Hargeysa(ANN)-jilaaga caanka ah ee u dhashay  Dalka Britain,  Idiris Elba oo 46 jir ah, ayaa guursaday gabadh Soomaaliyeed.

Gabadha Soomaaliyeed oo magaceedu yahay, Saabriin Dhawre, taas oo  29 jir ah,  isla markaana marka laga yimaado in ay asal ahaan kasoo jeedo Soomaaliya, haysata  dhalashada  dalka Maraykanka, ku barbaartay waqooyiga Ameerika. Idris Elba-na waa u dhashay dalka Britain.

Jilaaga Idiris iyo Sabrina Dhawre ayaa arooskoodu dhacay maalin ka hor Huteelka Mandarian Hotel oo ku yaalla dalka Morocco.

Xafladda arooska marka ay dhaceysay, Sabrina Dhawre waxay soo xidhatay  dhar cad oo qoorta ka go’an oo ay caruusadahu xidhtaan, Seygeedana wuxuu ku soo labbistay suudh madoow,  shaar cad iyo taay madow isaga oo aad u dhoolla caddeynaya ayuuna ka qayb galay xafladdiisa arooska.

Xafladdooda arooska oo soconeysa seddex maalmood waxaa ka soo qayb galay saaxibbada iyo ehelada caruuska iyo caruusadda, xafladda arooska habeenka ka horreyeyna waxaa dhacday casha sharaf lagu qabtay Amanjena oo qayb ka ahayd xafladda arooskooda.

Maalinti shalayna wuxuu arooskooda ka dhacay Mandarin Oriental oo looga diyaariyey xaflad aaroos oo aad loo soo agaasimay, Iyada oo meherkoodu  hore u dhacay sanadki 2018-kii, isla markaana 26-ka April ee sanadkaasina ku iclaamiyey huteelka Ksar Char Bagh ee ku yaalla Marrakesh inay isguursanayaan.

Gabadha Soomaaliyeed ee Saabriin waa jilaa, waxayna sidoo  ka mid tahay Haweenka dhanka  xayeysiinta dharka. Waxayna 2014-kii  ku guulaysatay tartanka quruxda gobolka Vancouver ee dalka Canada. Sida ay baahisay BBC-da oo aanu kasoo xigay shaacinta Arooska.