john jihadi2Qormadii Sadexaad Turjumaddii: Ibraahim Khadar Siciid

Aabbaha dhalay oo 51 jir ah ayaa booliska u sheegay in ay khaldameen oo uu wiilkiisa ku ogyahay dalka Turkiga oo uu halkaas ka caawinayo qaxoontiga Suuriya, iyagoo qoyskoodu diiday inuu yahay ninka ISIS dilka amma gawraca u qaabilsan.
Geesta kale, laba ka mid ah dhakhaatiirta tababarka u jiray ee Ingiriiska, ayaa sheegay in Jihadi John mar ay Suuriya kula kulmeen uu ahaa nin ay ka muuqato cabsi la’aan oo aan ka baqayn xataa inuu geeriyoodo, dagaalna diyaar u ah, taasoo ku noqotay wax mucjiso ah.
Dhakhaatiirtan oo si gaar ah ula hadlay ITV ayaa sheegay in aanu guursan, cidna aanu jeclayn, sababtoo ah xaalada uu ku sugnaa oo ahayd mid aan naxariis laga ogolan, mid ka mid ahna wuxuu yidhi; “Wuxuu u eekaa qof aan waxba ka baqayn, waxaannu dadka uu la kulmo u muujinayey naxariis-darro, noloshiisa xataa dan kamuu lahayn oo inuu geeriyoodaba kamuu cabsanayn.”
Waxa kale oo ay sheegeen inuu u eekaa nin hanti badan haysta, qalabka uu sito oo dhana ay ahaayeen qaar aad u qaali, xataa qoryaha uu sitay ay ahaayeen qaar aad u cajiiba oo ay aad u adag tahay in dunida laga helo.
“Markii aan xusay magaca UK ee aan u sheegay, wejigiisa cadho aanad malaysan karin ayaa ka soo muuqatay, wax dan ah kamuu lahayn inuu noqdo, sheegtana inuu Ingiriis yahay, waxaannu sheeganayey Kuwayti iyo Yemeni, magaca Jihadka looga yaqaanana wuxuu ahaa Abu Muharib Al Yemeni, marka aad waydiiso ma Ingiriis baa tahay, wuxuu kugu jawaabayey; “Waqti dheer baan halkaas ku noolaa,” ayuu yidhi mid ka mid ah dhakhaatiirta Ingiriiska ah ee la kulmay ninkan la yidhaah Jihadi John.
Il-wareedyo laga helay xubno Jihadi John kula kulmay dalka Suuriya, ayaa telefiishanka Channel 4 News u sheegay inuu ka mid ahaa kooxdii ugu horraysay ee London ka timaad ee u safarta Suuriya si ay ula dagaal galaan Daacish, waxaannu qofkaas rumaysnaa inuu ka mid yahay 700 dagaalyahan oo ajnebi ah, lana baxay Katiba Al-Muhajireen (Dagaalyahannadii ajnebiga ahaa) ka mid ahaa oo saddex sanno ka hor bariga dhexe gaadhay.
Cidda loo aaneeyo in ay Jidka Xag-jirnimada u Tilmaantay Jihadi John
Sheekha la yidhaa Al Berjaw ee lagu dilay saddex sanno ka hor dalka Soomaaliya, ayaa la sheegay inuu ahaa xoogga ka dambeeya inuu 26 jirkan amma Mohamed Emwazi ka dhigo inoo doorto jihaadnimada, kadib markii uu ka faa’iidaystay cadhada ku duugan ee hay’adaha ammaanka Ingiriisku ku keeneen, iyadoo sida sirdoonka UK ku doodeen ay taasi sabab tahay inuu ku biiro ISIS, noqdona nin gawraca qaabilsan.
Dadka ka ag dhawaa Jihadi John, lana degeenaa gableedka London waxa ay sheegeen in ay ka war heleen sirdoonku in 6 ilaa 5 sanno ka hor mar wada xidhiidheen Sheekh la odhan jiray Al Berjawi oo inta badan Afrika iyo Ingiriiska iskaga kala gudbi jiray.
Bilaal Al Berjawi oo ah shakhsiga loo aanaynayo inuu xag-jirka ka dhigay Jihadi John waxa saddex sanno ka hor lagu dilay Soomaaliya, gaar ahaan waxa lagu duqeeyey diyaarad ah nooca bilaa duuliyaha ah, sababta loo dilayna waxa lagu eedaynayey inuu ahaa shakhsiga furaha u ah Al-aacidada Bariga Afrika hawlgalada ay fuliyaan.
Asal ahaan wuxuu ka soo jeeday dalka Lubnaan, waxaannu sannadkii 2006-kii Al Berjawi ku biiray kooxda Al-shabaab ee dalka Soomaaliya ka dagaalanta, kadib wuxuu ku laabtay dalka Ingiriiska sannadkii 2007 si uu halkaas dhaqaale uga soo ururiyo, muddo laba sanno ah ka dib oo ku beegnayd bishii February 2009 ayuu dib uga baxay Ingiriiska, isagoo la socda nin ay saaxiib aad isugu dhaw yihiin oo la yidhaa Maxamed Sakr oo asal ahaan Masaari ah, waxaanay safar ku galeen dalka Kenya, iyagoo qoysaskooda u sheegay in ay dalxiis u baxayaan, waana sidii Ingiriisku kaga shakiyeen markii Emwazi ama Jihadi John uu dalka Tansaaniya tegay sannadkii 2009.
Ninka la yidhaah Berjawi iyo saaxiibkii waxa ka shakiyey ninkii maamulaha ka ahaa hudheelka ay ku degeen oo magaalada Mombasa ku yeelay, markii ay u guureen magaalada Nairobi ee ay xaalka ka war heleen, balse waxa soo weeraray goobtii ay degenaayeen ciidammada booliska, halkaasoo laga helay kombuyuutar laptop ah oo ay ku jiraan muqaalo iyo qoraalo lagu dhiirgelinayey jihaadka iyo waliba sida gawaadhida bambooyinka loogu rakibo, la isuna qarixiyo.
Sheekhan Berjawi waxa uu magaalada London ku guursatay gabadh Soomaaliyad ah markay taariikhdu ahayd October 2009, iyagoo si wada jir ah u go’aansaday in ay dalka ka baxaan, waxaanay baxeen iyagoo aan midkoodna qoyskooda u sheegin halka ay tegeyaan iyo in ay baxayaan toona.
Sirdoonka Ingiriiska, ayaa muddo dheer ku raad-joogay gabadha uu guursaday sheekh Berjawi iyo saaxiibkiiba, waxaana lagu eedeeyey in ay tegeen dalka Uganda si ay ugu qorsheeyaan in ay weeraro argagixiso halkaas ka fuliyaan, waxaana lagu tuhmaa in ay ka dambeeyeen qaraxyadii ka dhacay magaalada Kampala ee dalka Ugandha bishii Julay 2011 kii ee lagu dilay 74 qof.
Sheekh Berjawi oo ka mid ahaa xubnaha Bariga Afrika ugu sarreeya Al-qaacida iyo waliba Al-shabaab, waxa kale oo lagu yaqaanay inuu ka mid ahaa dagaalyahannada ugu geesisan, kaasoo si gaar ah masuul uga ahaa ilaalinta hubka iyo waliba inuu korka kala socdo dagaalyahannada ajnebiga ah.
Sida lagu ogaaday warbixinno kala duwan, shaqsiyaadka aad u tabobaray sheekh Berjawi waxa ka mid ahaa laba nin oo Al-qaacidada Bariga Afrika millaterigooda ka mid ahaa, waliba aad u tababarnaa, kuwaasoo la kala odhan jiray Fazul Cabdullah Maxamed iyo Saleh Ali Saleh Nabhan oo markii Ingiriisku u taag waayey basaboorka dhalashada kala noqday, aakhikiina lagu dilay weeraro duqaynood oo si kala gooni ah loogu qaaday sannadkii 2012.
Sidaa darteed, shakhsiga aadka loogu aanaynayo inuu ka dambeeyey xag-jirnimada iyo jihad-dooninada ninkan kooxda ISIS ama Daacish u qaabilsan dhinaca gawrica ee aadka ay uga cadhoodaan waddamada reer galbeedka, gaar ahaan Maraykanka iyo Faransiiska amma meelo badan oo Eeshiya ka mid ah oo uu muwaaddiniintooda dhegta dhiigga u daray waa sheekh Berjawi oo aan hadda dunida ku noolayn, balse waxa uu Jihadi John tirsanayaa uur-ku-taalo iyo arami badan oo uu kala kulmay sirdoonka Ingiriiska, iyadoo sababta qudha ee loo bartilmaameedsaday ahayd diinta islaamka ee uu haysto, sababtoo ah xataa qoyskooda waxa dhibaato lagu soo mariyey dalka Kuwayt oo aabbhii oo askarta ka mid ahaa loo diiday inuu shaqada ku noqdo, kadib markii uu ka tegay.
Jihadi John waxa uu yahay shaqsiga xilligan loogu raadinta ama doon-doonka badan yahay adduunka, iyadoo dalalka Maraykan iyo Ingiriis doonayaan siday u dili lahaayeen, waxaanay ku kharash garanayaan hubkooda ka ugu qaalisan sida ay u dileen Sheekh Berjawi, hoggaamiyaal Al-Shabaab ka tirsan iyo waliba Osama Bin Laden oo ahaa shakhsi ay geeridiisa hanti aad u badan ku lumiyeen…. Dhammaad…
Araweelo News Network
Somaliland Office
Email info@araweelonews.com
Jaamac132@gmail.com
Twitter: Arraale M Jama @Araweelonews