somalilandflagkuwaitMadaxweynaha Somaliland, ayaa maanta xadhiga ka jaray dhisme si weyn loo habeeyay ee ahaa Mashruuca Kaamka Waxbarashada Iyo Samafalka KUWAYT, kaas oo ku yaal dhinaca Bari ee Magalaada Hargeysa.
Mashruucaa oo ah Deeq Dawlada Kuwait siisay Agoomaha Somaliland oo Dhismihiisa Madaxweyne Siilaanyo xadhiga ka jaray, wax aka dhashay Su’aasha ah Maxay ku kala duwan yihiin maamul ahaan Mashruuca dhigiisa ah ee ay Kuwait Dalka Djibouti ka hirgelisay.

 

 

 

 

qayb agimaha kuwait
Cabdiraaxim Ismaaciil Cabdilaahi (Bidaar) oo ah Muwaadin Somaliland ah, isla markaana xog ogaal u ah qaaba loo maamulo mashriica Madaxweyne Siilaanyo xadhiga ka jaray, ayaa ka diyaariyay warbixin uu Ciwaan uga dhigay Madaxweyne Ma Dugsigii Agoomaha Ayaad Furtay Mise Kii Tijaarta, wuxuuna kau bilaabay sidan:-

madxweynaha iyo wefdi kuwait agomaha
Madaxweynaha Somaliland Axmed Maxamed Maxamuud Siilaanyo, wuxuu maanta xadhiga ka jaray Mashruuca Kaamka Waxbarashada Iyo Samafalka ee KUWAYT, kaasi oo Ah runtii Dhisamayaal aad u quruxbadan oo ah mid loogu talo galay Agoomaha Somaliland, iyadoo mashruucan oo kale Kuwait ka fulisay Djibouti.

Haddaba haddaynu u gundadegno Bud-Dhiga Mashruucan laga hirgeliyay labadan dale e kala ah DJIBOUTI iyo SOMALILAND, Haddaan ku horeeyo ka dalka Djibouti waa sidan;
Waxa Dalka Djibouti Qaybta Boodhinka Dhigta Arday Dhan Cadad ahaan 2000-Kun Arday oo agoomo ah.
Qaybta Dhayga ah Waxa Gala 3000-Kun Arday, Waxaana Dhaqaale ahaan
Loo Siiyaa 100$ Dollar ardaygiiba (bas raac),
Waaxyaha ay uu u qaybsanyay Ka Djiboutina Waxay kala Yihin:
1. Faarada Ama Nijaarada –Bilaash,
2. Laydhka Ama Farsamadiisa –Bilaash,
3. Almuniumka Ama Dhismaha Casriga ah-Bilaash,
4. Laxaamada –Bilaash.

Haddaba, Walaalayaal sida ka muuqata mashruuca magaciisa oo ah Kaamka
Waxbarashada Iyo Samafalka ee KUWAYT inagoo u Daadegeyna Somaliland
kan laga hirgaliyey aan isku dayo Faahfaahintiisa Mashruuca inaad wax
ka dhugataan waxanu yahay sidan.
Ujeedooyinka Mashruuca
• Daryeelka iyo xanaanaynta Agoonta, Waxbarasho ahaan,maciishad
ahaan,iyo caafimaad ahaanba,si ay u noqdaan dad wax tar u leh bulshada
• In aan soo saarno Aqoonyahano iyo farsamayaqaano iyadoo la eegayo
baahidda wadanka iyo horumarinta bulshada
• Inuu ka qaybqaato horumarka guud ee Bulshada

Qaybaha uu Ka Koobanyahay Kaamku
• Dugsiga Sare
• Dugsiga Hoose/Dhexe
• Dugsiga Farsamadda
• Hoyga Agoonta iyo Ardayda kale
• Masaajidka
• Dhismaha Maamulka
• Qaybta Furinka
Haddaba, aynu u Daadegno ardayda Wax ka barata kan caasimada Hargeysa
oo isugu jira agoomo iyo caruurta tijaarta oo lacag fara badan laga
qaado waana sidan:

 Somaliland Ama Caasimada Hargeysa Agoomaha Meesha ku Jiraa waa
Arday dhan 370- Arday (Saddex Boqol iyo Todobaatan)
 Qaybta Barayfadka Gebi ahaan Munaasibada Laguma Soo Hadal Qaadin.
Caruurtii Fiiga Laga Qaadayeyna ee Tijaarta Waa La Fasaxay
 Qaybaha ay uu u qaybsanyay kan Hargeysa iyo lacagta laga qaado qayb
kasta waxay kala yihin:
 1. Faarada Ama Nijaraada –Lacag dhan $50 (Konton Dollar) bishii
 2. Laydhka Ama Farsamadisa – $80 (Sideetan Dollar) bishii
 3. Almuniumka Ama Dhismaha Casriga ah- $120 (Boqol iyo Laabatan Dollar) bishii
 4. Laxaamada – $100 (Boqol Dollar) bishii.

Ardayda Ku Jirta Qaybta Barayfadka ah oo tiro ahaan ka Badan Tirada
Agoomaha laban-laab una qaysama (dhay iyo boodhin) qayb basas lagu soo qaado iyo qayb boodhinka ku jira oo iyagu seexda sida agoomaha Lagu Magacaabay Mashruucan. Iyadoo kuwaa barayfadka ah ee lacagta laga qaado la qoro maalin walba ,Halka la yidhi Agoomihi Way idinka Buuxsantay.
Qaybta Barayfadka Day School iyo Boodhin Waxaana laga Kala Qaadaa Lacag Dhan.
• Ardayga Dhayga ah ee Isagu ka Soo Rawaxa Waxa Bishii Laga Qaadaa
Lacag Dhan $70 (Toddobaatan Dollar)
• Halka Ardayga Boodhinka ah ee Isagu Seexanaya Waxna Ka cunaya laga Qaado Bishi 160$ (Boqol iyo Lixdan Dollar) Lacagtaasi oo ka Fara Badan Lacagta Ardayda Jaamacadaha laga qaado.
Su’aasha Iswaydiinta lehi waxay tahay Madaxweynuhu Ma School dad gaari leedahay oo ah kii Tijaarta ama dadka Wax haysta ayuu u Furay mise School ay Agoomaha Somaliland loogu Deeqay ayaa La Furayey.
Madaxweyne Meesha aad maanta Furaysay waa meesha Caruurta Dhigata Saddex meelood Laba Dalool waa Caruurta Tijaarta ee Lacagta aan sare ku soo Sheegay laga Qaado Taasi oo aan jaamacadaha Dalka Ardayda.
Dhigata aan laga Qaadin, Waxaana Lagu Badalay oo La celiyey Caruurtii Agoonta ahayd, iIlaahay Hortina adigaa ka Masuul Ah Caruurtaa Agoonta ah ee la dumiyay Laguna Badalay Kuwii tijaarta.
Arrintaa wax ka qabashadeeda Adaa Madaxweyne lagaa sugaya sidii Caruurtaa Agoonta ahi u heli lahayd Deeqdaas Waxbarasho ee Ilaahay u soo Diray, Madaxweyne Waxaan si sharaf leh kaaga Codsanaynaa Agoomahaa La Dulmiyey inaad Wax ka Qabo.
Haddaba Akriste Waaxad Oogatan in meeshan Walidiinta bixisay laacagta ee ubadkooda Geeyay inay booska ka Qaden Dad Agoomo ah Masaakiina, taasoo Akhiraana illaahay Waydin doono Dadka Maamulka Gacanta ku haya ee Laacagta ka Dhigayna Waxay ku Noqonaysa Xaaran ay ifka Quudanayaan.
Taa Waaxa Markhaati ka ah Maanta oo uu Madaxweyne Siillanyo Goob joog u ahaa Muunasibada isaguna uu Xadhiga ka jaray inay Fasax siyeen Ardaydi Laacagta aha ee ay Qaybta Maalinlaha ah ugu tala galeen in ay keenen Muunasibada Ardaydi agoonta ahayd.
Tijaarta Caruurtooda meesha geeyey, waxaan leeyahay marka meesha saddex meelod meel, ayaa qaadateen ee miyaydaan Illaahay ka baqayn In Caruurtiinu Agoomowdo.
Haddii Aad Caruurtina Dhisme Qurux Badan la Jeceshina Uu Dhisa Waad u Dhisi Karaysane Kaan Agooma loogu talo Galaye.

Waaxan ku Soo Gaboogabaynaya Walalayal Bal soo eega oo Soo Qimeeya haddi waaxa aan sheegay waax laga waayo aniga ayaa xaal bixinaya Xukumadana waaxan leyahay baal eega buuga la idin qaybiyey ee meesha yaala meeshana soo koormeera oo runta soo tabta hadaydaan ka mid ahayn.

Cabdiraaxim Ismaaciil Cabdilaahi (Bidaar)
Cabdiraxiim9909@gmail.com
Hargeysa /Somaliland