Araweelo News Network

Madaxweynaha Dalka Gambia Yahya Abdul-Azia Jemus Junkung Jammeh (Bixid)   iyo Madaxweynaha dalka Algeria Mr. Cabdilcasis Bouteflika (Midig)

Madaxweynaha Dalka Gambia Yahya Abdul-Azia Jemus Junkung Jammeh (Bixid) iyo Madaxweynaha dalka Algeria Mr. Cabdilcasis Bouteflika (Midig)


Qormada 2aad

Madaxweynaha dalka Aljeeriya (Algeria) Mr. Cabdilcasis Bouteflika waxa uu ku koray magaalada Oujda, kaasoo muddada uu halkaas joogay galay saddex Dugsi sare – Sidi Ziane, El Hoceinia iyo Abdel Moumen. Waxa uu ahaa Arday aqoonta ku fiican, balse nasiib-darro ma uu helin waxbarasho sare.

Madaxweyne Boutelflika waxa uu ku dhashay magaalada Ouida ee dalka Marooko (Morocco) taariikhdu markay ahayd 2 March 1937kii. Waa curadka hooyadii, halka uu Aabbihiina yahay ilmaha labaad, waayo waxa ka weyn gabadh ay walaalo oo lagu magcaaboFaadima oo ay xagga Aabbo walaalo ka yihiin.

Aabbihii iyo hooyadii waxay ka soo jeedaan Gobolka Tlemcen ee dalka Algeria. Waxa Abdelaziz la dhashay saddex hablood oo ay xagga Aabbo ka walaal yihiin (Fadima, Yamina, Aisha) oo aad uga qaybqaata la-talintiisa mar walba.

Kadib, markii uu Dugsiga sare dhammaystay waxa uu tegay tuulada Ouled Amer oo u dhaw Gobolka hooyadii iyo aabbihii asal ahaan ka soo jeedaan ee Tlemcen, halkaas oo uu 19 jirkiisiiba ku biiray ciiddamadii la odhan jiray Army of National Liberation oo ahaa qayb ciiddamada millateriga ee National Liberation Fron (FLN)

Sannadihii 1957 ilaa 1958kii waxa uu noqday taliyaha ciidammada Wilaya oo inta baddan samayn jiray warbixino la xidhiidha xaaladda xadka Marroco iyo galbeedka Algeria ah, laakiin aakhirkii horumarka uu ciidannimada ka sameeyey ayaa sabab u noqday, ama ku hoggaamisay inuu noqdo in hoggaamiye dalka uu asal ahaan ka soo jeedo ee Algeria oo ka noqdo Madaxweyne. Inkastoo aqoonta ku fiicnaa, haddana jaamacad ma uu gaadhin oo ma uu helin, maadaama uu intaas oo dhan ciidan iyo halgan ku jiray.

Yahya Abdul-Azia Jemus Junkung Jammeh oo ah Madaxweynaha dalka Gambiya ma gelin waxbarasho jaamacadeed, balse waxa uu dhigtay dugsiga sare ee Gambia High School oo ku yaal magaalada Banjul. Markii uu dhammaystay waxa uu tababar millateri ka helay dalka Senegal iyo dugsiga tababarka ciidammada Maraykanka (United States Army School of Americas).

Madaxweyne Jammeh waxa uu ciidanka qaranka Gambia National Army ku biiray sannadkii 1984kii, isagoo noqday sarkaal sare 1989-kii, halka uu 1992-kii noqdayna Taliyaha ciiddamada Gambia (Commander of the Gambian Military Police). Intii uu ciiddamada ku jiray waxa uu kolba helayey tobabaro ciidan oo aad u tiro badan oo uu ku soo qaadanayey Senegal iyo Maraykanka.

Aqoontiisa sare ma fiicna, balse waxa uu ku wanaagsan yahay xagga ciidanka, waana sababta loogu eedeeyo inuu awood cabudheed u adeegsado dadkiisa.
Waxa uu dalkiisa ku soo dejiyey in shareecadda Islaamku awood badato, isagoo xeerar ka soo saaray in dadka isku jinsiga ah isku galmoodaan, ciqaab culusna mariya. Waxa kale oo uu caan ku yahay inuu dalkiisa ka dhaqan-geliyey in qofkii qof dila loo dilo, lana fuliyo xukunka dilka ah.

Waxa bishii March ee sannadkii 2009 dawladdiisu soo saartay in la ugaadhsado dadka sixirka wax ku daaweeya, iyadoo la afduubay 1,000 sixiroole, laguna qasbay in ay cabbaan sun si ay isu dilaan oo aanay dadka dib ugu soo noqon. Ololaha sixiroolayaasha lagu qabqabtay waxa loo yaqaannay “Ololaha Ugaadhsiga Sixiroolayaasha.”

Inkastoo aannu aqoon sare oo jaamacadeed dhammaysan, haddana waxa lagu maamusay shahaadooyin sare. Jaamacadda St. Mary’s College of Maryland waxay sannadkii 2004 siisay shahaadada Honorary Doctorates, halka Jaamacadda Universidad Empresarial de Costa Rica ay siisay shahaahada Norman Academy. Sidoo kale Jaamacada National Taipei university of Tecnology ayaa shahaado sharaf digoorayt ah ku maamuustay. Waxa kale oo aad u tiro badan abaalmarino la siiyey oo dhinaca tacliinta ah oo ay bixiyeen mac-had iyo goobo waxbarasho oo aan la aqoonsanayn…. La soco…

Source: jamhuuriya
Araweelo News Network
Somaliland Office
Email info@araweelonews.com
Jaamac132@gmail.com
Twitter: Arraale M Jama @Araweelonews

WhatsApp + 252 63 442 5380
Send an SMS or MMS to + 252 63 442 5380