omar abdirashiidMadaxweynaha Somalia Xasan Sheekh Maxamuud (Xasan Gur-guurte), ayaa la filayaa inuu magcaabo Raysal wasaare cusub oo soo dhisa xukuumad kadib markii Baarlamaanka Somalia kalsoonidii kala noqday Raysal Wasaare Cabdiweli Sheekh oo ahaa Raysal Wasaarihii labaad ee kasoo jeeda deegaanka Garbahaaray ee Xasan Sheekh ay isku dhaceen mudadii uu xilka hayay, taas oo aakhirkii daaqada laga saaray Raysal wasaare Cabdiweli iyo xukuumaddiisa.
Madaxweyne Xasan Sheekh, wuxuu mudadii uu socday khilaafka u dhexeeyey isaga iyo raysal Wasaare cabdiweli Sheekh dhegaha ka furaysatay dedaalo la doonayay in xal loogu helo khilaafka isaga iyo Raysal wasaare cabdiweli, waxayna dedaaladaa dublamaasiyaseed intooda baddan ka imanayeen dalalka daneeya arrimaha Somalia ee gacamcaha kula jira Siyaasada dhawr iyo labaatanka sanadood salka dhiganweyday ee Somalia.
Khilaafka labada masuul ayaa sidoo kale saamayn ku yeeshay Hay’addaha dawlada iyo Baarlamaanka oo ku kala qaybsamay. kadib markii dhawr fadhi oo la doonayay codka kalsoonida loogu qaado Raysal wasaare Cabdiweli lagu kala qaybsamay, taas oo muujinaysay miisaanka siyaasadeed ee uu lahaa raysal Wasaaraha la eryay oo noqday kii ugu horeeyay ee Baarlamanku sidan oo kale ugu kala qaybsamo mudadii Somalia loo samaynayay dawladaha Macmalka ah ee debeda lagga soo waarido.
Hase yeeshee ugu danbayntii waxa uu waayay codka kalsoonida, waxaana sidaa daaqada looga saaray Raysal wasaare cabdiweli. kadib markii lagaga adkaaday Baarlamaanka.
Madaxweyne Xasan Sheekh, ayaa maalmahan la hadalhayay cidda uu usoo magcaabayo Raysal wasaaraha cusub ee Somalia, waxaana saaxada soo galay magacyo iyo shaqsiyaad kala duwan, kuwaas oo ugu danbayntii isugu soo ururay Cabdirashiid Cali Sharmaarke oo ah wiilka uu dhalay Madaxweynihii loogu jeclaa ee soo mara Somalia, kaas oo lagu khaarajiyay dil qorshaysan Oct 1969.

Inkasta oo Cumar Cabdirashiid uu dhalay mid ka mid ah Madaxweynayaashii soo maray Somalia kii loogu jeclaa, taas macneheedu mahaa inuu leeyahay sifooyinkii iyo hoggaamintii lagu jeclaa aabihii, balse wuxuu sita keliya magaca sida Aabihii oo u suurta geliyay inuu kusoo galo siyaasada oo ku maxaafsado, wuxuuna hore usoo qabtay Cumar cabdirashiid xilka raysal wasaaraha xiligii Sheekh Shariif, isagoo waqtigaa si dhab ah loo ogaaday inaanu ahayn siyaasi inyarna ka sita astaamihii lagu bartay aabihii, waqtigana wuxuu ahaa Safiirka Dawlada Somalia u fadhiya Washigton DC.
waxa jira doodo ka taagan hadalhaynta magcaabista Raysal wasaraha somalia ee cusub, waxayna dad baddani is weydiinayaan sababta Xasan Sheekh uu Raysal wasaare ugu dooranayo Cumar Cabdirashiid iyo waxa uu dawlada taagta daran ee somalia kusoo kordhinayo, sidoo waxa lays weydiinayaa suurta gal ma tahay inay wada shaqaeeyaan Madaxweyne Xasan Sheekh iyo Cumar cabdirashiid ilaa mudada laga gaadhayo sanadka 2016, waqtigaa oo ku beegan xiliga loo qorsheeyay Somalia inay ka hdacaan doorashooyin xor ah.
Haddii uu xasan Sheekh go’aansado inuu Raysal wasaare cusub u magcaabo Cumar cabirashiid, waxay u muuqataa inuu u hoggaansamay siyaasada maamul goboleedka Puntland ee Somalia oo uu kasoo jeedo Cumar Cabdirashid, isagoo kasoo leexday Xasan Sheekh siyaasadii iyo qorshihii hore ee ahaa in raysal Wasaaraha Somalia ka yimaado deegaanka garbahaarey, wuxuuna noqonayaa Raysal wasaarihii sadexaad ee uu magcaabo mudadii dhawrka sandood ahayd ee uu xilka Xukuumadda hayay, iyadoo labada Raysal wasaare ee hore ka yimaadeen dhinaca deegaanka Garbahaaray. sidoo kale wuxuu noqonayaa Raysal wasaarihii sideedaad ee loo magcaabayo mudadii dawladaha macmilka ah laga soo dhisayay debeda, waxayna dhamaantood kaga tagaan kursiga khilaaf siyaasadeed oo dhexmara Madaxweynaha.
Raysal wasaarihii ugu kartida badnaa mudadii Sheekh shariif, ayaa noqday Farmaajo, kaas oo la rumaysanyahay haddii tartankii Madaxweynaha ee Xasan sheekh lagu doorat ahaan lahaa mid dadku codaynayaan inuu daaqada ka qaadan lahaa kursida,balse shandado lacag ah oo laga soo waariday dhinaca dalalka carabta ayaa sababay in lagu soo dhiso dawlada uu hoggaamiyo Xasan sheekh, taas oo ay fursad fiican ka heleen kooxda Daamul-jadiid ee wadaadada oo isku xeeray kuraasta Baarlamaanka iyo xilalka Hay’addaha dawlada, waana sababta salka u noqotay khilaafka Madaxweynaha iyo raysal Wasaaraha Somalia.
si kastaba ha haatee nagcaabista Raysal wasaaraha cusub waxay dhaafi weyday Cumar cabdirashiid, waxyana taasi u muuqataa in Madaxweyne Xasan Sheekh (Xasan Gur-guurte) soohanayo xadhigii uu siyaasiyan isugu deldeli lahaa, balse waxaynu eegi doonaa halka ay isugu biyo shibtaan siyaasadaha kala albaabka ah ee xasan sheekh Cumar Cabdirashiid haddii go’aanka u danbeeyaa noqdo in loo magcaabo Cumar Cabdirashiid.

Faalllo Carraale M. Jama Freelance Journalist and Human Rights activist
jaamac132@gmail.comomar abdirashiid