dhiiga jacaylkaQaaradda Eeshiya inta badan waxa laga aaminsan yahay, gaar ahaan dalka Japan nooca dhiigga, iyagoo haweenka iyo ragguba tixgeliya in ay guursadaan lammaane ay u arkaan in dhiiggiisu yahay mid firfircoon, waayo waxay rumaysan yihiin in dhiigga qofku ka qaybqaato in shakhsiyadiisu wanaagsanaato amma xumaato.
Daraasado badan oo laga sameeyey dalka Japan ayaa laga ogaaday in dadka qaar dhiigga noocyadiisa aad u qariyaan.
Haddaba, qaabka reer Japan arrintaas u tixgeliyaan waa sidan:
Lammaanaha haweenaydu dhiiggeedu A yahay, saygana B
Lammaanaha A iyo B dhiiggoodu yahay waxa la rumaysan yahay in ay yihiin lammaane aan inta badan heshiin oo xidhiidhkoodu aannu sii raagin, sababtoo ah waxa la rumaysan yahay in haweeenaydu tahay mid ka firfircoon, kana caqli badan ninka sida dabeecadda u ah dhiigga A, kana firfircoonaato saygeeda, waayo dhiigga A waa mid ka adag inta badan B-da, inkastoo dhiigga B loo yaqaan inuu hoggaaminta ku fiican yahay, qoyskana way heshiiyaan, balse waxa muuqata haweenayda.
Lammaanaha dhiiggoodu yahay labadoodaba A:
Lammaanahan waxa la rumaysan yahay in ay yihiin qaar is-fahma oo aad isu jeclaada, degenaada, muran aannu dhexmarin, isla markaana go’aannada ay isla soo jeediyaan wada qaata, noloshoodana ku dhammaysta jacayl iyo degenaansho badan.
Marka haweenayda dhiiggeedu A yahay, saygana O:
Waa lammaane sax ah oo labadooduba aad isu jeclaada, laakiin waxa laga yaabaa in ay fikradaha isku qabsadaan mararka qaar, inkastoo lagu yaqaan inay xal gadhaan, kuna heshiiyaan aakhirka firkadda, jacaylkoodana waxa loo yaqaan “Jacaylka Sacda,” (Perfect Couple).
Marka haweenaydu A tahay, ninkuna AB:
Lammmaanahan waa qoys deggen, waxaana dabeecad u ah in ninku hoggaanka guriga gacanta ku hayo, una taliyo qoyskiisa, wax muran ahna ma dhex galo, waayo dhiiggan waxa inta badan isu raaca maskax iyo astaan hoggaamineed, sidaa darteed waa nin qoyskiisa ka adag, kana soo baxa masuuliyadda saaran, haweeenaydu aad u jeceshahay, kana dambayso go’aamadiisa.
Lammaanaha haweenayda dhiiggeedu B yahay, saygana A:
Inta badan waxa ka yimaada muran oo waa lammaane aad u dooda, kelmad kasta oo mid ka mid ah afkiisa ka soo baxa ka kale dood aad u adag buu ka keena, waana dad marka aad aragto buuq iyo dood ku wada jira, balse khilaafkoodu ma adkaato, dhib badana ma keeno, inkastoo aanay firkadaha isku fahmi, haddana maadaama ninku ka firfircoon yahay waxyaabo badan buu ka tanaasula oo uu haweenayda u daaya in ay hoggaamiso.
Waxyaabaha dhiigga haweenaydu tahay ee B lagu dhaliilo ayaa ah inuu yahay qof inta badan jecel inuu danayste, cadho badan, inta badana kibirku ku yara badan yahay, halka dhiigga A lagu yaqaan inuu yahay qof inta badan jecel inuu horumar gaadho, mashquulkiisuna bato.
Lammaanaha Dhiiggoodu B-da yahay:
Lammaanahan dhiiggodu B noocuu doono ha ka sii ahaadee wada yahay waa lamaane wada jirka aad u jecel, wax kastana wadaaga, is fahankoodu badan yahay, isla jaan qaadaya, waana sababta dadka Japan ku dhaqan u jecel yihiin in dhiiggoodu isku mid noqdo oo aanay kala duwanaan si dabeecadahoodu isku mid u noqdaan oo isu fahmaan.
Lammaanaha haweenaydu B tahay, ninkuna O:
Waxa lammaanahan lagu turjuma in xataa ay yihiin laba qof oo neefta wada qaybsada wax kale iska daaye, waana dad aad isu jecel oo ay aad u adag tahay in la kala geeyo, la isku diro amma khilaaf soo kala dhex galo, waxaana laga yaaba in xataa nafahooda ay isu huraan, sababtoo ah dhiigga O inta badan waa qof loo talin karo oo rayida aan ka hor imaan, halka B uu yahay qof hoggaamin jecel, sidaa darteed waxay noqdaan laba qof oo xidhiidhkooda silsilada isu haysaa adag tahay.
Lammaanaha heenaydu B tahay, ninkuna AB:
Waxay leeyihiin dabeecad aad u kala gedisan, sababtoo ah ninku waa nin aad u qabow oo aad u naxariis badan, halka haweenaydu noqot mid aad u kulul oo adadag, sidaa darteed waxa dulqaadka badan sameeya sayga, laakiin waxa dhacda in marka uu dulqaadan waayo xidhiidhkoodu halkaas ku dhammaado. Waxaana loo yaqaan lammaanaha dabeecada kala gedisan, daraasado badan oo la sameeyeyna waxa loo arkay in ragga haweenkoodu ka adag yahay labadan dhiig kala leeyihiin…. La soco…
Araweelo News Network

Somaliland Office

info@araweelonews.com

jaamac132@gmail.com