Araweelo News Network

xuruuftacarabigaLondon(ANN)Barashada luqadda Carabiga ayaa noqotay fure qofku uu ku heli karo shaqo aad u mushahar sarraysa gudaha dalka Ingiriiska, taasoo muujinaysa sida afka Carabigu safka hore kaga jirto luqaddaha ugu isticmaalka badan caalamka.
Sida laga ogaaday mishiinka shaqo doonashada ee Adzuna (Job Search Engine) waxa ay Luqada Carabigu noqotay luqadaha ugu fiican ee dadka yaqaan mushaharka aadka u badan qaato.
Shirkadadn Ingiriiska ah oo baadhitaan ku samaysay in ka badan hal milyan oo shaqo si ay u ogaato luqadda loogu raadiska badan yahay inta badan loo shaqeeyayaashu shardiga kaga dhigaan inuu qofku noqdo, waxana soo baxday in sagaal af yihiin kuwa ugu mushaharka wanaagsan dalka Ingiriiska, iyadoo Carabigu kaalinta labaad galay.
Dadka sida fiican ugu hadla Carabiga iyo Ingiriisiga waxa ay inta badan tartan u galaan, kuna guulaystaan shaqooyin aad u heer sarreeya, waxaanay daraasaddan lagu ogaaday in ay ka mushahar badan qofka ku hadla luqadda Ingiriiska oo qudha.
Luqadda ugu horraysa ee dalka Ingiriiska aadka loogu baahda waa Jarmalka, sida mishiinka shaqo raadiska ee Adzuna daraasaddiisa u ogaaday. Mushaharka loo soo bandhigo qofka Ingiriisiga iyo Jarmalka ku hadla ee boqortooyada Ingiriiska jooga waxa uu dhan yahay 34,534 Giniga Ingiriiska sannadkii, taasoo u dhiganta $45,000 doollar. Celcelis ahaan mushaharka ugu sarreeya dalka Ingiriiska hadda waa 27,478 giniga oo u dhiganta $35, 760 doollar ka hor inta aan laga jarin cashuurta iyo waajibaadyada kale.
Luqadda Carabiga oo noqotay kaalinta labaad, waxana ku xiga Faransiiska iyo Isbaanishka (French and Spanish), sida warbixinta daraasaddu iftiimisay. Celcelis ahaan mushaharka uu qaato qofka Carabiga iyo Ingiriisiga ku hadlaa waa 34, 122 giniga Ingiriiska ah sannadkii ($44,500).
Waxa daraasaddu sheegtay in 1,113 (kun, boqol iyo saddex toban) shaqo looga baahan yahay Ingiriiska, shardina ay u tahay in qofku Carabiga iyo Ingiriisiga si fiican u yaqaanno.
Luqadda afraad ee Ingiriiska aad looga jecel yahay waa Dhaj (Dutch), Isbaanishku
(Spanish) kaalinta shanaad, Jabbaan (Japan) waa kaalinta lixaad, Ruushku waa toddobaad, Talyaanigu waa siddeedaad, halka Shiinuhu (Chinese Mandarin) kaalinta sagalaad gashay.