Araweelo News Network

Qormada 2aad

Teddy Roosevelt

Madaxweyne Teddy Rooselvelt waxa uu Buugga Dhan ku Akhriyi jiray Inta Aanu Quraacan

Madaxweyne Teddy Roosevelt waxa uu ka mid ahaa madaxweynayaasha Maraykanka soo maray ee ugu cajiibsan, dadka ka ag dhawa waxa ay la yaabi jireen caadooyin u gaar ah oo uu lahaa oo ay ka mid ahaayeen akhriska deg dega ah oo dad tiro yar oo adduunka mid ah ku caano maaleen amma maskaxdoodu qaadi karto in ay shay deg deg u akhriyaan, kadibna ay fahmaan dhammaan waxa ku qoran.
Qiyaas ahaan Madaxweyne Rooselvelt waxa lagu qiyaasa inuu akhriyey 10,000 (toban kun) oo buug oo qaar badan oo ka mid ah luuqado ajenebi xaggiisa ka ah ku qornaayeen, sababtoo ah waxa dadka taariikhdiisa qora tilmaamaan inuu aad u jecla in naftiisa uu loolan adag la galo oo uu baro habka go’aannada loo qaato, dhaqannada kalana loo fahmo.
Waxa uu bartay habka amma awoodda akhriska deg dega ah, taasina waxa ay u keentay inuu buug wax yar ku akhriyo, kadibna 90% macluumaadka uu xambaarssana fahmo. Waxa hibbada uu lahaa ahayd inuu buug amma magaasin dhan ku akhriyo daqiiqado amma saacado yar oo kooban, iyadoo qofka uu uga sheekeeya moodi jiray inuu sannado badan akhriyaayey sida uu ugu soo koobaayo xogta ku jirta buugga.
Dadka aadka ugu dhuun daloolay ee wax ka qoray waxa ay xusaan inuu maalin kasta hal buug akhriyi jiray ka hor inta aanu quraacdiisa dhammayn, iyadoo qofka caadiga ah ay ku qaadato buugga uu sida khaaska ah u jecel yahay inuu bilo ku akhriyo amma bil badhkeed.

Calvin Coolidge

Madaxweyne Calvin Coolidge Waxa uu Doorasho ku Guul Darraysay Hal Mar oo Cajiiba

Madaxweyne Calvin Coolidge maaha madaxweynaha caanka ah ee kaliya dalka Maraykanka, balse waxa uu nasiib u lahaa ku guulaysashada doorashooyinka, intii uu doorasho ku jiray abidkii waxa uu guul darraystay hal mar.

Waxa uu u tartamay amma codsaday inuu ka mid noqdo xubin degaanka Northampton ah oo ka tirsan Golaha degaanka Magaalada Massachusetts ee dalka Maraykanka markay taariikhdu ahayd 1898kii, waannu ku guulaystay. Sannad kadib diba loo doortay, balse waxa uu dalbaday inuu noqdo Garyaqaanka Guud ee Magaalada, waxa uu uga sii gudbay inuu noqdo Xubin Sharci-dejinta amma Barlamaanka Magaaladaas, waannu ku goolaystay, halka uu aakhirkii noqday Maayir, Badhasaab, Madaxweyne-ku-xigeen, taasina ay u sii gudbisay inuu noqdo Madaxweyne Maraykanka oo dhan ka taliya.
Guushaas uu mar kasta gaadhaayey waxa ay u keentay inuu markii uu Madaxweynaha noqday Coolidge uu ku guulaystay gobol kasta oo cod ka soo baxay, marka laga reebo gobol degaanka uu ka soo jeeday ninkii la tartamaayey. Waqtigii labaad ee uu isu soo sharraxay Madaxweynnimada si karaamo ku jirto ayaa xilka uga degay, isagoo ku dooday in ay aad ugu badan tahay inuu 10 sannadood xukuumadda Washington sii maamulo, inkastoo dadka siyaasadda fallanqeeya ku doodeen inuu guulaysan lahaa haddii uu tartanka geli lahaa.

Haddaba, marka kaliya uu guul darraystay amma dhinaca siyaasadda ku guul darraystay waxay ahayd markii uu ololaystay inuu ka mid noqdo xubin ka mid ah guddi dugsi degaameed, sababtoo ah waxa aanu lahayn carruur dugsiyada u tagta.