John Kerry somaliaWarbixin: Carraale M. Jama Freelance Journalist and Human Rights activist.
Mogadishu(ANN)Xoghayaha Arrimaha Dibadda Maraykanka John Kerry oo magaalada Muqdisho ee dagaalada aafeeyeen si lama filaan ah u booqasho taariikhi ah ku teggey shalay 5 May 2015, ayaa booqashadiisu dhalisay su’aalo iyo muuqaalo siyaasadeed oo kala duwan.

John Kerry, wuxuu booqashada aan hore loo shaacin ee Muqdisho qadar kooban oo saacado ah kula yeeshay hoggaamiyayaasha Soomaalida Garoonka Aadan Cadde, waxaana madaxda Somalia Madaxweyne Xasan Sheekh, Madaxda Maamul Goboleedyada Puntland, Kismaayo iyo Koonfur Galbeed ku weheliyay kulanaka Mr. Nicholas Kay oo ah Ergayga gaarka ah ee Qaramada Midoobay u qaabilsan Somalia iyo Saraakiisha Taliska Ciidanka Midowga Afrika ee Amisom.
Mr. Kerry, wuxuu Madaxda Somalia kala hadlay qorshaha beesha Caalamka ee Higsiga 2016, la dagaalanka Al-shabaab, dib u eegista iyo qabyo-tirka Dastuurka Federaalka, Ciidamada la doonayo in la sameeyo ee shirkii Garoowe lagu heshiiyay, arrimaha maalgashiga, dhamaystirka shuruucda doorashooyinka iyo arrimo kale sida Qoxootiga Yemen iyo arrimo kale oo ka mid ah qorshaha mala awaalka beesha Caalamka ee mustaqbalka Somalia.
Inkasta oo booqashada Mr. Kerry ee muqdisho ka dhigayso masuulkii uu horeeyay ee Xoghaye Arrimo dibaddeed ee Somalia booqda, wixii ka danbeeyay Booqashadii Madaxweyne Bush January 1, 1993-dii, isla markaana ay ahayd Booqasho Taariikhi ah oo fursad u ahayd madaxda iyo hoggaamiyayaasha Soomaalida, balse waxa soo baxay in natiijadeedu noqotay mid rajo la’aan ah oo Mr Kerry. sawir dhab ah ka qaatay Hoggaamiyaayasha Soomaalida ee uu la kulamay, kuwaas oo gebi ahaanba isku dhex yaacsanaa, isla markaana lumiyay nidaamka iyo Biritikoolka qaabkii ay u qaabileen Mr. Kerry iyo wefdigiisa.

Xoghayahay Arrimaha Dibadda Maraykanku, wuxuu sheegay in macluumaadka iyo wararka uu ka hayay Muqdisho, ay ahaayeen kuwo hadda u muuqda sidii wax usoo gaadhayeen, waxayna weedha dublamaasiyaadeed ee Mr. Kerry muujisay in Maraykanku Somalia weli u arko halis weyn oo aan rajo laga qabin mustaqbalka dhow. Sidoo kale amaanka halista ah ee aan waxba iska beddelin oo uu maanka ku hayay ka sokow waxa layaab ku noqday muuqaalka uu ka arkay Madaxda Somalia ee uu la kulmay oo u muuqday mid uu ka mooraal jabay markii uu arkay qaabkii ay u dhaqamayeen oo ahaa kala danbayn la’aan iyo in aanay nidaam iyo kala danbayn jirin ee mid walba doonayo inuu isaga dhegeysto, iyagoo ku mashquulay inay isku sawiraan oo mid walba qoraal uu hoosta ku sitay u gudbiyay, isla markaana damcay inuu hadal u gudbiyo Xoghayaha Maraykanka.

Marka la eego sida Mr. Kerry u xaqiijiyay in macluumaadkii iyo warbixinihii kasoo gaadhay Muqdisho aanay waxba ka duwanayn waxa uu arkay mudadii yarayd ee uu joogay Madaarka, waxa muuqata in ay sabab u tahay in Xoghayaha Arrimaha Dibadda Maraykanku aanu wax qorshe iyo mashaariic uu la socday aanay jirin, balse keliya booqashadiisu ay ahayd mid uu doonayo inuu isku waafajiyo warbixinaha uu hayay ee hadda si dhab ah isu waafaqay, taas oo la rumaysan yahay inay tahay sababta uu Mr. Kerry uga duulay qadar yar kadib Madaarka Muqdisho, isagoo aan halkaa u dhaafin Muqdisho, isla markaana wax mashruuc ah oo uu balanqaaday xataa aanu jirin.

Xukuumadda Washigton wax xidhiidh ah oo toos ah lama laha Somalia, mana jiraan mashaariic ay ka wadaa Somalia waqtigan iyo kuwo ay balanqaaday mustaqbalka dhow, marka laga reebo tababaro cidamada Alpha Group oo ay bixiso kharashka ku baxa, waxayna inta baddan danaha ay ka leedahay cidda ay kala hadlay usoo marisaa dalalka jaarka, gaar ahaan Kenya, Ethiopia iyo Djibouti.

Horaantii sannadkan February 24, 2015, waxay Washigton safiir Somalia usoo magcawday Katherine Simonds Dhanani, balse taas xidhiidhka Maraykanka iyo Soomaaliya waxba kama beddelin, iyadoo Obama si rasmi ah u aqoonsaday dowladda Somalia horaantii 2013, taas sababtay in Maraykanku Somalia ka qaado Cunaqabatayntii dhinaca, isla markaana Maamulka Obama saxeexay 2013, in taageero hub Milateri la siiyo Somalia, balse waxa soo baxday in Hubkaasi u gacan gelyo Al-shabaab, kadib markii lagu eedeeyay Dawlada iyo AMISOM inay Hub ka iibiyaan Al-shabaab, taas oo sababtay in Maraykanku dib uga faagto inuu sii wado taageero Milateri oo la siiyo dawlada taagta daran ee Somalia.
Si kastaba ha ahaatee Mr. Kerry waxay booqashadiisa kooban ee Somalia noqotay mid waafaqday warbixinaha dhabta ah ee Hay’addaha Sirdoonku u gudbiyaan, taas oo meesha ka saartay inay xaalada Somalia mustaqbalka dhow wax iska beddelayaan, isla markaana marka laga yimaado amaanka aan laysku halayn Karin aanay hoggaamiyayaasha Soomaalidu waxaba ka duwanayn hoggaamiye kooxeedyadii ay ka takhaluseen ku dhowaad sagaal sanadood ka hor ee fawdada u horseeday Somalia.
Warbixin: Carraale M. Jama Freelance Journalist and Human Rights activist.
Araweelo News Network
Somaliland Office
Email info@araweelonews.com
Jaamac132@gmail.com
Twitter: Arraale M Jama @Araweelonews