Mulkiilaha Facebook
Ninka dhallinyarada ah ee aasaasay shirkadda Facebook oo ka mid ah baraha hadda bulshadu ku kulanto kuwa ugu isticmaalka badan, ayaa toddobaadkii shaqeeya 45 saacadood, isagoo maalintiina xafiiskiisa joogto ku ah 9 ilaa 10 saacadood.
Mr. Mark Zuckerberg oo ah Madaxa Shirkadda Facebook oo hanta ahaan haysta $33.4 bilyan oo dollar, ayaa la ogaaday in ay tahay goobta ugu fiican ee laga shaqeeyo waqtiga dunida horumarta.
Nin ka mid ah shaqaalaha shirkadda Facebook oo la yidhaa Lee Byron oo shirkadda ilaa 2008 shaqooyin kala duwan u soo qabtay, waqtigana ka ag shaqeeya madaxa shirkadda Zuckerberg amma xarunta looga taliyo Facebook, ayaa sheegay in ninkan aasaasay bartan uu shaqeeyo saacado la mid ah inta shaqaalihsiiu hawlgalaan.
“Inta badan wuxuu yimaada goor hore oo xataa aniga wuu iga horreeya ilaa inta cashada laga gaadhaayana wuu shaqeeya, waxaan odhan karaa xafiiska waxa uu jooga 9-10 saacadood maalin kasta, waxaannu toddobaadkii shaqeeya sida caadiga ah 5 maalmood oo xidhiidh ah,” ayuu yidhi Byron.
In aad shaqayso toddobaadkii 45 ilaa 50 saacadood maha arrin aad u xun, gaar ahaan qofka ugu sarreeya (CEO) shirkad tiknoolaji ah oo qiimahay ku fadhiyaa uu yahay $200 bilyan.
Waxa uu sheegay Bryon in mulkiilaha amma ninka ugu sarreeya shirkadda Facebook uu toddobaadka dhammaadkiisa shaqeeyo, iyaga oo aan shaqaaluhu joogin oo uu baadho in ay jiraan mashaariic cusub oo uu soo krodhin karo.
“Waxaan odhan kara waa arrin aad u cajiib ah in aad ag joogto qof si caadi ah u shaqaysanaya oo miis dadka caadiga ah ku fadhiistaan la fadhiisanaya. Shaqadiisa waxa uu u qabta si dhab ah oo aan ahayn nin ganacsade oo kale ah amma hoggaamiye. Waxa uu ilaaliya dhaqanka shirkada iyo wax kasta oo uu ku caawin karo shaqaalahaba,” ayuu yidhi ninkan ka ag dhaw Aasaasaha Facebook.
Araweelo News Network
Somaliland Office
Email info@araweelonews.com
Jaamac132@gmail.com