dan jira ay ubad dhaleen, maadaama ay u arkaayeen in ay ahaayeen dad aad u waayeel ah.
Hooyadan waxay sheegtay in ay aad ugu ducaysan jirtay in ay dhasho wiil, maadaama ay waayeel yihiin waxay u baahnaayeen qof ka dhaxla gurigooda oo hadda rahan ku jira, maadama ay yihiin qoys sabool ah oo u baahan cunto ay quutaan iyo lacag ay nolol malameedkooda ku dabaraan waxaanay tidhi; “Waxaan u malaynaayey haddii aan dhalo wiil in aan la mid noqon doono hooyooyinka kale, sababtoo ah wiil la’aan noloshaydu waxba may noqoteen, sababtoo ah waxa fikir igu hayey qofka gurigan yeelan doona, kamaan wlwelin markii gabadhii la mataana ahayd geeriyootay. Wiilkayga waan daryeeli doona, waxaanan rajayna inuu si dhakhso leh u guurssan doono, aniga iyo aabbihiina aanu xafladiisa arooska joogi doono.”

Araweelo News Network

Somaliland Office

info@araweelonews.com

jaamac132@gmail.com