Araweelo News Network

libaaxWaxa ay maqashay cod iyo qaylo. Waa beer wax dhalaye, markiiba waxa maskaxdeeda ku soo dhacay wiilkeeda oo 5 jir ah oo aan ag joogin. Markay cabbaar carartay ayey aragtay arrin ay ka argagaxdo. Waa libaax nooca buuraha ku nool ah (Mountain Lion) oo madaxa haysta wiilkeedii yaraa.
Hooyadan oo ku dhalatay magaalada Colorado ee dalka Maraykanka, cabsi ma ay gelin, mana cararin ee waxay ku boodday libaaxa, iyadoo afkiisa kala qabatay, kana soo saartay madaxa ilmaheeda oo uu afka wada geliyey. Xarbi iyo dagaal ay la gashay oo dhaawacyo ka soo gaadheen waxay ku guulaysatay in ay ilmaheeda ay ka badbaadiso afka libaaxa.
“Waxa ay awood u heshay in ay afka libaaxa kala qaaddo. Waa halyeyad.” Sidaa waxa yidhi Micheal Buglione oo ah ku-xigeenka booliiska degaanka Pitkin County, dalka Maraykanka ee uu ka dhacay falkan naxdinta leh.
Ilmaha yar waxa dhaawacyo ka gaadheen madaxa, wejiga iyo luqunta ah, waxana loola cararay cusbitaalka, halka hooyadiina xagtimo iyo qaniinyooyin libaaxu u geystay intii dagaalku dhexmarayey, isla markaana ku hawlanayd badbaadinta wiilkeeda yar.
Weerarka libaaxu ku qaaday ilmaha yar, ayaa dhacay fiidnimada Jimcihii la soo dhaafay, kadib markii wiilkan yar iyo walaalkii oo ka weyn gurigooda dibadiisa u ciyaar tageen. Nasiib-darro waxa ku soo booday libaax noocaha buuraha ku nool, kana mid ah xayawaanka ugu khatarsan, kaasoo markiiba afka gashaday madaxa ilmaha yar, balse hooyadii aragtay wiilkeeda oo xarbiyaya, iyadoo ku guulasatay inay wiilkeeda ka soo sarto afka libaaxa dad-qaadka ah.
“Wiilka yar sida uu u dhan yahay madaxiisu waxa uu ku jiray libaaxa afkiisa,” ayuu yidhi sarkaalka booliska ah oo la hadlay wargeyska The Aspen Times oo Jamhuuriya soo xigtay, waxaannu intaa ku daray in hooyadu geesinimo muujisay oo ilmaheeda kala soo baxday afka libaaxa.
Aabbaha qoyskan oo qaylada maqlay ayaa dib ugu soo noqday guriga, isagoo gaadhigiisa wata, waxaannu ula cararay qoyskiisa dhakhtarka ugu dhaw ee degaanka Aspen, halka wiilka markiiba loo gudbiyey cusbitaalka carruurta ee Denver, kuwaasoo ka gaabsaday in ay xaaladiisa faahfaahin ka bixiyaan, balse hooyadu ay dhaawacyo fudud oo lugaha ah qabto oo ah xagtin iyo qanniinyooyin soo gaadhay.
Nasiib wanaag, libaaxa wiilka yar cunay ayaa ahaa mid yar oo aan si fiican u korin, taasina ay u saamaxday hooyada in ay ilmaheeda iyo nafteedaba badbaadiso.
Intii aan dhacdadan dhicin dhawr saacadood uun ka hor ayaa ciidammada duur-joogtu dileen laba libaax buureed, kadib markii ay weerareen dad, waxaana lagu guda jiraa in baadhitaan lagu sameeyo in gaajo amma cudur u geeyey arrintan.
Sida ay sheegeen ciidammada ilaalada kaymaha, libaaxyada buuraha oo tiradooda lagu qiyaasay 4,500 (afar kun iyo shan boqol), ayaa ku nool degaanka magaalada Colorado ee dalka Maraykanka, kuwaasoo mararka qaar cunto u doonta tuulooyooyinka u dhow, iyadoo laga soo bilaabo 1990 libaax buureedyadan ay dileen saddex qof, halka 18 kalena dhaawaceen.