Araweelo News Network

Mr. Juan Mannuel Santo

Mr. Juan Mannuel Santo

Colonbia(ANN) Madaxweynaha dalka Kolombiya (Colombia) ee koonfurta qaradda Ameerika Mr. Juan Mannuel Santo, ayaa sheegay inuu ugu deeqi doono lacagta uu ka helo abaalmarinta Nabadda (Noble Peace Prize) dhibbanayaasha ku waxyeelloobay khilaafaadka dalkiisa ka socday 50 sanno.
Madaxweyne Santo waxa uu sheegay in abaalmarinta oo qiimaheedu dhan yahay $925,000 (sagaal boqol, shan iyo labaatan kun oo dollar) inuu ku samayn doono mashaariic lagula tacaalayo xaaladda dhibbanayaasha iyo dib-u-heshiisiin meesha lagaga saaro colaadaha muddada dheer ka taagnaa dalkiisa.
“Waxa aan doonaynaa in aannu la tacaalno, waxaannu la tacaali doonaana oo la tacaali doonnaa ilaa inta aannu fulinayno heshiiska la saxeexay. Haddii aan wax dejinno ah isla gaadhnay, waxaannu fulin doonana waxyaabaha qorshaysan,” ayuu yidhi Madaxweyne Santos oo la hadlay Wakaaladda Wararka ee AFP oo Jamhuuriya soo xigtay, isagoo ka hadlayey heshiis uu la saxeexday Jab-hadda FARC oo muddadaas dheer dawladda dagaal kula jirtay.
Dalka Kolambiya oo khilaafkiisu socday konton sannadood, waxa ku naf waayey 26,000 qof, waxana la waayey 45, 000 kale, halka in ka badan toddoba milyan oo ruuxna lagu qasbay in ay guryahooda ka qaxaan.
Jabhadda FARC ayaa noqon doonta xisbi siyaasadeed, balse waxa go’aankaas ka soo horjeeda xisbiga garabka fog, iyagoo ku doodaya in jabhaddaas ku kacday xasuuq, afduub iyo dambiyo badan intii dagaalladu socdeen.
Madaxweyne Santo ayaa abaalmarintan qaaliga ah helay, kadib markii uu soo afjaray colaada muddadaas dheer socotay ee ka dhaxaysay dawladda Kolombiya iyo Jab-hada FARC, inkastoo heshiiska FARC lala galay ay diideen dadka Kolombiya oo afti laga qaaday in ay bal u codeeyaan heshiiska jabhadda lagu soo xero-gelinayey.