haweenkaugu awooda badnaaHargeysa(ANN/Forbes)Wargeyska Forbes oo ka faallooda arrimaha ganacsiga, ayaa daabacay 100 haween ee ugu saamaynta badan adduunka, gaar ahaan dhinacyada siyaasadda, dhaqaalaha, fanka iyo aqoonta.
Haddaba, dumarkan adduunka ugu saamaynta badan waxa aynu ka soo qaadan doona 10 qof ee ugu horreeya liiskaas wargeyska Forbes soo bandhigay, taasoo lagu beegay xuska maalinta haweenka adduunka ee 8 March.
1. Anglia Merker: Waa haweenayda ah Raysal wasaaraha Jarmalka, waana 60 jir muddo saddex jeera ku guulaysatay doorashada madaxtinimada dalkeena, iyadoo noqotay hoggaamiyihii ugu muddada dheeraa dalalka ku bahoobay Ururka Midawga Yurub. Wargeysku wuxuu si gaar ah diirada u saaray awoodda siyaasadeed ee haweenaydaas ku dhex leedahay qaarada Yurub, waxaannu si gaar ah u soo qaatay go’aankii adkaa ee ay ka qaadatay faragelintii Ruushku ku sameeyey dalka Ukraine iyo waliba taageero millateri oo toos ah u fidisay dagaalyahannada Kurdiyiinta ee Daacish ka dagaalama Waqooyiga waddanka Turkiga.
2. Janet Yellen: Waa Madaxa Banka Dhexe ee dalka Maraykanka oo loo magacaabay February, 2015kii, taasoo ka dhigaysa in ay noqoto haweenaydii ugu horraysay ee xilkaas loo magacaabo, waana gabadh ku takhasustay cilmiga dhaqaalaha, kana soo shaqaysay hay’adaha dhaqaalaha ee dalka Maraykanka. Xilka loo magacaabayna waxa u soo magacaabay in ay qabato Madaxweynaha dalka Maraykanka Barack Obama.
3. Melinda Gates: Waxa ay madax ka tahay hay’ad ay wada aasaaseen saygeeda oo ka mid ah dadka adduunka ugu hantida badan, hay’adaas oo la yidhaa Bill and Melinda Foundation Foundation waxay ka shaqaysaa arrimaha samafalka. Waxaanay sannadkii 2012kii ay arrimaha samafalka ku bixisay lacag dhan $3.4 bilyan oo ay ku sheegtay in ay tahay qayb hordhac ah oo ka mid ah muwaacimooyinka hay’adeedu ku taageerayso dadka tabaalaysan.
4. Dilme Rousseff: waa haweenaydii ugu horraysay ee dalka Brazil Madaxweyne ka noqota, waxyaabaha ay caanka ku noqotay waxa ka mid ah in waqtiyadii hore ay aad ugu doodi jiray mabda’ada Hantidawadaaga. Waxaana awoodeeda muujiyey iyadoo hoggaamiye ka ah dalka 7aad ee adduunka ugu dhaqaalaha badan sida la caddeeyey sannadkii 2013-ka.
5. Christen Lagerde: Waa Madaxa Hay’adda Lacagta Adduunka ee IMF, waana 59 jir hore muddo lix sannadood ah Wasiirka Maaliyadda ka soo noqotay dalka Faransiiska. Dhinaca kale, wargeyska Financial Times ee ka soo baxa dalka Ingiriiska, ayaa haweenaydan Faransiiska u dhalatay u aqoonsaday Wasiirka Maaliyadda ugu fiican Qaarada Yurub sannadkii 2009kii, waxaanay isla sannadkaaskaas kaalinta 17aad kaga jirtay haweenka ugu awoodda badan caalamka.
6. Hillary Clinton: Waxa la sadaalinaya in sannadka 2016 ay noqon doonto haweenaydii ugu horraysay e Madaxweyne ka noqota dalka Maraykanka. Waa gabadhii ugu horraysay ee Madaxweyne xaaskiisa ah ee noqota xildhibaan iyo waliba u tartanta jagada Madaxweynenimo. Heerkeeda aqooneed waa, waxa ay sidata shahaadada labaad ee Master oo sharciga ah oo ay ka qaadatay Jaamacadda Yale University, Bachelor Arts/Science ay ka qaadatay Jaamacadda Wellesley College.
7. Mary Barra: Waa Agaasimaha Fulinta shirkadda General Motors la yidhaa oo dalka Maraykanka laga leeyahay oo soo saarta baabuurta. Bishii April ee sannadkii hore waxa looga yeedhay Golaha Barlamaanka si wax looga waydiiyo in ay ka jawaabto qarax ay ku dhinteen ugu yaraan 21 qof oo shirkadaas soo wajahay. 31 jirkan waa haweenay kalsoonideedu aad u badan tahay ganacsigana aad u taqaan, waxaanay shirkaddu sheegtay in hoggaaminteedu sababtay in macaamiishu aaminto wax soo saarka shirkadda.
8. Michelle Obama: Waa Xaaska Madaxweynaha Marayanka, awoodda lagu xusayna kama haysato saygeeda, laakiin waxyaabaha ay ay kaga mid noqoday haweenka saamaynta dunida ku leh waxa ka mid ah, iyadoo u ololaysa la-dagaalanka buurnida carruurta iyo in kuna ololaysa in cunto caafimaad qabta ubadka la siiyo. Waxa ay aad uga caansan tahay 44% saygeeda, sababtoo ah waxa inta badan ku qaatada waqtigeeda telefiishannada
9. Sheryl Sandberg: Waa Madaxa Halwgelinta shirkadda Facebook, waxaanay aad caan ugu tahay go’aanada adadag ee ay qaadato in ay ku guda jirto shaqadeeda. Haweenaydan 45 jir laba carruur ah leh, waxay hore u ahaan jirtay Agaasimaha Fulinta ee shirkadda Google. Waxa ay shahaadada Master ee Ganacsiga ka qaadatay Jaamacadda Harvard ee dalka Maraykanka, waana haweenay sheerer badan ku leh shirkaddo Maraykanka k abaxsan, suuqyo dunida ugu caansan.
10. Ginni Rometty: waa 51 jir, waana Agaasimaha Fulinta ee shirkadda IBM oo ah ka mid ah shirkadaha tiknoolajiyada hadda ugu haysta dunida, waxaanay xidhiidh iyo wada shaqayn la leedahay shirkadda Apple. Haweenaydan waxa ay qorshaynaysaa waqtigan in ay $1.2 bilyan ku kharashgrayso in shikradda IBM ganacsigeeda dunida ku qabsato, waxaanay shirkaddan ku soo biirtay, iyadoo 24 jir ah, sannadkii 1981kii oo ay ahayd Injineer dhinaca nidaamka shirkadda ijiinadeedu u shaqeeyaan u qaabilsan.

Araweelo News Network
Somaliland Office
Email info@araweelonews.com
Jaamac132@gmail.com
Twitter: Arraale M Jama @Araweelonews